Friday, August 14, 2009

Shimbirtii Oodweynaay Hodhodho

DALJIRE
(“Shimbirtii Oodweynaay Hodhodho")

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal: Waar maantuu u darraaye waa maxay maddiibaddan uu madaxa ku sitaa kii Dubbe? Waar waa sidee Dubbe? Waa maxay Maddiibaddu?

Dubbe: Miyanad maqal ninkan la yidhi Siciid baa la yidhaa oo Guurtida ayuu Guddoomiye ka yahay oo qofkii la hadlaba baastoolad buu ula soo baxaya? Dee waxaan is idhi waa intaasoo xabbad uu soo riday oo seeraaro ahi ku soo gaadhaaye sidii Dhallin Ileeye madiibad madaxa sii gasho. Haa dee. Ma aamin baa jira iminka. Gaadhigana barkimooyin baa dhinacayada aan ka geliyay oo ciidamadan la leeyahay meel baa laga keenay ee dadka laynaya ayaan rasaastooda ka gashaday. Tolow barkimadu wax ma celisaa? Reer magaalka miyaa xabbad iyo wax la laynayo iyo waxaa loo sheegaa. Waxa la yidhi ninkan Siciidku waa nin madaw anna illaa maanta ninkii madaw ee iga soo hor baxaba gacantiisa ayaan isha la raacayay bal i nuu dhinaciisa taabto oo uu baastoolad la soo baxayo. Saw dadkuba waa wada madaw yahay hadduun baan ogaaday markaan yara baqday e. mid casiba waa iga soo hor bixi waayay. waxay iigu darnay markaa mid kiishad wax kala soo baxaya is idhi qoodh iyo xaro la soo bax ee aan dhankaa isu dabbacay. Waxaanse ku weydiiyay. Warsangeligaynu naqaanay reer magaal iyo wada Boolis iyo ganacsato miidhan bay ahaayeene kani ma mid laynoo soo muuseeyaybaa? Muxuu adeer ahaa ninku? Xagguu inaga soo raacay? Waar ninka waxaad ku tidhaahdaan. Adeer iminka malaa Dhafoorqiiq baad tahay markaad Warsangeligaagii ku soo noqoto noo kaaly?

Doolaal: kkkkk. Alla ku doori fulaysanaa.

Dubbe: Waar fulay ma ihiye rabshadda ayaan necebahaye. Waaxaan idiin sheegayaa.......... Waar yar aamusa dhe qoladaa dhallinyarada. Mafrishka baryahaa rag aan ku jiraa dad aan waxba inoo geysan oo xilna inoo hayn aynu yar qarmacnay. Adeerayaal inaga ilaaliya.

Doolaal: Waar kollay laguu taag heli maayee iska dhaafoo. Khudbaddii Madaxweynaha ma dhegeysatay?

Dubbe: Adigu weligaa qasabad biyood oo magaalo xeeba ku taala oo aan in doora la furin ma furtay?

Doolaal: Maxaaad uga jeeddaa?

Dubbe: Waar waxbaanu ku weydiinee ma furtay?

Doolaal: Maya.

Dubbe: Dee haddaba iska aamu. Waxa ka soo butaaxa daxal, biro yar yar oo madaw, biyo cas,saaruq iyo waxaynaan garanayn waana kulayl. Khudbadda Ina Rayaalena wax noocaas oo kale ah bay ahayd. Faan, run yar oo la buunbuuniyay, been caynkeediiya,haddidaad iyo hanjabaad, cay, iska dhe, kibir u dhe,dammiinimo u dhe iyo badhaasuq iyo waxaanu lahayn ama qaban iska sheegasho.

Doolaal: Waayo maxaad u odhanaysaa? Waxay ahayd khudbad Madaxweyne akhriyo ta ugu qiimaha badan. Wax uu dhaafay iyo wax uu dhimay toona ma jiraan. Wax qabadka xukuumadda, qorshaha xukuumadda, nabadgelyada , dhaqaalaha iyo siyaasadda intaba. Xaasid baad tahay.

Dubbe:kkkkkkk. Xaasid buu yidhi. Waar xaasid ma ihi isna wax laga xaasidoba ma hayee. Weliba aan ku xusuusiyee wixii uu sheeganay mid buu illaabay.

Doolaal: Maxay ahayd?

Dubbe: Ceelkii islaantu ka qodatay Dararweyne ee uu so furay kal hore. Labadii waraabe ee madaxaga laga gooyayna xafaddaa Axmed dhagax la dhigayna wuu illaabay.

Doolaal: Bal waxaad ku hadlayso eeg? Waa miyaydaan kursiga fuuli doonin oo aydaan ixtiraam u hayn? Waar nimanyow miyaydaan xishoonayn?

Dubbe:Dhegeyso haddaba adeer aan runa kuu taabtee. Sidiinabana idinkoo xukuumadda Rayaale ah kelmedaha qaar haba soo qaadina sida “xishood la’aan, yaqyaqsi, yaab IWM” iydinkaaba ehel idiin yihiine.

Doolaal: Runtaad sheegaysaa waa maxay?

Dubbe: waxa weeye. Rayaale wuxuu yidhi waxaan ka hadlayaa shan qodob.1) “in laga siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro Dawlad Dastuur iyo kala dambayn xeer ku dhisan. 2) Baadi-doonista iyo raadinta aqoonsi qarannimo. 3) xoojinta nabadgelyada.........4)horumarinta hab-dhaqan dhaqaale........5)taabba gelinta Garsoorka iyo caddaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra xuquuqda iyo xorriyadda muwaaddinka.”

Haddaba hadduu Ryaale intaa midna sameeyey ama keenay qorshe lagu samaynayo anigaa qaldan.

1) Ma isagaa beelnimo ka guuray? Miyaanu ahayn ninkii lahaa xukuumadda waxaan u badiyay beelaha ayaan ku fillaysiinayay kama maarano. Miyaanu ahayn ninka illaa hadda qofkii uu meel ka beddelaba qof beeshooda ah ku beddela? Miyaanu ahayn ninka isagoo Madaxweune ah ku murmayay Guddida Diiwaan gelinta nin reer Awdal ah ha lagu soo daro? Miyaanu ahayn ninkii kooxda sacab u tumaysa Boorame ka keenay? Iyaanu ahayn ninka marka nin mucaarad ahi hadlo nin wasiir ah oo u haysto inuu yahay beel ku lidda ah beesha ninkaa hadlay yahay yidhaahda hadal oo wax iga dheh? Iyo qaar kaloo badan. Ma siagaa xeer, Dastuur iyo kala dambayn ilaaliya. Miyaannu ahayn ninka xeerarkii dalkoo dhan ku tuntay? Miyaanu ahayn ninka xeerarkii Golayaashu soo saareen diiday inuu fuliyo?

2) Baadi doonista aqoonsiga isna si buu u yaqaan ummadda inteeda badnina si bay u taqaan ee aan u dayno makuu leeyahy waan raadiyay laakiin aan nidhaahno weli maad keenin.

3) Xoojinta nabadgelyada. Kkkkkkkk. Umadda reer Somaliland hadday qabto in ay maanta nabaddu ugu xoog badan tahay marka la eegoo ta qof ahaaneed ee suuqa ka jirta ee hantidood iyo naftoodaba leh ee habeen socod leh ee dhac iyo tuugo leh. Markaa isagaa hagaagsan. Haddiise ay ka warramaan xaqiiqada jirta waa la wada og yahay faraqa u dhaxeeya nabad gelyada dalka maanta iyo maalintii uu Rayaale xukunka qabsaday. Su’aashu waxa weeye. Dad yahow maanta iyo maalintii Rayaale xukunka qabsaday keebaa nabad buuxda dareemaysaan?

4) Dhaqaalahu wuu fiican yahay buu inna yidhi. $550,000,000(shan boqol iyo konton milyan oo doolar) baan dalka gelinyaa buu yidhi shanta sannadood ee soo socda. Marna wuxuu yidhi. “musuq maasuq ma jiro waayo waxbaba ma haysanno la musuqo.” Miisaaniyaddeenu waa 25 illaa 30 milyan oo doolar ayuu yidhaahdaa oo weliba male-awaal ah. haddaba halkuu ka keenayaa $550.milyan oo doolar. Ma gurigii Qaahir ayuu xaraashayaa? Su’aashu waxay tahay. Dadyow maanta iyo maalintii Rayaale xukunka qabsaday iyamaa dhaqaalahiinu wanaagsan yahay? Ma taajirteen mise waa ka darteen? Raashimku intii ma joogaa uu ahaan jiray mise waa ka sii kordhay? Guryo debedda ma ka dhisateen ise weli? Carruurahiinna debedda maw dirateen mise weli? Wershaddii sibidhka ee $300 ee milyan ma dhammaatay mise weli? Adhigii ma dhoofiseen mise weli? Hadday jawaabahu maya yihii Somaliland ma joogtaan sida Rayaale qabo ee halkaa joogtaan noo sheega.


5)
Taaba gelinta Garsoorka iyo caddaaladda iyo xaqa muwaadiniinta. (oohin baa i haysa) Rayaale wuxuu sheegtay inuu caddaalada iyo xaqa muwaadinka taabo geliyay. Su’aashu waxay tahay. Markaa maxkamadihii tagteen kiisaskiina markiiba ma la dhameeyay oo si caddaalada ma loo qaaday? Dulmi xeer ma nabad gasheen iyo laaluush garsoore? Si caddaalada ma laydiin kala saaray? Maxkamadahu dadka dhex maw noqdeen? Muwaadin adigoo aan kii lagugu haysan ama waaran laguu keenin CID ma kuu yeedhay? CID baa hebel doonaysaa dhegaheenna ma ka badatay ayaamahan? Muwaadiniin aan waxba lagu haysan Jeelka ma loo taxaabaa oo xaqooda ma duudsiyaa? Guddiyadii Nabadgelyadu ma joogaan oo weli dadka jeelasha ma ku gurayaa iyagoon maxkamad marin? Golaha wakiiladu inuu xaarantinimeeyay guddidaa oo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sarena ku raacay ma ogtihiin Rayaalese diiday oo weli adeegsano iyadoo Dastuurka aan waafaqsanayn? Askartu ma iska kiin laysaa oo rasaas ma idinku furtaa aan loo miidaan deyin markaa xaqiina raadsataan? Goormaynu liisanka u siinnay Rayaale inuu muwaadiniinta laayo? Goormaynu fasaxa u siinnay inuu dalka ku maamulo Xukunka DegDegga ah oo lagu laalayo xaqa muwaadinka? Kuwii aynu odhan jirnay Garanwaaga iyo Gudhuuda ayaynu la yaabi jirnay markay xabbad inagu dhuftaan ka aynu garanayno ee inna layna maxaynu odhanaynnaa? Imisa qof ayay askartu dishay intuu Rayaale xukunka haystay? Ma og tahay mar haddii loo tago oo la yidhaa “waxooga mag ah soo sii dadkii dhintay” inuu u haysto inay intaa ku dhamaatay oo aanu muwaadinku qiimo kale la lahayn?


Haddaba khudbadda Ina Rayaale waxay ahayd “shimbirtii Oodweynaay Hodhodho.” Faallo kalena waa iigu laaban tahay ee qayila horta.
Waa inno toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment