Sunday, August 16, 2009

Adhi saw Daasad kama ilbaxo?

DALJIRE
Meles wuxuu yidhi........ Haddana
("Adhi saw Daasad kama ilbaxo?)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar heedhee Dubbow, waadigii odhan jiray siyaasad baan ka hadlaaye. maxaad uga hadli weyday Munaafaqaddan Djibouti

Dubbe: Hee. maxay samaysay?

Doolaal: Alla ku doori. waxa la yidhi doqoni 12 indhood bay leeday oo 11 waxay ku eegtaa inaadeerkeed kowna cadawgeed. malaa cid aan annaga ahayn waxay sameeyaan lama socotid. sawkuwan nimankii lahaa Ethiopia ha ka baxdo Somalia iyagu dayaaradah Maraykan ku kiciyay ee gumaaday. ma waxay lahaayeen anagu aannu laynee xabashiyey noo daaya?

Dubbe: Horta maahmaahdaan ka helay. laakiin markaan u fiirsado doqontaa aad sheegeyso iga walla fariidnimo ayaan ka dhex arkay. waayo? waxaan is weydiiyay bal ka warran doqontaa la sheegayo hadday tolkeed ahaayeen sidiinna oo kale. bal ka warran ninka tolkii yahay Dahir, Cawil, adiga, ina DHoola-yare,Qaasim, Ina Sulub......... iyo qaar kaloo badan; col iyo cadaawe ku gel, Qoodhaa iyo xeradaa miyaanu nikaasi 20 indhood u baahnayn? waar iska aamu ninyow; wallaahi fariid buu ahaa ninkaa la sheegayay. inkasta oo laygu yidhi UDUBta rag fiicanina waa ku jiraan laakiin waa inta aasan. eeg udubka badhna dhulka la geliyaa waa la aasaa, intii fiicnayd dhulkay hoos marsantay. Ta kale annagaad doonaysaan inaa kolba laf noo tuurtaan oo aanu wax kale ku jeesanno. markaad aniga ila hadlayso markasata Laand ta u soo noqo iyo walaaqa aad ka waddaan.

Doolaal: waar Laand tu way dhaqaadaye. Madaxweynihina waakan soo noqday ee warka wanaagsan sida.

Dubbe: Oo xagguu ku maqnaa? dee kolley Ethiopia. inkasta oo aanan jeclayn inaan markasta ninkaa wax ka sheego. haddana adigaa sanka iga marmariya Doolaalowe, weliba wuxuu odhan doonana ma kuu sheegaa? "waxaan meesha u tegney inaan qaddiyadeena dadka u sheegno waxa koofur Soomalia ka dhacayana aan hubsano ineynaan ku jirin. Meles wuxuu yidhi 'ha cabsanina kuma jirtaane'" Ma intaa wax ka badan buu keeney? Allah indha adagaa. wallaahi inagaa ka liidana. Waa dadkayagaa waxaas uu dhegeysanaya sidii rikoodh cajaladi ku go'day. mar walba waa isku mid.

Doolaal: Intaasi miyay yartay? wuxuu la kulmay madaxdii adduunkoo dhan eh.

Dubbe: Idinka kalsoonidaa idinku yar. Gaalo aqoonna ma tihidin oo marka laydin qaabilo ee afka laydiin macaaneeyo ayaa odhanaysaan "oh yes, oh yes." sawdigii odhan jiray Ingriisi baan aqaanaa, Ingriisidaada miyaanay ku jirin "Lip services" afsoomaligaa waa "Af gobaadsi"? Gaalado waxaa la yidhi, waa wax adowgood dab naara lagu dhuftay oo bahashaa lip service ka la yidhaa bay xoog u taqaan. Teeda kale, sida caalamku u dhaqmaa waxa weeye. marka ay madaxdu kulanto hadday ka dhab tahay waxay kugu yidhaahdeen shir jaraaid bay kula qabsadaan oo adigoo ag taagan bay dadka u sheegaan waxaad is tidhaahdeen,waxaad ku heshiiseen iyo waxaad isku diideenba. idinka wax uunbaa laydinku odhanayaa dabadeed nabadey ayuumbaa laydin odhanayaa inta albaabka laydin soo gaadhsiiyo oo sawir yar laydinka qaado. Waxiina si loo rumaysto way adagtay. Hadduu Meles inna qadarinayo oo Madaxweynahayeenna qaddarinayo oo waxa uu u sheegayaa dhab ka tay muxuu isula soo taagi waayay oo u odhan waayay sidaas ayaanu isku nidhi. Waxa kale waxa la raacaa hab qarsoodi ah oo diblumaasiyadeed oo aan lagu dhawaaqin marka hore. Intaa midna ma hayno. Hadday sir tahay oo lagaba yaabo inay tahay. waxa weeye su'aashu. Maxaa inoo dammaanada ah? Madaxweynuhu waxaynaan ogeyn oo aan loo baahnayn inuu dadweynaha tuso ama baahiyo ma u sheegayaa oo ma tusayaa madaxda Baarlamaanka iyo Axsaabta Qaranka? mise hadalkiisa uun qaataad na leeday? Dee waanu diidnay.

Doolaal: Hadalkiisa haddaad qaadato maxaa ku jaban? Miyaanu Madaxweynaheennii ahayn la doortay ee kalsoonida dadka haystay? ta kale wax kasta ma bannaankaa la soo dhigayaa?

Dubbe: weligiinba markaa waxaydin sheegtaan garan weydaan baa tidhaahdaan ma debedda la soo dhigi wax walba.Ninbaa lagu yidhi beri "Dharaartii horeba wadigii dhoofay ee yimiye. Cidi kuma Dhaliisheen haddaad Dhaqato waagiiye." waxaan ku leeyahay anaaba kugu raacsan inaynu Madaxweynaha hadalkiisa raacno eh. Bal mar qudha oo waxuu sheegay ama ballan qaaday ay run noqdeen ii sheeg. markaad kuwa gudaha iska dhaafto iminka. Senegal baa inna ictraafaysa buu yidhi. meedey? Dijbouti.(ma djiboutibaa jacaylkaygu yaallaayey?) imisa goorbuu wax inooga sheegay. meedey? meles imisa goor buu wax isku mid ah inooga sheegey. mee? Carab baa adhi inaga qaadanaysa buu yidhi? maye? Alcamuudi baa dekedda Berbera dhisaya buu yidhi. Mee? Sheikh Naif Althani baa milix samynaya ayuu yidhi. Mee?Shirkado ayaa South Africa ka imanaya ayuu yidhi. Maye? Qaar kale ayaa Jarmal ka imanaya ayuu yidhi. Maye? Kenya ayaa Xafiis Hargeysa Ka furanaysa buu yidhi. Mee? Yaman baa sidoo kale yeelaysa buu yidhi.Maye? Cadde muuse ayaa Dhulbahante inoo soo dareerinaya ayuu yidhi. Mee? waar iska aamu nonyow. Haddaba aan kuu warramee berigii jabhaddii sidii naloo lahaa waxaad u baahan tihiin oo dhan anagaa idiin hayna janaka Herer jooga ayaanu idinku ballaminay ayuumbaa maalin qudha Siyaad Barre iyo Mingeste heshiiyeen. maxaa iminka ka hortaagan Meles taa? waar sheeko kale keena ninyow.

Doolaal: Dee saw dawlad waliba danteeda raaci mayso?

Dubbe: Haaye. Maxaa idinku raacaysaan? khadiifad cas baa naloo dhigay ayuumbaa tidhaahdaane. khadiifadda waa ku sii joogsateen oo ku soo joogsateen ee maxa idiin dheeraa? mar uu Jirde Xuseen(AHN) casuumay,wuxuu yidhi Xaji Cabdi Cabdillahi muuse (AHN) markay qadadii dhamaysteen "ma 11 qulu walle ayaanu akhrinaa mise waxbaa noo raaca?" isaga oo qaadka u jeeda. Waqtiyadan oo kale markay arrimihu sidaa u xun yihiin maxaa idiin diiday inaydin madaxda qaranka ee kala duwan ee muxaafid iyo m ucaaradba leh u warrantaan. dadka waxay fahmaan u sheegtaan oo la taaban karo. ilayn dadku waa sidiinnee. markhaati baa u baahan tihiin.


Waa inoo toddobaadka dambe haddii alla yidhaa

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment