Saturday, August 29, 2009

Halmaan Hadal Kuma Jiro

DALJIRE
Halmaan Hadal Kuma Jiro
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Negaad, Negaad, Negaad darraaram. Negaad, Negaad, Negaad darraram.......
Doolaal:Waar muxuu leeyahay? Waar heesna garan mayside naga daa gunuuskaaga. Waa maxay Negaad iyo waxan aad ku heesaysaa?

Dubbe: Hees baad sheegaysaa haddaan mashaxaradi garanayo maanta ururkaa Negaad waan u mashxaradi lahaa. Weliba haddii ay tayda tahay dalkaba hoggaankiisa iyagaan innoogu dhiibi lahaa. Waar meesha maxaa caqli iyo cilmi isugu tegey. Karti, hufnaan, horumar iyo hoggaan suubban. Anigu waan jeclahay. Hambalyo. Hambalyo. Magacoodu wxuu ka kooban yahay miyaad taqaan?

Doolaal: Maya. Maxaa i baray?

Dubbe: Waar wax wanaagsanba Ilaah kuma barine waxa la yidhaa:

N - Nidar waxaan ku galay
E - Ebyan. inaan naag haween
G - Guul lagu nastiyo
A - Aqoon naafacdiyo
A - Awood nuxurle taro
D - Dulmi nacab ka jiro

Doolaal: Oo maxaad ururrada kale ee haweenka ee NOW ka mid tahay ugu heesi weyday?

Dubbe: Horta anigu urur dumar samaystay oo dhan , xataa kaa UDUBna ha ahaadee,waxaan wanaag ahayn uma hayo. Oo mar walba haweenka Somaliland sharaf iyo xurmo ayay inaga mudan yihiin dhamaanteen. Laakiin adiga waxaan kugu nacay ma taqaan Doolaalow?

Doolaal: Waa maxay?

Dubbe: waxaan kugu nacay. Had iyo jeer ma weydid ceesaan yar oo aad sharwaddayda JIddaawiga ah ku darsatid. Markaanu adhiga iibsan jirnay; intaan cunaha rag naloo qaban ayaa waxa jiri jiray qaar dillaalliin yar yar ah oo intay neef yar oo qabad ah iibsadaan siday dhegta u jiidayaan kula eegta mar aad sharwad gacanta dhiibtay oo ku darsada oo sidaa ku hela qimo badan oo aanu neefkiisu joogin. Anigu anigoon ceeb kale ka sheegayn ururkaa aad ila soo hoos carartay haddana wax ay u qabtaan dumarka ma aqaan iyagana nin keliya ayaan ka aqaan.

Doolaal: Waa maxay nin keliya ayaan ka aqaan? Dumar baabaynu hadal haynay ee maxaa rag keenay?

Dubbe: Dee waa mid iyaga ka mid ah oo la yidhaa Cismaanka ...Madow.
Doolaal:Cismaan...Cismaan? Cismaan Madawgaa aad sheegayso garan mayo haddaanu Buur-Madaw ahayn, isagaa Cismaan la yidhaahdaa.

Dubbe: Kkkkk. Waar miyuu waalan yahay? Waar boqorka xaal sii. Waar cimaamadda iga qabo. Waar anigu nin kale ayaan sheegayay. Laakiin ninkaa aad sheegaysaa ee aad Buro-Madaw leedahay siduu ku socdo iyo siduu kolba urur aanu ku jirin isaga sheeganayo NOWdana wuu ku biiri. Oo sawkii maalintii dhoweyd ururkii dhallinyarada ku murmay.


Doolaal:
Waar dee boqorka magaciisu waa Buur –Madaw ee ma aha Buro-Madaw.

Dubbe: Wallah? Dee horta hayla yaabine anigu sidaasaan u maqlay una qaatay.

Doolaal: Oo sidaad ugu qaadatay ma waxbaa kuu dhiman?

Dubbe: Waaxaan ugu qaatay:

Ninku mayar gaaban yahay iyo wax?
Tantoomo ma leeg yahay iyo wax?
Mayskana foolxun yahay iyo wax?
Indhuhu ma ka oo boodayaan iyo wax?
Ma yara hunguri badan yahay iyo wax?
Xeedho walba gacanta ma kula jiraa iyo wax?
Wax ma tarena ma yahay iyo wax?
Had iyo jeer sida tukaha ma qaylinayaa iyo wax?
Dadka dheeraad ma ku yahay iyo wax?
Diin walba ma haystaa iyo wax?
Sida jirjirroolaha ma midabeeyaa iyo wax?
Ina Rayaalahii dulmiga ku xidhay maw guulwadeeyaa iyo wax?
Weliba dadka maw caayaa iyo wax?
Halka boqorrada caanao lagaga shubo marka la boqrayo isaga basbaas ma lagu shubay iyo wax?
Nin iska taariikh liita ma yahay iyo wax?
Aniguna mar qudha ma arkay iyo wax?
Markiina siduu neef geela qalayo intuu shaadhkii iska saaray garan yar ma nagula qayilay iyo wax?
Ilaahay yaab ma noo keenay iyo wax?
Reermagaalkuna waxaa ma ka haddaaraa iyo wax?
Aniguna markaan murqaamo ma yar baxaa iyo wax?
Magacyaduna may yar dhaafaan iyo wax?
May is dhi magaciisu waa BURO-Madaw iyo wax?
Buraduna cad dheeraada ma tahay iyo wax?
Markii dhakhtaradu baadheen waxay tahay ma yidhaahdeen waa VIRUS iyo wax?
Waar ninkuba waa BURO-Madaw ayuumbaan is idhi. Miyaan Buurba meesha soo dhigtay?
Dee haddaa xaal ha qaato. Waar cimaamaddan kalena iga qabo.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment