Saturday, August 29, 2009

Kala war la’aa

DALJIRE

Kala war la’aa

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar yaadhaheen. Berigii hore Ilaahay iyo Cambaro Madow ayuumbaa kala war la’aan jiray. Iminka dad badan baa kala war la’

Dolaal: Waar Brazil oo Talyaanigii 3 iyo eber ku dirtay ma aragtay?

Dubbe: Eeg hadda iminkuu sheekada bedeliye. Mayee waxaan arkay Rayaaloo eber ka keenay Kuwait sidiisii. Awal been yar oo xun baabu sheegi jiray oo odhan jiray qadiyadii baan gaadhsiiyay iyo martiqaad rasmi ah ayaan ka helay iyo wax lamid ah. Iminka mid yar oo amiir ah ayuumbuu dayaarad la raacay soona celiyay markuu waxoogaa jeebka ugu soo shubay. Waar ma buskuu Oodweynaa saw ma dhergo.

Doolaal: Waar inaaderow maalin uun siyaasaddan iyo waxan naga daa oo sheeko kale keen.

Dubbe: Waar midkeena siyaasad la’aan noolaanmaayee wax kale ma haysaa? Hay qalin daarine aan dadka kala war la’ kuu sheegee dhegeyso.

Doolaal: Waa ayo dadkaad sheegaysaa?

Dubbe: waxaan arkay Obama oo duqsi dilay oo dad reer maraykan ahi yidhaahdeen xaal ka bixi duqsigaa aad dishay. Waxaan idhi Alla kala war li’inaa. Anaga duqsigii iska daayoo maalin walba askarta ina Rayaale intay qof disho ayaan cidina buus odhan. Iminkana meydkii baabu cashuur ku soo rogay.

Doolaal: ”Waraabow boo doo xagga cadka u bood.” Baa la ydhi. Maysku qaadday? Haye.

Dubbe: Waxaan arkay reer Oodweyne oo todoba sanadood Ina Rayaale abaal ka sugayay oo is lahaa maruunbuu sidii nin weyn abaalkii soo celin doonaa codkii aydin Siilaanyo uga eexateen oo intuu soo maray yidhi. “waar dalkaan soo maray oo dhan idinkaaba ugu waddo wanaagsane iska aamusa. Cashuurtana gurta.” Waxaan idhi Allah kala war la’aa nimanka “fighting force” ee isu haysta inay dalkaba masuul ka yihiin iyo ninkan intuu codkoodii qaatay ku yidhi iska aamusa . maxayse cashuurta ka qaataan. Xoolo ayay lahaayeen oo kuwiina iibkoodii wuu joojiyay eh.

Doolaal: Dee isagu ma dalkoo dhan buu waddooyin ka samayn karayaa. Ta kale mar hadday Cawil iyo Siciid Sulub meesha marayaan ma cod buu ka waayayaa waa ku khasban yihiin inay u codeeyaane. Siciid Sulub baa farta iyo foodhi ugu yeedhayaa nimankaad sheegayso eh.

Dubbe: waxaan arkay Berbera oo haddana dhagax kale ku dhacay. Ina Rayaale oo aan Djibouti baasaboor ka qaadan baynu odhan jirnay dekeddii buu u xidhay Djibouti oo Ina Cumar Geelle ayuu la shaqaynayaa. Bal ka warrama “tiiyoo lax qalatay?” waaba isagii oo u sii habranayaa oo xaaska baasaboor uga qaaday maw malaynayasaan dekeddii buu dhisi doona. Wuxuu yidhi shirkad Faransiis ah ayaan wadaa oo dekedda dhisaysa. Waxaan idhi Alla kala war la’aa ninkan dhagaxa sita iyo dadkan xishoonaya ee uu nacasyada moodayaa.

Doolaal: maxaa isku xidhay baasaboorka iyo dhismaha dekedda?

Dubbe: Waxaan arkay Rayaale oo Burco ku leh Giimbaarkaan idinka beddelaya, haddana. Waxaan idhi Alla kala war la’aa Burcadan sullkii ay khadka doorashada dari lahayd labada sannadood kor u sii haysay iyo ninkan is leh Jaamac Biin baa cod kuu keenaya.

Dubbe: Waxaan arkay Ina Waran-cadde oo saaxiibkay ah oo cid walba fulay ku sheegaya. Isaxaaqii buu fulayo ku sheegay. Ina Cali Waraabe ayuu fulay ku sheegay, mucaaridkuu buu fulayo ku sheegay. Waxaan is idhi malaa timahan cad ee weyn ee madaxiisa ku yaal ayuu bulbushii libaaxiisa ku tiil mooday. Waxaan idhi Allah kala war la’aa wasiirka iyo dadkan masaakiinta ah ee Gacan libaax harraadku ku jaray ee uu haddana leeyahay Ina Rayaale saddex goor doorta oo Distoorka u fura.

Doolaal: Wasiirka wax qabtaana kaa amaan heli mayo.

Dubbe: Waar dhegeyso. Waxaan arkay nin Siciid Caddaani la yidhaa ee Hablaha yar yar ee suxufiyiinta ah cunahaas uun ku dhegaya sidii guduudanaha. Waxaan idhi Alla kala war la’aa Afhayeenka iyo rakii raggii hablaha dhalay.

Doolaal: Halkuu haddana inala maray?

Dubbe: Waxaan arkay Madaxweyne ku-xigeenkii oo arrin Ina Xaabsade hoosta ka wato ka hor yimi oo maayarkii “Laaska” shaqadii ku celiyay. Waxaan idhi Waar kal war la’aa ninka gobolkaba dambaaba ee kolna Puntland ku dara kolna Somaliland iyo sheekhan fooxa shidanayaa ee aan ri’ gees ka ridi karini.
Doolaal:Ha wadhleeyo oo kolba meel haysku qaado.

Waa inoo mar kale haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment