Monday, November 30, 2009

Shahaadad Shiqib

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:Waar miyaanad maanta salaaddii ciidda iman kugumaan arage?

Dubbe:Mayee waanigii imi inkasta oo aan yara habsaamay. Laakiin maxaa inaga raacay dee; sheekheenii wanaagsanaa ee Adan Siiro wuu maqnaaye.

Doolaal:Muu maqanayn ee waakii ina tukiyay ee khudbadda inoo jeediyay.

Dubbe:’ar meel kalaad malaa tagtaye sheekhii ma joogin ee biyahaa soo riix hadda.

Doolaal:Allaylehe adigaa meel kale tegey.

Dubbe:’aar beryahaaba waanu ku qarinaynay ee gurigaagaad ka ambataaye biyaha na sii dee.

Doolaal:’aar ma iminkaad sheekhii aanu shanta tallaabo u j irnayna nagula murmaysaa ee aanu indhahiisa wiilkooda arkaynay dhowaan daraadeed.

Dubbe:Wallah? Dee haddaa malaa sameecad meel kale laga soo duway baa ii dhoweyd. Mid baasoo i ag fadhiyayna waa igu raacay isna. Nin kale ayaan anigu khudbaddiisii dhegeystay hadaa.

Doolaal: “soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.? kumaad dhegeysatay waaba isagii baanu ku leenahay.

Dubbe:Ma ninkii siyaasadda ka hadlayay ee lahaa saddex nin oo indho la’ baa isku keen haysta iyo isbedel doonka iyo waxaa ka hadlayay baa sheekheeni mujaahidka ahaa wanaagsanaa ahaa? Dee waanu ahayn?

Doolaal:Weger. Iska wado laguu tag heli maayee. Yaad dhegeysatay haddaa?

Dubbe:Anigu waxaan dhegeystay Professor As-hari,ninkii sheegan jiray guddoomiyaha Isbedel doonka Subeyr Awal. Ilaahay ha ka aqbalee sheekhu Xajkii buu tegey baa la yidhi.

Doolaal:Wallaahi, waa tii boqolle lagaga tegi jiray eh sheekhii baa hadlayay.

Dubbe:Iga walla haddaanad iminka iigu dhaaran weligay layma soo mariyeen. Ma sheekhan khayrka Ilaahay siiyay ee dadka caawiya ee dadka u dhexda ahaa ee xataa kuwa dhinta xabaalaha u iibiya ee naxashka iyo xafaajiyada bilaashka u siiya ee Baxsaneba iska fadhiiso yidhi ayaa madaxda aflagaadeeyayay baad leeday. Sheekhu ma sideenuu mafrish jooga bal waxaad ku hadlayso day. Laakiin sawdiga dhaartay. Dee haddaa sheekhu waanu lacagaystay eh ma xagga siyaasadda ayaa loo soo hayaa? Iska daayoo manta waa maalintaynu shahaadda sannadka ee hadalxumida bixin jirnay.

Doolaal:Dee adigu is sii yaa kaa hadal xun adiga.

Dubbe:Waar xukuumaddan dadkuba shahaadaha siinayaan baa kuwanna u baahan ee dhegeyso. Horta sannadkii ina dhaafay shahaadadda waxaa ku gulaystay raggan:

1. Mudanane Daahir Rayaale Kaahin: “Ictiraaf looma baahna ee dhaqaalaha ayaa ka muhiimsan” buu yidhi markuu Kuwait waxoogaaga ka soo qaatay sheekha. Mar kale oo uu is lahaa Budhcadbadeeda ayaa lacag lagu heleyaana wuxuu ku yidhi nin gaal ah oo waraystay oo weydiiyay inuu shirka budhcadbadeedda ee Nairobi kaga hadli dooni qaddiyadda ictraafka Somaliland. “maanta ma aha maalin calan iyo safaarad iyo waxaa laga hadlo ee budhcad badeedda ha nalaga caawiyo.”

2. Mudane Siciid Sulub: “markaanu Axmed Siilaanyo rasaasaynay ayay nabaddii soo noqotay.” Ayuu BBC da ka yidhi maalintii 15May ee madaxda Kulmiye la tacshiiradeeyay. Markalena wuxuu yidhi. “SNM dadkii ay laysay baa loo haystaa.”

3. Cali Warancadde: “Daahir Rayaale distoorka ha loo furo mar saddexaad oo aan Djibouti ku dayano.”

4. Cawil: “Isaaq wuu is dilayaa haddii Daahir Rayaale la dooran waayo.”

5. Jamac Biin: “rag baa sidoodii kabaha afka ku qaadi.”

6. Qanayre Afrax, waxaan u jeedaa Maxamed Cabdi Daud: “Guddidayada Nabadgelyadu waa Distoori mar haddaan guddoomiye mid ka noqday.”

7. Xaaji Cabdi Waraabe: “Habar Jeclooy haddaad caddaalad rabtaan horta dhinta, Aakhiro ayay caddaaladi jirtaa.”

8. Idrisi Kiiloo: “Adhigeena duniduba ma rabto oo waa toban kiiloo.”

9. Ina Saleebaan Weyne: “SNM kubka iyo bawdada ayaa lagaga jabay.”

10. Oday,Garaad Xaabsade: “Meeshatan wax la kala doortaa haddeer ma jiraan.” Mar la weydiiyay xisbigee ayaad ku biiri doontaa.

11. Ina Dhoolayare(beeraha): “sidii gafanaha ayaanu uga soo go’nay hantidii umadda.” “Kumanaan jago ayaa la lunsaday oo Ina Rayaale bixiyay ee Ciidagalow maxaa jagadaydan yar ee Masalaha iigu qabsanaysaan?”

12. Cirro: “Kulmiye ayaa Guurtida qarxiyay.”

Waa inoo Qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Monday, November 23, 2009

Yaa iiga Horreeyay 2

Yaa iiga Horreeyay 2

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:waa ayaamahii khayrka badnaa ee xajka ee bal inoo duceeya. Wasiirkii dhintay marxuum Qasim Sheekhna faataxada u mara. Aamiin.

Doolaal:Halkaa ku jooji haddaba. Iska qayil oo wax kale ha odhan.

Dubbe:Waa talo wanaagsane wax badan odhan maayee Somaliland baan waxooga yar weydiina. Tolow mise waan u sheegayaa? Mooji. Adigu kollay waxoogaa yar oo aan sidaa u sii ridnayn baan odhanayaa.

Doolaal:Ciidda dabadeed la sug dee. Mise waad fatahaysaa haddaad yar aamusto?

Dubbe:Ii kaadi. Horta Somalilandey maalin intaa qaadka iska yar deyseen casar maqaaxi ma soo fadhiisateen idinkoo dhawr ah. Magaaladii dad aydaan arki jirin iyo dumar qurux badan oo lugaynaya iyo carruur iyo caalam kale oo aydaan laba socon ma aragteen?

Doolaal:waxbaa arrintaa ka jira eh.

Dubbe:ii kaadi. Koob koob caano leh markaa ka tuurteen wax mays yar weydiiseen? Waxa dalka ka jira ma yar taataabateen? “biyo meel godan bay isugu tagaane” hadalkii Ina Rayaale ma idiinla galay? waxoogaa ma qaadaa dhigteen siduu dalka u baabiiyay sida aanu todoba sanadood oo uu Madaxweyne ahaa waxba u qaban? Ma yaabteen oo ma isweydiiseen waxa uu haddana doorasho ku doonayo?

Doolaal:Haye. Waa markeenee. Ma isku qaadday halkaagii?

dubbe:aan dhameeyo. Ii kaadi. ma tilmaateen sida aanu weligii run u sheegin haddana illayn waa madaxweyne oo ma ka xishooteen oo beenaale ma ku odhankari weydeen? Ma soo qaadeen sida uu hantidii umadda u xaday ee ugu tagri falay? Haddana illayn waa madaxweyne eh ma ka xishooteen inaydin tuug ku sheegtaan? Weliba ku darso oo mid idinka mid ahi ma idin xusuusiyay inuu Faysal Cali Waraabe yidhi weliba qoyskiisuna dhankaa waa kala mid. Ilayn maydaan qayilin oo waa miyir qabtaane,ruuxuna waa qof dumar ahe, xantana waa yara hayseene, sidii waxaan maqlayn mayska dhigteen? Hareeraha intaa eegteen, xxxmmmm ma kaga baxdeen?

doolaal:Bal afxumadooda eeg?

dubbe:Ii kaadi afkaaga jago lagu qabay eh. Weliba mid shacabka ahe. ... wax Allah wax kale oo doorasho ku doonayo markaad weydeen ma laydiin sheegay inuu yidhi. “Isaaq waxba isuma oggola markaa intaan isku diro karana waan isku diri inta kalena lacag baan ku iibsan.” Dabadeed ma yaabteen? Intii reer Awdal ma ka yar khajishay ninkaa sida loo wanaajiyay iyo waxa laga sheegayo. Idinna ma tidhaahdeen waar waxba ha ka xumaanina illayn dadkaa ula siman tihiine. Dabdeed Inankii shaaha maw yeedheen oo xisaabta ma weydiiseen? Aan kacno ma tidhaahdeen oo fadhiya ma laydin yidhi.
Cawil ma soo yar qaadeen. Markuu leeyahay cashuur baanu guraynaa nala eega. Tii hore halkuu geeyay ma is weydiiseen. 2% kii Dhulbahantaha loo guray ma soo qaadeen. Ma yaabteen indho adkaantiisa.sidii Sheekh Cali Ismaaciil (AHN) ee ma tidhaahdeen. Weeyaane,ka ku soo dirayna tuug weyn. Weeyaane adiguna tuug yar.

Doolaal:waar naga qabo taleefnka dhacaya ee na wareeriyay.

Dubbe:Malaa Ahmed Quick Brown Fox. Waar waa isagii oo sheekadii yaa iiga horreeyay intii ka hadhsanayd doonayee. Hallo! Hallo! Haa. Waar waxaan ku idhi beytariga iga dhacaya, qoladanna sheekaan u waday markaa iyaga waan u dhamayne aan adiga tii hore kuu dhameeyee sidaan kuu sheegay Ina Rayaale haddaad u tagto qofkii kaaga horreeyay hadalkiisa ama fixilkiisa ama wejigiisa ayaad ka garan.

· Haddaad u gasho isagoo khaanadda sare ee miiskiisa gacanta bidix illaa suxulka kula jira iyo dhawr bacood oo qurux badan oo dhulka yaalla, Jiciir, maayarka Hargeysa ayaa kaa horreeyay oo waxoogaa kharash ahaa oo is biirsaday intuu maqnaa keenay dhawr hadyadoodna debedda ka keenay. Ha ku raagin tiara ku taagane.

· Haddaad maqasho isagoo leh “ahmedow, u sheeg ninkaa kabaha uu gashan yahay mid baa tii dumarka ah. Tiisii kale qolka fadhiga dumarka ee dusha hortiisa ayaan ku soo dhaafay markaan soo degeyaya. Maxamed Muse Diiriye, maareeyaha TV “Qaranka” ayaa kaaga horreeyay.

· Isagoo leh haddaad maqasho “kan isaga yaa yidhi Dhulbahante wax nooga sheeg. Dhulbahante haddaanu doonayno inaanu wax ka ogaano qaar iyaga ah maanu waynay.” Waxa kaaga horreeyay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Ina Shire.

· Hadduu yidhaado “wadaadnimoy ba’?” waxaa kaaga horreeyay Sheekh Axmed Furre, Gudoomiye ku xigeenka Guurtida.

· Haddaad maqasho isagoo leh. “ma maclaamad quraan buu moodayaa xisbiga. Waa maxay carruurtan uu soo ururriyay. Waa inaan dumarka u sheegaa arrintaa caawa.” Cali Gunnimo ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “shahaadad doon badanaa sawnagii qaar horena siinay.” Suldaan Xiiray baa kaaga horreeyay.

· Haddaad aragto isagoo sawir miiska u saran eegaya oo qoslaya oo leh. “wallaahi inaan Maxamed Qanyare Afrax laga garan. Tolow sidiisiina maw iimaan la’ yahay?” Badhasaabka Hargeysa , maxamed Cabdi Daud ayaa kaaga horreeyay.

· Haddaad aragto isagoo cidhibta dusheedana balastar iskaga dhejinaya oo leh. “sawkuwii lahaa Kulmiye Guulwadayaal ma leh. Kani muxuu ahaa kabaha naga jaray” Cismaan Hindi baa kaaga horreeyay oo qonofka kaga joogsaday isagoo isla sawiraya.

· Hadduu yidhaahdo “bal tuuggan yaree ii arbaca-arbacaynaya ee beenitii aanu dadka u wada sheegaynay aniga iila yimi eeg.” waxa kaaga horreeyay Idris, Wasiirka xoolaha.

· Haddaad maqasho isagoo leh “waxba ma leh. Ilaahay dembayadoo dhan wuu dhaafaa. Maruunbuu Xajka tegi.” Waxa kaa horreeyay Maxamed Macali, Wasiiru dawlaha Gudaha.

· Haddaad maqasho isagoo leh “tolow naanaystii ay kan u bixiyeen maxay ahayd. Sac gartay ee wixii kale muxuu ahaa?” Cismaanka Dumark la shaqeeya ayaa kaa horreeyay.

· Hadduu yidhaado “aniguna Afhayeen baan u magacaabay isna Cunohayeen buu ku darsaday illayn wakan hablaha yaryar cunaha qabanayee.” Siciid Caddaani baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaado “tolow dhengaddii uu odhan jiray waan la dhacayaa halkuu kaga yimi.” Cali Guray baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “sidanaabu iigu shaqaynayaa fiicane maxay haddan mucaaradku ku jecel yihiin? Cajiib!” Mu’addinka ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaado “ma booskii Oodweynaa wuu soo socdaa uun oo ii dhiibtaas ayuumbuu hayaaye” jago ayaa madax martay oo uu ku halmaamay ee wuxuu u jeedaa “ma Buskii Oodweynaa.” Waxa kaaga horreeyay xildhibaan Obsiiye,(Gacan)Guuritida ah oo uu waxba deeqsiin waayay.

· Hadduu yihaahdo. “kani markuu gabyayo ama uu ii codaynayo ayuumbuu miyir qabaa” xildhibaan Dheeg baa kaaga horreeyay.

· Hadduu C/lahi Darawal kula caayo Suldaan Barre ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “waar ninka sheekadiisu xumaa. Waxaan dilkii C/rashiid Cali Sharma-arke ahayn miyaanu aqoon. Madaxweynayaasha miyaa madaxweyne la dilay looga sheekeeyaa” Ina Saqadhi(taliyeMooge) taliayah Booliska ayaa kaaga horreeyay

· “ha iska tabar darraadee waa nin wanaagsan” isagoo leh haddaad maqasho wasiirka diinta iyo Awqaafta ayaa kaaga horreeyay

· “ Baarqabada Kulmiye ayuumbuu ku dhex dhuumanayay ee fariidnimo kalama iman kani’ isagoo leh haddaad maqasho Cabdi Haybe, wasiirka Caafimaadka ayaa kaaga horreeyay.

· “Waa runtiisa Somaliland jiri mayso oo waa lagu kala dareeri haddii...” isagoo waxaa dhuraya haddaad u gasho Cali Gabiley ayaa kaaga horreeyay.

· Xaaskii Ina Cigaal iyo siday guriga uga bixi weyday berigii marxuumkii geeriyooday iyo waxaa haduu kula galo Xildhibaan Dable ayaa kaaga horreeyay.

· haddaad maqasho isagoo leh “hawkii la lahaa Cumar Carte baan dhirbaaxay C/raxmaan Tuurna makarafoon baan ka qaaday Saleebaan Gaal muu ka baqayaa” Cabdillahi Dheere, xoghayaha Guurtida ayaa kaaga horreeyay.

· “ma ka waxan oo carabi ah iyo arrimi ah soo qoray ee odhaahdii ahay “UDUB waa Daahir Rayaale, Daahir Rayaalena waa UDUB” bixiyay ayay xabaal duntay ku sheegayaan.” Rashiid Buur baa kaaga horreeyay.

Ah. Wakaa iga go’ay anigoon dhammayn. Waa inoo qoraalka kale.

A. Geeljire

Monday, November 9, 2009

DALJIRE - Yaa iiga Horreeyay

DALJIRE

Yaa iiga Horreeyay

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:...Ukaadi,ukaadi. Waar bal intaynaan muranka gelin horta aan laba arrimood is dhaafino. Waa mide waa ayaamahii khayrka lahaa ee bisha xajka ee KU-xigeenkii sheikh Axmed Yusuf Yasiin In Ilaahay Caafimaad sareecanna siiyo oo nabad ku soo celiyo maxaa tidhaahdeen? Ha samaatoo ha la helo. Aamin. Haa dee illayn siyaasaddu inay bahalo inaga dhigto oo dadnimada inaga kaxayso maaha eh. Waa ta labadaade weligayba xafladahaan ka habsaamaaye jaamacadda Timacade ee Gabiley laga furayna hambalyo iyo bogaadin ayaynu u diraynaa haddaynu mafriska nahay ee haynaga guddoomaan. Waa ta saddexaade duco guud inoo wada duceeya in Ilaahay dad iyo dal iyo duunyaba inoo barakeeyo oo cidhib khayr leh inaga reebo. Maxaa tidhaadeen? Ha samaatoo ha la helo. Ku rid fooxa. Daaqadahana inaga yar fura. Nebiga ku salliya. Alaahuma salli wa sallim wa baarik caleeh.

Doolaal:Waaryee waa maalmaalintii uu suufiga noqon jiraye. Tolow muxuu isla wanaajinayaa manta.

Dubbe:Haddaba aan iska bilaabanee waxaan idin weydiiyay. Ninkan sheekha ah ee markii Komishan cusub la magacaababa Ina Rayaale Dirirdhabe ka keeno ee iminkana Ina Cambaro yar sido uuni muxuu ahaa? Me sheekhii berigii doorashadana wax akhriyi jiray baa?

Doolaal:Ma sheikh maxamed baad sheegaysaa?

Dubbe:Waar anigu wax kale garan maayee bal sheekhaa ha lays weydiiyo oo Komishanka wuxuu ka qabto ha lays weydiiyo oo Ina Cambaraya waxa ku maray ha lays weydiiyo oo wuxuu akhriyayo ha lays weydiiyo.

Doolaal:Waar waa caadi sheekho. Waa iska caadi weeyaan. Ha shakiyin.

Dubbe:Ta kale ee aan idin leeyahay is weydiiya Somalilandey waxa weeyey. Marka la leeyahay xukuumaddii baa nin soo qaban kari weyday siday wax u jiraan? Anigu waxaan qabaa inay xukuumadu qaldan tahay. Waayo markay sharcigii jeebka ku ridatay ee ay caddaalad darro joogta ah ku kacdo ee kolba lagu yidhaahdo CID da ayaa lagaa doonayaa adigoon waxba samayn, oo ay guddi nabad gelyo oo aan distoorka waafaqasnayni iska kaa xidho dee waxay noqonaysaa in dadku diido. Waxasi saw wixii laga dagaalamay maaha?

Doolaal:haddaan dadku sharciga u hogaansanaan dalku jiri mayo ee maaha in beeluhu rag difaacaan.

Dubbe:Waar ma Jamac Biin oo dhaxanta dhidida ayaa caddalad ah? Wuxuu yidhi. Ma maqlaysay. Waa ninka yidhi. “Nimanka boolisku doonayo marka hore dembi kumaanaan haysan ee markay xadhigii diideen baanu amar diido ku haysanaa.” Haddan dembi lagu haysan muxuu boolisku u soo qabanayay? Ma Taliye Mooge ayaanu weydiinaa isna ha yidhaahdo ma ogiye. Waar dalkan sidan ka daaya waxaa waddaan waanu ognahaye.

Doolaal:maxaanu wadnaa? Waar qabo taleefankan dhacaya. Ma kagiiba.

Dubbe:mee? Aniga kaygu sidaaba uma ciyo eh. Aar bal cumaamadda kor u qaad. Qaadka qaad. Beladu halkuu ka qaylinayaa.

Doolaal:Waakan waakan ee hoo. Go’ye iska daa. Waa lambar debedda ah.

Dubbe:Haa. Lambarkaan gartay. Waa nin dhallinyaro ah oo Ahmed Quick baa lay yidhaahdaa buu yidhi oo xalay buu ila soo hadlay oo su’aalo badan i weydiiyay. Inaan anigu wax walba ogay buu moodayaa.

Doolaal:Muxuu ku weydiiyay?

Dubbe:Wuxuu yidhi inaan imaadaan doonayaa dalka iiga warran. Adigu hadla wayska badnaaye waxaa ugu door roonaa, waxaan ku idhi qoladiina qurba jooggu markaad timaaddaan kollay Ina Rayaale waa u tagtaane aan dabeecadihisa wax kaaga sheego. “u tagi mayo” buu yidhi. Yeelkee iska dhegeyso baan idhi.

Waxaan idhi markaad u gasho ciddii kaaga horreysay baad ama hadlakiisa ama wejigiisa ama ficilkiisa ka garanaysaa. Waxaan idhi markaad u gasho

· Hadduu Habar Awal kula caayo ama ka cawdo oo yidhaahdo “xaafad halkan ah iyo
labadeeda joornaal baan khaati ka jogaa. Cawil baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo Berbera wixii dekedda galbeedkeed ka xiga Adan Ciise cidi kuma weheliso.Kuxigeenkii baa kaaga horreeyey

· Hadduu dumarka Kulmiye iyo xaasaska kulmiye wax ka sheego Cabdillahi Ducaale ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu kuugu dhaarto inaanu jirin nin Dhulbahante ah oo Somaliland aaminsane. Qaybe ayaa kaa horreeyay.

· Haddaad u gasho isagoo kaalkulatar(calculator) ku foorara oo gawdaa ku haya. General Nuux baa kaaga horreyay oo xisaabtii caaglaha ayaa is qaban la’.

· Markaad u gasho haddaad aragto isagoo shandad ku sii riixaya miiska hoostiisa. Cali Xoorxoor baa kaaga horreeyay.

· Hadduu markaad u gasho ku yidhaahdo xoghaynta. “axmedow hadda orodoo inta guri ee dhismuhu ku socdo shacabka soo qor.” Siciid Sulub baa kaaga horreyay oo xisaab qalday.

· Hadduu yidhaado Qof sharciga ka weyni ma jiro waa in la xidhaa iyo hanjabaad. Cali warancadde ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu ku yidhaa waa inoo berri meel baan waxoogaa ka sugayaa. C/raxman Farax sugaal baa kaaga horreeyay.

· Hadduu Habr Jeclo wax yidhaahdo oo ku dhilo Xaji Cabdi Waraabe ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu Maraykan kaaga sheekeeyo oo yidhaahdo Republican ka ayaa inoo wanaagsan oo ina ictiraafayay. Sacad sheikh baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo. Axmedow kiniinkii madax wareerkaa ii keen. Jug-soo-dhacay baa kaaga horreeyey oo deymankii xisbiga iyo lgacayowgii crruuraha iyo dadka aaska ka sii dareeray ee la soo duwey ee la yidhi xisbiga ayay ku soo biireen lagu kharash gareeyay.

· Haddaad aragto isagoo fayl buluukiya la taagan. Maxamed Baarjeex baa kaaga horreeyay oo jagadiisii shacabka arjigeedii 250 aad ee uu us oo qortay weeyaan.

· Hadduu Iraan kaaga sheekeeyo iyo sida adhigeena loogu iib geyn karo. Adan Baradho oo beri wefti Rugta Ganacsiga ah ku tegey Iran baa kaaga horreeyay.

· Haddaad u gasho isagoo leh. Bal yaa isagaa waxaa u dirtay? Ina xaaji Daahir baa kaaga horeeyay oo arrimo aan loo diran daf iska yidhi. Mana eryi karo oo Xaaji Daahir buu ka baqayaa.

· Markaad u gasho hadduu wejigiisa qushuuc ka muuqdo iyo farxadi oo isha bidix yareeyo isla markaa aad moodu inuu ku dhaafsiisan yahay. Badhasaabkii Boorame ayaa kaaga horreeyay oo hawshii uu Maxed Case iyo Habar Cafaan ka qabtay iyo siduu u kadeeday uga sheekeeyay.

· Haddu markaad u gasho yidhaahdo. Axmedow(xoghaynta) tigidhka London waa imisa. Axmed Xaashi , wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu kaaga sheekeeyo sida loogu baahan yahay in xukuumaddu dhulka ay leedahy ugu baahan tahay inay lacag ku bedelato oo hawlo ku fuliso. Ina Aw Siciid baa kaaga horreeyay.

· Hadduu af Ingriisi kugula hadlo. Cali sanyare ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu ku yidhaahdo ictiraaf looma baahna ee dhaqaale ayaa ka horreeya. Xasan Gadhweyne oo sheekhii Kuwait war ka siday baa kaaga horreeyay.

· Haddaad u gasho isagoo taagan oo jeebka surwaalka oo soo baxay dib ugu celinaya. Buur madow baa kaaga horreeyay oo baadhay.

· Hadduu kuu sheego cidii mafriska idinla fadhiday shalay iyo waxay lahaayee. Ibraahim Yey baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo Axmedow lambarkii Muxumed Aw Axmed ii dhiib. Oday Saleebaan baa kaaga horreeyay.

· Hadduu faylkii xisaabta gurmadka dedegga ah dalbado Axmed Daud, agaasimaha Guud ee Maaliyadda ayaa kaaga horreeyey oo u sheegay inaan lacagi ku jrin xisaabtaa.

· Hadduu ku yidhaahdo Kulmiye nin jecel iyo nin neceb ba waa qaran dumis. Xasan Mawlid baa kaaga horreeyay oo ku yidhi. Madaxweyne xisbiyada qaranku waa xisbayadeenii taageerayaashooduna waa umaddeenii oo dad walaalo ah ayaynu nahay.

· Haddaad wax Alla wuxuu ku hadlayo garan weydo oo aad af Xabashi mooddo oo inamo yaryar oo la xidhay oo rabshad waday oo xaafadaha Xawaadle iyo Koodbuur ah,iyo mu’aamarad isaga lagu waday oo la fashiliyay iyo wax la mid ah oo aan sakaaro ka biirsan oo been ah kaaga sheekeeyo. Cabdillahi Cirro ayaa kaaga horreeyay.

Markaan halkaa marayo ayuu yidhi. Waar illayn ninka baastada ayaa ka gubata, muxuu doorasho ku doonayaa haddaa? Maxaad u jeeddaa baan idhi. Wuxuu yidhi. Dhanka qurbaha qofkii wax ma tare ah ee aan waxba lagu hallayn Karin ayaanu nidhaahnaa baastada ayaa ka gubata waayo meesha raga ayaa wax kariya markaa baastaduna inyar bay ku bislaataa biyahana waa laga miiraa ee lama liqsiiyo. Waxaan ku idhi anagu wax ma karinee waxaanu nidhaahnaa “ceesaan ama waxar jabtay lagu aamini maayo qofkaa.”

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Tuesday, September 29, 2009

Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa

Ma Darroorin Baa Aqal Loo Dunshaa

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta intii khilaafku socday oday guurtida ah oo kuwii Ina Rayaale la sida sharci darrada ah ula socday ka mid ah ayuumbaan anigu ku qoslay isaga iyo islaantiisii waxa kala qabsaday.
Doolaal:Oo muxu sameeyay?


Dubbe:Markii habeenkii jimcihii arrintu kululaatay ayuu odaygu yar baqday. Islaantii tii buu u yeedhay:


Odaygii:Naa Dahaboy bal kaalay. Naa caawa guri meeshaas ah oo raggii lagu ururiyay ayaan u hoyanayaa hawl baa jirta ee “dardaaran waa inta ifka la joogo eh” bal kaalay.


Dahabo:Bisinka iyo yaasiinka. Ee maxaa dhacay ee la dib jiraysaan jimcayaashan galay?


Odaygii:berrito salaada ayaanu mooshin gelaynaa.


Dahabo:Looshin gelaynaayaa? Looshinku ma kan la yidhi berkad baa la yidhaahdaa oo hablahan yar yar baa isku caseeya. Naa xaawalay islaameed maxaynu wax walba maqli. Ee ma da’dan baad looshin gelaysaa. Cimraagaasaan jiray oo waxaan sixin ahayn korkayga ma marin. Ee awalba jactad weyneyde yaanu dubka iyo diirku ku kala siibanin.

Odaygii: Waar maxay ku hadlaysaa wuxu?Naa mooshin baanu ku nidhi.

Dahabo: Mishiin aah? Maxaa mishiinkiina helay miyuu xumaaday?

Odaygii:Naa mooshin baanu ku nidhi mawtal qafle ku dilye. Qoodh iyo xero dhegahay ka fayoobeyde iyana beeshay.

Dahabo:Ee mush mush layne xaggaa nooga baydh oo meeshaad ku dhaxayso ku dhax. Mooshinku waa maxay?

Odaygii:Naa wax garan mayside arrimaha Guurtidu ka shaqayso ayaa mooshin la yidhaadaa. Eeg. marka raggu geedka fadhiyo hawsha uu hayo “Arrin” baa la yidhaa. Marka Guurtidu xafiiska fadhidana af Carabi baa loo bedelaa “Mooshin” baa la yidhaa.

Dahabo: Wegerey! Awowgay Muumin farjarow. Oo dabadeed awalba haddaa mooshineynayseen maxaa maanta dibjirnimo iyo dibbood keenay eel ala dhaxayaa? Ee muraadkaaga sheego beryahaaba inaad waxaa soo wadato waan arkaayay khuuradaada eh. Naayaadhaheen. Inaan ka sokeeyo oo aan ka shisheeyo ayaanu ogayn.

Odaygii: ee iminkaad meel kale isku qaadiye , gaadhi baa ii soo socda oo i qaadaya eh waxaan ku idhi . haddiiba arrinku xumaado oo wax dhacaan oo geeri loo simane waxba dhacaanba. Dhawr arrimood baan ku sii farayaa. Hortaa inankaa weyn waad ku hadal xuntay ee talada reerka faraha uga qaad oo inuu nin weyn oo 30 jir ah yahay ogow. Qoladii inanta soo doontay markay soo diyaar garoobaan dhakhso ugu rara. Ninka Cawil la yidhaado ee wasiirka ah lacag yar oo ku raagtay oo kaga hadhsanayd mooshinkii hore inanka muxumed uga dir oo ta mooshinkana soo raaci dheh. waa mid labaduba go’anyihiin oo Madaxweynaha wuu ka soo qaadaa anagana nama soo gaadhsiiyo eh. Baloodhkii ilma Siciid Cabdi dhankan bari ka xigey file-kiisi shalay baan xoghaynta madaxweynaha u geeyey. Mooshinka dabadii baan saxeexayaa ayuu yidhi. Isna ka soo qaada. Waxa kale aan idinkala ballamayaa. Kursigaasi yuu wareegin. Nin wal oo golahaa ka baxayba inankiisii baa bedelay. Inankaa muxumed kursigaa ha ku fadhiisto. Waxa la odhan da’daadu waa intee? Yuu odhan waa sodon oo runta sheegin ee 45 inuu yahay ha ku dhaarto....

Dahabo: Bisinka, bisinka. Ma been buu dhaar iyo milad ku mari? waataan goblamaa gabbal baas noo dumaa inaanay dhacayn.

Odaydgii: Naa dhegeyso waqti ma jiree. Nin waliba sidaasuu ugu dhaartay. Ina Booshcade miyaanad arag? Kulli waa waa isku mid. Waxa kale oo aad tidhaahdaa, xukuumadda ha ka hor iman. Mooshinada ay wadato, haa waxaan ahayn yaan lagaa maqlin. Mooshinadu masqare maaha. Waa kuwaan kuwaan ku soo koriyay ee aan intaa ku soo leekaysiiyay. Waa kuwa waxaas oo dhul iyo hanta aan ka sameeyay. Maya yaan lagaa maqlin dheh. Gaadhi waakan. Naa waydinkaa aan isa saamaxno. Soo duceeya. Salaamu calaykum.

Doolaal:Wallahi oday caqli miidhana ayuu ahaa.

Dubbe:Waxa kale oo isna iigu darnaa nin mujaahidiinta ka mid oo cadhaysan ayuumbaa daf i soo yidhi anigoo meel koob shaaha ku cabaya. Kuye. “waar bal warran. Waar arrin waa xunyahay bal tali maanta Dubbow.” “oo side wax u jiraan?” Kuye:

Dubbow iga su’aal
Dalkaan aawadadii
U dagaalamee
Dhiig u daadshayee
Dadkii ila dhashiyo
Wuxuu diric lahaa
Dab u saarayee
Dambas ay noqdeen
Dib haddaan mar kale
Waa deeq Allee
U dadaalayoo
Dadku hays cafshee
Nabad daajiyoo
Degelkii madhanaa
Dawlad uga dhisoo
Kuwii ii darraa
Mid ka doortayoo
Daadihii idhoo
Dalag raadiyoo
Diihaalka reeb
Daacad baan ahoo
Midho duubaniyo
Daray baan liqee
Markuu degay kursiga
Dabadii la helay
Hadduu diirka sare
Daahayska rogay
Hadduu daallin yahay
Hadduu dagay xaqii
Diinlaawe yahay
Daldalaaya been
Hadduu yahay dillaal
Hadduu doolar rabo
Hadduu cunay dalkii
Dekedii madhsaday
Hadduu dalamsadoo
Daarii Hindida
Wada diray dhammaan
Isagoo dibbiray
Oo daaco wadhay
Hadduu daalac rabo
Hadduu xeer derderay
Hadduu qubay distoor
Hadduu daayacoo
Ictiraafka dilay
Duqay iyo carruur
Haduu laayay dumar
Dawgii wacnaa
Hadduu diiday samo
Doorashada xorta
Durkistoo wagtiga
Dheeraad ku daray
Degimaayo yidhi
Dulqaad iga dhamaa
Waxa maanta daran
Dariiq kale lahayn
Dani ay tidhaa
Lama sii dib dhigo
Deg deg waa u qabo
Ma dagaalamaa?
Digtaatoor kibriyo
Daaquud laysyadii
Jabhaddii darrayd
Ma diyaariyaa?
Dirays maw xidhaa
Dabka maw qubaa
Duhurkaba halkaa
Ma ku soo dabraa
Dambiguu galayna
Maw daliiliyaa
Dadweynaha hortii
Deldelaad sudhaay
Ma ka daalibaa?
Mise waan degaa
Colaad la dumoo
Dabkeed lama shidoo
Dadka lama qaxshee
Daw kalaan maraa
Qaylo aan damayn
Afkaan gacan daraa
Dunidaay hayaay
Doorkan noo kacay
Diiwaangelin saxaay
Doorashada qabtaay
Dawan baan tumaa

Doolaal:Oo markaa maxaad adigu ku jawaabtay?

Dubbe:Dee anig ma gabay baan aqaan waxaan ku idhi. Waar dagaal layne ninyow meesha ha nagu cawarin aanu kaa qayilnee. Intan yarna waan u raaciyay.

Dayibow jawaab
Bino daarti aad
Dabaqyada dhistee
Duunyo waxaad lahayd
Ku daqiiqday maal
Deg markaad is tidhi
Dusha meel hadday
Ka dillaacdo oo
Cirka soo da’iyo
Soo dayso roob
Saw inaad dawada
Deg deg raadisoo
Wax dabooli laa
Daamur iyo camuud
Doontoo heshaa
Daw maaha wacan

Inaad cadho duddoo
Dibnaa ruugto oo
Dubbe iyo birweyn
La duul fuusho oo
Deyrkiyo guddaa
Derbiyada ku yaal
Daaqad aan wax qabin
Daakhilkow riddaa
Dambas kaga dhigtaa
Miyay kuu dan tahay
Alla dooriyow
Ma darroorinbaa
Aqal loo dunshaa?

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire








Monday, September 14, 2009

“Wax Isweydiini Ma Xumee.........”


DALJIRE - “Wax Isweydiini Ma Xumee.........”


By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta bal dadkii Ina Rayaale laayay faataxada u mara. Ku dhaawacanna u duceeya. Aamiin.


Anigu waanigii ramadaanta noqon jiray suxufiga ee waraysiga Ina Rayaale la yeelan jiray. Markaa doorkan isgaaba shir jaraa’id qabtay oo Allaba waa sahlay...


Doolaal:Waar iminkaad Ina Rayaale isku qaadiye qoladan Ina Xaabsade ka daba hadashay ma idinkaa soo abaabulay?


Dubbe:Waar noo kaadi ninyow maalin ina xaabsadadahan maalin walba sii saqiiraya laga hadlo ma joognee.

Doolaal:Oo waayo?

Dubbe:Ina xaabsade arrinkiisu waa kii islaantii Majeerteen ee ganacsata ahayd ee Dubai tagtay oo kale.

Doolaal:Maxay samaysay?

Dubbe:Dubai bay safar ganacsi ku tagtay markaasuu askari laanta socdaalka ahi madaarka ku weydiiyay baasaboorkii. Way u dhiibtay. Wuu kala furay. Kaan imi,xisaab miidhan baa ku qoran, sawirkeediina kuma yaal. “eesh haadaa?” (waxani waa maxay?) buu su’aale. “Heedhe bal du’.” Bay tidhi. “Waar waa la ba’ay. Maandhow iska keen kaasi waa kii xiisaabtu iigu qornayde. Waakan kii saxa ahaa ee fiiri.” Bay tidhi intay mid kale u dhiibtay. Iminka Ina xaabsade intuu aamusnaa aamusnaa ayuumbuu isla kacay oo yidhi. “sida Dastuurku dhigayo madaxweynaha xil-ka-xayuubin laguma samayn karo sanadkiisa ugu dambeeya xilka.” Markii la weydiiyay na tusna, distoorkii Puntland ayuu soo dhuftay. Markay la yidhi waa sideena. Sida islaanta ayuu yidhi. “ ‘aar ma la ba’ay. Waar iska keen waa kii Puntiland eh. Belayaada jeebkan kale ayaan ku ogaaye kan yaa ku riday? Ma gabadhii dharka ii dhaqday. Mindha kii Fadaraalkana jeeb qaldan bay iigu ridday heedhe? Fanto ku dishay waa na kashiftay ay.”

Doolaal:idinku ninkii idinka soo horjeesta waxba u reebimeysaan dee.

Dubbe:Waar aan war saxaafadeedka kuu wadnee dhegeyso. Su’aalaha dhegeyso.

Doolaal:maxaan dhegeystaa Madaxweynuhu su’aalo in la weydiiyo wuu diiday eh.

Dubbe:Yeelkee dhegeyso anigu waan qortay su’aalahayga ee isgaa ka cararay eh. Anigu dadkaan u sheegayaa. Sidan bay u dhaceen:

1. Madaxweyne, shir saxaafadeed baad qabatay wax cusbna maad sheegin ee eedaynta mucaaradka iyo wakiilada ayuumbaad ku dheeraatay, wax niyad wanaaga maad muujin, hadal wanaagsan oo soo jiidasho leh maad odhan. Cuqdad iyo daciifnimo ayaa kaa muuqatay. Maxaad u qabatay shirka ee muraadkaagu ahaa?

2. Berigii hore markaad muwaadiniinta layso waxaad odhan jirtay “ciidanku qalabka ka -hor -tagga mudaharaadka ma haysto ee xabbad nool buu ridayaa. Hadda qalabkii waad heshay oo illa suntii qiiqa waad haysaa ee maxaad dadka u laysay ee aad xabadda nool ula dhacday?

3. Dhallinta waxaad tidhi “ nin kursi doonayaayi yuu idiin soo saarin xabbadda..” iyana waxay leeyihiin “nin kursiga ayaan khasab iyo xabbad ku haysanayaa leh sida Rayaale ma oggolin.” Sidee isugu keenaysaan?

4. Waxaad tidhi “dhiiggiina difaaca qaanka oo qudha u daadiya.” Difaaca Distoorko miyaanu difaaca qaranka ahayn?

5. Waxaad tidhi. “waxaan micno lahayn ha ku dhimannina oo haw soo bixina.” Haddaad ogtahay inaanu macno lahayn maxaad dadka ugu laynaysaa waxaan macno lahayn?

6. Waxaad tidhi. “tuug baanu laynay markii mudaharaadka.” Haddii tuug la laynayo waxa la leeyahay adiga tuug kaa weyni ma jiro oo qarankii oo dhan baad ku tagri fashay ee maxay askartu kuu dili weyday adiga?

7. Had iyo jeer waxan kaa maqlaa oo aad ku faanta “Shirguddonka Wakiilada anigaa berigii u tanaasulay bay ahayd oo u ogolaaday inay noqdaan shirguddoon” maxaa faanka beenta ah kuugu wacan illayn golaha mucaarad baa aqlabiyadda haysta oo cod ku doortay sida nidaamku yahay eh? Ma beentaadaad rumaysataa?

8. Had iyo jeer waxaad tidhaahdaa “albaabkaygu wuu furan yahay” hadddaba haddii marka albaabkaaga laga soo galo ee lagula xaajoodo aad laba isku darsatay. 1) inaan waxba kaa go’in iyo 2) inaad wixii lagu heshiiyo ka baxdo oo aanad cahdi lahayn maxaa baasee albaakaaga laga soo doonayaa? Ma kuraasidan xun xun ee aad sidii islaamaha bacda ku xidhay ayaanu daba dhididkooda wax ku falaynaa?

9. Haddaad nin talo oggol tahay sidaad ku andacooto, adigoo weligaaba diiwaan gelin isku dhejinayay oo lahaa waa sharci haddii aad isku qancisay inay diiwaangelintu qaldan tahay maxaad dadkan talada kula leh ugu yeedhi weyday ee aad u odhan weyday sidan baan wax u arkaa ee maxaynu yeelnaa ee inoo dan ah? Miyaanay taasi munaafaqnimo ahayn?

10. Had iyo jeer caalamaka ayaad wax nooga sheegta. Ta u dambeysay waxaad tidhi. “baarlamaanada caalamku way si dilaan oo waa caadi.” Miyaad aragtay weli baarlamaan askar loo soo diro oo laga qufulo golahooda? Ta kale caalam maad arag, waxna ma akhridid, laba goor baad debedda u baxday oo marna lacag aad naga xadday baad ilko ku soo gashatay marna dumar tuweysaya ayaad London ku soo daawatay waa maxay caalamkan aad nooga sheekaysaa horta? Waxaan ilaabay markii kale ee Djibouti baasaboorka u doonatay.

11. Waxaan maqlay beri baa Xaaji Cabdikariim Xuseen(waraabe) ilaahay caafimaad ha siiye, qolo Habar jeclo ahi u tagtay oo caddaalad xumo lagula kacay reerka uga cawdeen. Wuxuu ugu jawaabay. “Habar jeclooy haddaa caddaalad doonaysaan horta dhinta. Aakhiro ayay caddaaladi jirtaaye.” Iminka Ina Rayaalow saw arrinkaagu maaha haddaa caddaalad doonaysaan horta xabaddayda u soo badheedha?

Doolaal:Waar naga daa waxaasi su’aalo maahee. Sheeko kale keen. Waa maxay qabyaaladdan iyo afxumadan aad suxufiga ku sheegaynaysaa?

Dubbe:Albaabkaygu wuu idiin furanyahay ciddii su’aalo dheeraada rabta. Anigu ma waxbaan dhimay sidaan wax u arkayay ayuumbaan sheegaye. Waar bal kaalaya...

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Saturday, August 29, 2009

“Haddaan Dhergo maba tago”

Daljire - DALJIRE

“Haddaan Dhergo maba tago”

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Horta nimanyoo waanigii Ramadaanta qaadka iska deyn jiray ee mafrishkana fasixi jiray laakiin markaan arkay cid kale iska daayoo Guurtidii oo fasax tegi weyday ayaan anna idhi mafrishkii xidhi mayo oo kalfadhi aan caadi ahayn baynu gelaynaa, codna loo qaadi maayo. Bal horta aan daaqadda inaga xidho.

Doolaal:waar sidaad leeday? Ha nagu xidhin daaqadaha waa kulayle. Taraawixiidii baanu ku soo yar kululaany eh. Halkuuse qiiqa sigaarku ka baxayaa haddaad nagu arjunto meesha?

Dubbe:waar u kaadi waxba ma ogide meeshu waa waddo eh.

Dollaal:oo waayo hadday tahay? Sawtii weligeedba ahayd ee daaqadahu noo furraayeen.

Dubbe:waar dumar baa meesha mara nninyow.

Doolaal:Muxuu ku hadlayaa? Oo hadday maraan waayo.

Dubbe:Sawtan la yidhi dumar askar wata oo Madaxtooyada ay saaxiib yihiin ayuumbaa daf ku soo odhanaya oo kan ii xidha ayuumbay odhanayaan Daahir buu sawirkiisa ka sii jeestay ama wax ku yidhi dabadeedna meel aad martay lagu arki mayo. Ta kale waxaan garan waayay marka la leeyahay “dumar mataxtooyada la saaxiib ah” waa maxay? Side madaxtooyada dumarku ula saaxiibaan? Wallaahi inaynu UDUB wax walba ka maqli.

Doolaal:Waar waxaad sheegayso garan maynee daaqadaha naga fur.

Dubbe:Horta laba arrimoodba way iga qosliyeen doorkan. Dhallinyaradaa saxafadda ee bixisay ereyga “dumar Madaxtooyda la saaxiib ah.” Iyo maahmaahdii Abiib Timacadde ugu maahmaahay Ina Rayaale ee Haatufna sawir gacmeedka ka samaysay.

Doolaal:Oo maxay ahayd?

Dubbe:Wuxuu yidhi. “ninbaa maqaaxi (hudheel) awlal hilib ah ka dalbaday. Markuu kii liqay ayuu mid kalena dalbaday oo liqay. Lacagtii keen baa la yidhi. “ma hayo, waanan gaajaysnaa” ayuu yidhi. Haddaad mid cuntay oo gaajo kuu geysay lacagna aanad isku ogeyn maxaad ka labaad kuu geeyay baa la yidhi. Orodoo iska tag oo hadaba na dhaaf. Intuu dharkii la baxay ayuu yidhi. “haddaan dhergo maba tago illaa aan .......................”

Doolaal:Ma halkaasaa maraysaan oo waxasaa ku hadlaysaan?

Dubbe:Waxaan ku weydiiyay nimanka odayaasha ah ee xildhibaanada maxaa helay? Anigu rag waaweyn oo sharaf leh ayaan ku iqiine sidee wax noqdeen?

Doolaal:maxay sameeyeen? Haddii meesha laysu joojin waayo saw inuu raggu wax iska celiyo maaha?

Dubbe:Waxa la yidhi wax allaale wixii qaad lagu raro haddu gaadhi yahay, hadduu dameer yahay iyo hadduu dad yahayba wuu ka dheereeyaa kuwa kale ee la midka ah. Iminka bal amarka Ilaahay qof alla qofkii Ina Rayaale arrin la wadaagaa maryahuunbuu dhiganayaa oo odhanayaa “maba tago haddaan dhergo” Bal raggan wada qandaraaska iyo kirada iyo hantida umadda wada jaqaya ee ay ahayd inay iyagu nabadda ilaaliyaan ee iyagii dagaalka abuurya day? Miyaanay Aakhiru samaan ahayn?
Waxa kale oo aan la hadlayaa saddex xildhibaan oo aan aad u jeclahay laakiin beryahan aan waxba ka garan la’ahay oo buuqan uu ku dhex jira. Waxaa idhi:

Caligaa(gabiley) dhako xiir iyo
Dable xoolo-cir-doon iyo
Dar kaloo ka xunoo
Xuunsho soor la wadaag ah
Qalbigaan ka xidhoo
Xanaaq iima hayee
Xildhibaanada qaar
Siduu xaal ka noqday?
Geesigii Axmed Xoor (Weysacadde)
Een xorayntii ogaa
Xaq siduu ugu hiishee
Xabadii ku dhacaayay
Xagluu ay go’an yiin
Xisbi waa la galaayoo
Xor baa loo yahay taase
Kuwii xaabshay boqnaa
Sawkan xeelad ku raacay
Ee fulinaaya xumaanta
Siduu xaal ka noqday?

Huruuf way ku xantaane
Wejiguu yar xabuuso
Qofaan xaalad aqooni
Xanaaq buu u tirshaaye
Xuseen waa oday weyn(xuseen ismacil)
Waa xabiib dadwedeen ah
Anigoon xistiyaynin
Xubiguu waddinkiisa
Xabadkawgu hayaana
Xisaab wuu ka batee
Sawtan xaajo ka hoostay
Uu Sidii qaalin xumaaday
Oo xagaa dib ka qooqay
Xodhxodhuun guriyee
Xiisadaa kiciyee
Xaruntii burburshee
Golahii xannibay
Siduu xaal ka noqday?

Xildhibaan Sanqalaawe
Nin xurmeeya dadkoo
Xanaanshoo wax taro
Xariir oo gob ahoo
Xishoodaan ku iqiine
Sawkan xaytay maryaayee
Xayadii ka tegee
Xunbaduun qubayee Xadhkihii jarayee
Xeerarkii ka gudbay
Siduu xaal ka noqday?


Doolaal:iska dhaafoo waxaasoo waataa afka gacanta geliseen ee dunidaay na soo gaadh lahaydeene horta ma laydin yidhi Rayaale la bedeli maayo ee sheeko kale keena. Maxaydin yeelaysaa iminka?

Dubbe:’aar anaga taa cidi nama odhan kartee. Maxaad u malaynaysaa dhexdhexaadinta Guurtida iyo Salaadiinta?

Doolaal:Oo maxaad qoladii kale ee saxaafaddu abaabushay uga tagtay?

Dubbe:qolada saxaafaddu iyagu waxay la kulmaanba waa dhexdhexaad eh bal adigu maw malaynaysaa Xaaji Cabdi,Gacan,Muxumed Aw Axmed iyo Dheeg baa dhex noqonaya? dee waa haddii dameero geel dhalay la arko. Ta kale markaanu Ina Suldaan Cabulqaadir,Buro-madow iyo Dakharre ergo dhex ah u qaadanayno maanu Cawil,Cirro iyo Jaamac Biin ergo u qaadano. Ma waxbaa noo dhiman.

Doolaal:Oo maxaad u deedafeynaysaa haddaa ma ku macaaradka ah ayaa dhex noqonaya?

Dubbe:waar horta anigoon adayaasha xumaanba oga jeedin haddana nin aan maalin qudha sidii Ilaahay u abuuray dhex noqoni siduu dhex u noqonayaa waa yaabe? Miyaanay su’aal meesha ku jirta ahayn adeer.

Waar dee haysu kaaya dhegeysanina ee nook ala fura maragga.

Doolaal:Wax kale ma haysaa?

Dubbe:Haa oo waxaan hambalyo u dirayaa taageerayaasha labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid ee sida nabadgelyada ah u soo baxay iyo ciidanka Booliska oo doorka koray. Imisaanu lahayn waxba dhici maayaan haddii xukuumaddu xabbadda joojiso.

Waa inoo maka xiga haddii eebe idmo.
A. Geeljire

Hal laba ku dhufo

DALJIRE


Hal laba ku dhufo

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Ma maqashay maahmaahda la yidhaa “hawraareey ninna si kuu yidhi, ninna si kuu qaaday?”

Doolaal: That is called misunderstanding. Is maan dhaaf baa la yidhaa.

Dubbe: Waa markeenii. Weligaabaad markaad maqasho gaalo weftiya ayaa timi ama soo socota aad Ingriisi sheekheedu dhintay oo daxalaysatay ugu tijaabin jirtay aniga.

Doolaal: Go ahead. Muraadkaaga sheego Ingriisida waa la bartaaye.

Dubbe: Horta wax barashadaasaan ku xusuustaye waxa la yidhi oday Ina Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa raggii iyagoo fardo fuushan oo qoryo sita iskuulada la qoray baa macalinkii xisaab u dhigay oo yidhi. “hal laba ku dhufo.(1x2) markaasuu ku jawaabay “dee ku dhuftay oo afar qaaday ee maxaad ka sheegey aad.” Hal laba dhengadadood gogga u geli buu mooday. Is maan dhaaf baa la yidhaa. You understand?

Doolaal: The camel boys are stupid and cruel. They beat the animals. Geeljiruhu waa xayawaan. Xoolihii bay ul la dhacayaan. Inay naf leeyihiin miyaanay ogeyn

Dubbe: Bal ka cid stupid ku sheegaya eega? Waar dhegeyso. Mid yaroo isna ciyaalo iskuul ah oo ololahii reer miyaga loo diray baa odayadii uu wax u dhigayay isagoo u jeeda qora, yidhi. “koofiyad dhig.” Waa iska bixiyeen oo dhulkay dhigeen. “cimaamad dhig.” Waa dhigeen iyana. “shaadh dhig.” “waar ma reer baynu oodaynaa intay yidhaadeen bay iyana bixiyeen. Markii dambe ayuu yidhi. “macawis dhig.” “aar kani macallin maahee inaga keena bay yidhaahdeen oo dareereen. Intaana waanu garan weyney.

Doolaal: what you mean? Maxaad uga socotaa iminka?

Dubbe: waxaan uga socdaa bal dalkan dhan ee cid cid af garata laga la’ yahay ee kolba Ina Rayaale dhan u tukinayo eeg. mar wal oo wax qaso anaguna waxaanu u qaboojinaa arrinta dalka iyo dadka wanaagooda ka taliya isna wuxuu u qaataa inuu naga adkaaday oo kibir baabu ka sii qaadaa. Iminkana Jamac Sweden kii digaagadda cunay ayaabu helay oo markhaati beenaale la garab taagan. Haddaba horaan wax walba u dhignay oo wax dambee oo aanu dhignaa naguma hadhin ee waa halkii Ina Cigaal eh (AHN) “qaawanaanta ayaynu isku arkaynaa.”

Doolaal: What chicken? Jaamac Sweden ma xoor baa waa maxay digaagaduu cunay?

Dubbe: Haddaanu xoor ahayn waa maxay baalashan digaagga ee afkiisa ka soo jeedaa? Horta Jamac Sweden iyo magaca Peace la yidhaa ee gaaladu wadato laysma tuso. Beri buu ka shaqayn jiray hay’ad la yidhaahdo Life and Peace oo gaalo leeday. Musuq buu dabada u qabtay. Xisaab celin buu soo dallacay. Gaalkii baa hal laba si kasta ugu dhuftay oo xisaabtii baa is qaban wayday, ama aan idhaahdee, afar qaadi weyday. Dib buu ugu soo celiyay. Mid ka daran buu haddana jaamac soo dallacay. Gaalkii baa waraaq Nairobi uga soo qoray sadar keli ah. Wuxuu yidhi. “Dear Jama; please eat the eggs but do not eat the chicken.” (beedka cun jaamacow oo digaagadda ha cunin) Haddaba tii buu Interpeace na ula yimi.
Doolaal:Which comes first, the chicken or the egg? Keebaa dunida ku soo horreeyay ma beedka mise digaagadda? Waar qoladiinan mucaaradka ahi doorasha soo gala haddaydin wax isla haysaan hadalka iska daayoo

Dubbe: Waar muxuu ku hadlayaa wuxuu? Halkeed inoola kacday? Horta eraygan mucaarad cid gaar ahi ma leh. Anagu xukuumadda ayaanu mucaarad ku nahay idinkuna golayaasha baarlamaanka ayaa mucaarad ku tihiin ee la soco. Doorashadana Ina Rayaale runta maruun u sheega oo waxaad tidhaahdaan Mugabe ma tihid, Ismacil Cumar Geele ma tihi, Meles Zenawe ma tihid ee wixii inoo wada dan ah yeel oo diiwangelinta yeel.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Guurti Baa Dhex ah?...Hayga Qoslin

DALJIRE


Guurti Baa Dhex ah?...Hayga Qoslin

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Afar Cali wax dhaha maanta nimanyow.

Doolaal: afar Cali oo maxay ah? Waar iska qayil Caliyo layne.

Dubbe: Cali Maarshaal in Ilaahay u naxariisto oo qabriga u nuuro oo jannadii geeyo dhaha oo faataxada u mara.

Doolaal: Faataxa. Amiin...

Dubbe: Cali Biikalo isagoo nool oo inna dhex jooga haddana faataxada u mara oo u duceeya.

Doolaal: Ma qof nool oo faataxada loo maro ayaad aragtay?


Dubbe:
Qofkii aad jeceshay ayuumbaad ama u ducaysaa ama waanisaaye faataxada u mar baan ku idhi.

Doolaal: Soco.

Dubbe: Cali Guray oo saaxiibkay ah waxaad tidhaahdaan Afhayeen UDUB noqtay ee Nag-nagle UDUB ha noqon, waa naga talo eh.

Doolaal: Waa maxay Nag-nagle UDUB?

Dubbe: Adigu isagaa garane dheh uun.

Doolaal: Dee waanaan odhanayn.

Dubbe: Cali Warancadde oo isna saaxiibkay kale ah waxaad tidhaahdaan awrkaaga awrka Cawil ka fur.

Doolaal: Oo awrka cawil ma dadkuu cunaa?

Dubbe: Adigu hadalka badan maad iska dayn oo waxaanu ku nidhaahno dheh uun maad odhan? Haayoo Awrka Cawil meel wanaagsan geediga ma furo. Waar Calow mustaqbalka dheh. Caloooooooooow beelaha Somaliland oo laysku diraa dawo ma leh. May maqlaysaa?

Doolaal: Waar wax kale ma haysaa?

Dubbe: Haa. Waan hayaa. Waxaan hayaa wax kaa qosliya hadduu kugu hadhay gawso xumeyde.

Dolaal: Waa maxay?

Dubbe: ma maqashay Xaaji Cabdi iyo xubno kale oo leh Guurtidu dhexdhexaad ha noqoto?

Doolaal: maxaa taa ku jaban?

Dubbe: Weligaa miyaad aragtay Xaaji Cabdi oo dhex ah isago dhanka xukuumadda u wada mooyaane?

Doolaal: Dee saw oday maaha?

Dubbe: Waar dhegeyso illayn odaynimadiisa kamaanaan hadal eh. Hadalka ha duwine. Xaajigu markuu leeyahay dhex noqda inyar ka hor go’aankii Ina Rayaale diiwaangelinta ku laalay buu ku taageeray weliba wuxuu yidhi “ninkii diida go’aanka Ina Rayaale isagaa circa roob ku og.”

Doolaal: Dabeedna?

Dubbe: Dabeed waan la yaabay dee. Xaajigii baan u tegey waxaan ku idhi awow, xaaji ma maqashay in uu Ina Rayaale habeen oo dhan u soo jeedo si uu ogaado halka ay habeenkii cadceedu gasho markay dhacdo? “waabuu soo ogaaday oo aniguu ii shegay qofka rumaysan waayaana waa qaran dumis” ayaabu Xaajigii yidhi sidaan wax kale uga filaayay.

Doolaal: Xaajiga been ha ka sheegin.

Dubbe: Horta Xaajiga iyo Ina Rayaalahan hogga cadceedu gasho soo arkay ee xaajiga u sheegay waxa ka liita dadkayaga dhegeysanayaa ee mar walba tooda ku socda. Miyaanaan ka liidan?

Doolaal: Madaxda saw in la dhegeysto maaha?

Dubbe: Waar dhegeyso waryaa madaxlayne. Ma waxaanu dhegeysanaa xisaab caanteynka Ina Rayaale iyo caqli laawayaasha la taliyaa ay ku soo fakireen?

Doolaal: maxay ku fakireen?

Dubbe: waxay isu geysteen xisaab yar oo odhanaysaa Samarroon iyo Harti codkooda inaa boobtaan cidi iska kiin hortaagi mayso oo dhankanan Ina Xaabsade ayaa ku filan dhankanan badhisaabka Awdal. Goboladada kalena badhkiina aydin boobi ama lacag ka bixiya ama xoog ku qaata oo. Haddaba dhawr goor oo hore ayay arrintayadu noqotay “Deeriyahanow ma baqateene” door Deerayahan baqan mayo ee u sheega.

Doolaal: waar muxuu leeyahay?

Dubbe: Ma waxaynu rumaysanaa Ina Rayaale oo leh dalkaan u hiilinayaa ilaalinayaa? Madaxweynaha dalkiisa ilaalinayaa tuugo uu sallaxanayo kuma ilaasho ee dadkiisu ilaaliyaa xaqooda, musuqmaasuqa ayuu iska daayaa,hantida qaranka ee uu ku takrifalayo ayuu iska daayaa,baloodhada uu iibinayo ayuu iska daayaa, daaraha uu debedda ka dhisanayo ayuu iska daayaa, dulmiga uu dadka ku xidhayo ayuu iska daayaa, caaglaha uu ciidamada kaga cuno lacagta ayuu iska daayaa,kuwii dhibaato dhex marto ayuu kala hagaajiyaa, beelaha iskuma diro, dagaaladii sokeeyo soo noolayntooda cod kuma raadsado,shaqo ayuu dhallinta u raadiyaa. Bal Gaal buu eryey wax siinayay oo taageerayay oo markaasuu inoo tusayaa inuu dalka wax u tarayo. Miyaanu inoo sheegeyn halka cadceeddu ku hoyato. Somalilandeey toos.

Waa innoo qoraalka xiga.

A. Geeljire

Kala Maan

DALJIRE


Kala Maan

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Waar hargab-doofaarkii dawo ayaa loo helay ma maqasheen?

Dubbe: Oo haddii loo helo ma kolbaa umadda u soo iibinaysaan maxaa kaa galay waxa la helay? Mayee waxaanu hellay liiskii sirta ahaa ee wax qabadka Ina Rayaale ee uu doorashada ku gelayo ee uu Madaxweyne ku xigeenka u gudbiyay.

Doolaal: oo cid waliba wax qabadkeeda way soo ban dhigaysaa maxaa kiisa sheegay ee gaarka ka dhigay?

Dubbe: Horta anigu illayn waan aqaannaaye waxa yaabay dadkii islahaa waxbuu soo ban dhigi doonaa. Horaan idiinku sheegay intaynu inagu ka fakiranayno dal iyo wax qabad weyn isna arrimo yar-yar oo isaga ku weyn ayuu u haystaa wax qabad. Kala maan baynu nahay.

Doolaal: Adiga yaa kuu sheegay ee kaaga warramay shirkooda?

Dubbe: Duqsi gidaarka fuushanaa oo gaadhigaaga soo raacay ayaa halkan mafrishka iigu warramay sidanna wuu ahaa warku:

Kuxigeenka: Madaxweyne doorashadii waa dhowday waa dhowday. Haddii Eebbi idmayo waa inaan dadka wixii aynu qabany u soo ban dhignaa markaa bal wixii aad hayso ii sheeg aan meel isugu keeyee.

Rayaale: Qolaan la yar ballansanaaye miyaad salaasada inooga dhigtid gelinka dambe.

Ku:maya maya arrimahan oo kale Axadda ayaa la sameeyaa. Axad baa dunida la taagay. Wixii aad unkayso Axadda ayaa la qabtaa. Markaasu meded yeelanayaa.

R: Kow dhehoo waanigii Aamina Weris, xaaska Axmed Siilaanyo shaqada u diiday
Ku: maan jeclaysanne. Xaasidnimo ayay ahayd oo babul xaasidkuna waa khatar cadiim. Aakhirana xaasidka hoygiisu waa “fi Naari” naartuu ku daaimayaa.
R: waanigii Raaqiya Oomaar Caayay.

K: Istaaqfurullah. Qawlun xasanun, hadal wanaagsan baa madaxda looga baahan yahay
R: waanigii xaaskii maxamed Xaashi shaqada ka eryay.
K: Nacam nacam. Xasan Gadhweynaa ii sheegayaye
R: Inantii hay’adda xuquuqda adamaha waanigii ka xidhay hay’addii.
K: Injaaz cadiim. Nacam.go’aan wax ku oola ayuu ahaaye
R: Adna Adan waanigii shaqada ka eryay
K: Waa qodob. Ahye. Ma jeclaysan arrintaase.
R: Kuwii yaryaraa ee magacbixiintii xaafadda Cabdi Iidaan ee loo bixiyay Sheekh Muuse ka mudaharaaday waanigii laba ka dilay.
K:”Kullu nafsin daa’iqatal mawd...’baa la yidhi. Anba kuwii dhakhtarka ayaa igu maqane.
R: kuwii riiggana ku dar. Iyana labaan ka reebay.
K: Raximahumu laah. “inna laaha qafuuru raxiim wa yaqfiru jamiical dunuub.” Tii yarayd ee beerta xorriyaddana ku dar
R: yarkii darawalka xaaska u ahaa ee Abshir waanigii xidhay.
K: afkiisuu haysan waayay eh. “idal kalaamu minal fidah wal sukuutu minal dahab”
R: waanigii Axmed Siilaanyo rasaaseeyey.
K: waan ka xumaadaye
R: Kulmiye iyo Axmed Siilaanyo ayaan madaarka u diiday
K: arrinkaa Khada’ idaari buu ahaa. Maa kaan laasim. Waan ka xumaaday
R: Ina Xaashi iyo Gaboose ayaan xidhay
K: xxxmmmm xxmmmm. Way jirtay
R: Ina Suldaan Cali baan xidhay
K: Al qaanuunu fowqal kul. Cidina sharciga kama sarrayso
R: Djibouti baan baasaboor ka helay.
K: Maashaa Allaah. Khabarun saciid. Goorma?
R: Berbera....
K: waar u kaadi u kaadii.. calaa mahlak... haynugu soo qaadin.
R: Adhiilayaashii kibray baan xamagga ku dhegey
K: ma jeclayn midhkaase
R: Beertaydii Camuud baan ceel ka qoday
K: “...wa jaclnaal maa’a ku shey’in xayaa....” waa nimco eh. Oo buqdaasuu hayaa? Taydii Xamaas ku till oon baa looga qaxay.
R: Kalluunkii baa toos u dhoofa
K: Al bakhiil cadu laah. Adigaa isku koobayaye
R: miyaanan iskaraabkii badh ku siin
K: qaliil buu ahaa. A innahu qadacta min jismak. Fara guudkood
R: Xaflad dumarka ah oo londan ah oo laysku arkay baan ka qayb galay.
K: Inna kaydahunna cadiim. Waan ka cararay anigu markaan Londin tegey.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Gobolkee Dul Badan?

DALJIRE

Gobolkee Dul Badan?

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar heedhee ninkii Madaxweynaha ahaa wuxuu kolba ina yidhaahdo ictiraaf baan doonay ma hadduu yidhi “ictiraafka waxa ka muhiimsan qarafaysiga”

Doolaal: Waar dee qarafaysi muu odhan ee wuxuu yidhi dhaqaalaha.

Dubbe: Oo dhaqaalahuu keenay waa maxay kolba nin carab ah ayuu wax ka soo baryaa badhna jeebka ku shubtaa badhna intuu keeno ayuu dhallinyarada ku toogtaaye?

Doolaal: muxuu toogtay ee aad sheegaysaa? Waar dee malaa ma miyir qabtid.

Dubbe: Miyaanu riiggii u carabka ka soo amaanaystay carruur ku layn oo aanu odhan inay ila maamulaan bay doonayeen oo aanu riiiggiina beertiisa Camuud geysan? Waar wixiisu qarafaysi bay ku dambeeyeene iska daa.

Doolaal: Soomaalidu waa taa dee. Haddii wax loo doonana waxay odhanayaan waa qarafaysi. Sina lagaga amaan heli mayo.

Dubbe: Waar taa iska daayo maxaa u tegi weydayn Maraykankii dadkoo dhan lagu soo casuumay ee qaddiyadeenna uga hor sheegi weydeen Guriga Wakiilada Maraykanka ee Congress?

Doolaal: Saw na odhan maysaan Sheekh Shariif iyo Puntland bay la shireen.

Dubbe: Waar jaahilnimo ayaa idn haysee meesha illaa Ugaanda ayaa lagu casuumay oo guddi baa war bixin la siinayay ee may ahayn shir. Qolaba mar bay guddida hor fadhiisanaysay oo waxay la tahay u sheegaysay.

Wuxuunbaa odhan lahaydeen waxaanu rabnaa waa sidaa iyo sidaa...ama waxay nala tahay sidaa iyo sidaa... ma maryahay idinkala hadhi lahaayeen?

Doolaal: Waar bad ha na gelin anaga. Ordoo taga dee idinku.

Dubbe: Waar weligiinba “kob caleen leh” kamaydaan soo durdurine anigu shir baan ka imi gobolada dalku isgugu yimaadeen.

Doolaal: Oo muxuu ahaa maan maqal ba eh

Dubbe: Anigaa qabtay oo gobol walba idhi cid soo dirta. Ajandahuna wuxuu ahaa

“gobolkee dul badan?”

Doolaal: sidee yacnii?

Dubbe: Waxaan idhi bal dooda oo marka la eego beenta Ina Rayaale idiin sheegay iyo sida uu dalka u maamulaa saamaynta ay idinku leedahay gobol walawba banka soo dhig. Sidanna way u dhacday iyada oo aan soo koobay:

Saaxil: horta goboladu inay isku baroor darsadaan maaha. anaga waxa na gaadhay cidna may gaadhin. Dekedda dalka oo dhan dhakhligiisu ka soo baxo ayaanu lahayn. Intay dhaqdhaqaaqaysay wixii ka soo baxay jeebkuu ku shubtay Ina Rayaale. Markii dambe wuu xidhayba. Kolba isagoo iska-roga dhgxaan ah sita ayuu noo yimaadda na shiidaa weliba. Laba nin oo isu seediyana tunkaas uun kaga taagnaada ayuu yidhi. Haye. Miyaa taa qabtaan? Iyo weliba qaar kale.

Togdheer: Horta anagu xukuumaddaa Somaliland waxay na tarto iska daaye sidii aanu hashii dhashay ee SNM la odhan jirnay hoosteeda uga soo jiidnay ee aanu xabka xayuubinnay ee aanu qotominay harraatidii ay nagu bilawday ayay ku duqooday. Anaga lacatayadii iyo dhaqalahayagii oodhan baa Giimbaar la geliyay. Sanad walba lacagta umadda ayaa lagu cunaa oo la yidhaa Burcaanu lacagta ka bedelaynaa. Intaa waa layku kaaya diryaa fidno ayay nagula dhex jirtaa. Dhanka madaxda. Adeer Madaxweyne ku-xigeenka oo wadaad ah iyo seeddigii baad ka cabanaysaane yaa idin dhaama?Weli miyaa Jaamac Biin,Cawil, Ina Sulub iyo Ina Saleebaan weyne laydiin soo diray? Haddanu bad leenahay waanu ku guri lahayn anagu.

Sanaag: Oo haddeer anagu waa yaabanahay oo waxaanu leenahay. Waar nimanku dawlatan iyo xukuumadatan ay ka cabanayaan halkay joogtaa? Anagu abaal baabaanu ku qabi lahayn midhaa haddaanu kol uun wax xukuumada oo Somaliland ah aragno. Anaka hal meeyar(mayor) baanu leenahay oo kaasaa iska kaaya xukuma, usna inta badan Hargeysaabu iska joogaa uu.

Sool: Horta niman yahow waa idin sallaanay. Annaka qoladayadatan Dhulbahante canaanta waxbaanu ku leenahay haddii cabasho jirto oo waxoogaa waatii aanu yar maqmaqnayn aanu ee kol xagga u kacnay ee kolna xagga u kacnay ee arbushka iska yar jiray uu. Haddiise laga tegi waayo laba xaalo labada midna ma oggolin aanu. Horta waa midi inaan kuraastii hoggaanka dalka midna aanaan hayn ma oggolin oo nama qabato ay. Waa ta labaade ninkakan Gudabiirsay(samaroon),anaguna magacooda ma karno iyna Dhulmahante ayay na yiraahdaan oo magacayaga ma karaan aye, ee magacayaga Isaaqa lacagta kaga gurta misna meel allaale muul uu uu ula kaco aan la aqoonin ee aan buraashad noo buuxin wax ka fil roon daaye, dheg xumo ayay nagu tahay ee arrinkaa wax ha laga qabto oo Isaaqow ogaada anaga xoolahiinni nama soo gaarin ay. Haddii kale kufurtu billahi waa waxaanaan oranayn waar Ina Xaabsadow laanta ku dhufo misna oo Pintilan baad sheegaysaaye shaydaan laan ku dar gobolka.

(gobolada kale la soco qoraalka xiga)

Waar maqribkii baa soo dhow eh intaanan shirka gobolada idiin dhammayn aan sheekadii Yuusuf Tallaabo iyo gaalkii aan idiin dhammeeyo:

Gaalkii: Height?(dhererkaaga waa intee?)

Tallaabo: you don’t see me? Very tall. My grandfather was very tall like that branch. Three men could not put his side on the ground (ima aragtid miyaa? Aad baan u dheeray. Awoowgay hooyo ayaa nin dheer oo laantaa leeg ahaa. Saddex nin dhinaciisa dhulka ma dhigi jirin.

Gaalkii: Occupation? (mihnaddaadu waa maxay?)

Tallaabo: Deputy minister of justice. I hate human rights people. I see them i destroy them. Specially when the president says so. (wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caddaalada ayaan ahay. Kuwa xun xun ee xuquuqda aadamaha sheegta inay difaacaan baan aad u necebay. Gaar ahaan markuu madaxweynuhu igu diro )

Gaalkii: why? (waayo)

Tallaabo: they have very long mouth. This is Africa you don’t inter the government’s sea. (af dheer oo intaa leeg bay kula soo gelayaan. Xukuumadda baddeeda miyaa la gala meeshu Africa eh)

Gaalkii: You said your father’s name was the Mad Issa? (awal ma waxaad tidhi aabahaa waxa la odhan jiray Ciise Waal?)

Tallaabo: Yes. Why? (haa. Waayo?)

Gaalkii: It is Ok. What is your marital status? Are you single, married, divorced or widowed? (ma doob baad tahay,ma xaas baad leedahay,miyaa kala tagteen xaaskii,miyay kaa dhimatay?)

Talaabo: what you mean. I marry I open. I marry I open. I marry I open. All the dead mujaahidiin girls, i marry I open. Now I am married. They need a man.(yancii side dee? Waan guursaday oo waan furay. Oo waan guursaday oo waan furay. Hablihii mujaahidiintii dhimatay dhaleen oo dhan baan guursaday oo furay. Nin bay u baahan yihiin hablahu. Iminkana xaa baanleeyahay.)

Gaalkii: Oh my God! Let us have a break. What would like to drink? (Innaa lilaah. Waar aan yar nasanne. Maxaad cabbaysaa?)

Tallaabo: Drink?You have some big man’s drink? (sharaab nin weyn mahaysaa dee?(iljebis))

Gaalkii:What is big man’s drink? (waa maxay sharaab nin weyni?)

Tallaabo: You know sir. Stop playing. All English know big man’s drink.( iska dhaaf cayaarta waad garnay aade. Ma Ingriis aan aqoon baan jiray sharaab nin weyn?)

Gaalkii: Sorry. I do’t know but we have tea,orange and apple juice.( waan ka xumay ma aqaan laakiin shah ,liin macaan ama tufaax baanu haynaa.)

Tallaabo: I drink tea. We say “Men are tea and women are talk.” (shaaha ii dhiib. Waxa layidhi.”ragna waa shah dumarna waa sheeko eh”

Waa inoo qaybta kale. Haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire

Kala war la’aa

DALJIRE

Kala war la’aa

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar yaadhaheen. Berigii hore Ilaahay iyo Cambaro Madow ayuumbaa kala war la’aan jiray. Iminka dad badan baa kala war la’

Dolaal: Waar Brazil oo Talyaanigii 3 iyo eber ku dirtay ma aragtay?

Dubbe: Eeg hadda iminkuu sheekada bedeliye. Mayee waxaan arkay Rayaaloo eber ka keenay Kuwait sidiisii. Awal been yar oo xun baabu sheegi jiray oo odhan jiray qadiyadii baan gaadhsiiyay iyo martiqaad rasmi ah ayaan ka helay iyo wax lamid ah. Iminka mid yar oo amiir ah ayuumbuu dayaarad la raacay soona celiyay markuu waxoogaa jeebka ugu soo shubay. Waar ma buskuu Oodweynaa saw ma dhergo.

Doolaal: Waar inaaderow maalin uun siyaasaddan iyo waxan naga daa oo sheeko kale keen.

Dubbe: Waar midkeena siyaasad la’aan noolaanmaayee wax kale ma haysaa? Hay qalin daarine aan dadka kala war la’ kuu sheegee dhegeyso.

Doolaal: Waa ayo dadkaad sheegaysaa?

Dubbe: waxaan arkay Obama oo duqsi dilay oo dad reer maraykan ahi yidhaahdeen xaal ka bixi duqsigaa aad dishay. Waxaan idhi Alla kala war li’inaa. Anaga duqsigii iska daayoo maalin walba askarta ina Rayaale intay qof disho ayaan cidina buus odhan. Iminkana meydkii baabu cashuur ku soo rogay.

Doolaal: ”Waraabow boo doo xagga cadka u bood.” Baa la ydhi. Maysku qaadday? Haye.

Dubbe: Waxaan arkay reer Oodweyne oo todoba sanadood Ina Rayaale abaal ka sugayay oo is lahaa maruunbuu sidii nin weyn abaalkii soo celin doonaa codkii aydin Siilaanyo uga eexateen oo intuu soo maray yidhi. “waar dalkaan soo maray oo dhan idinkaaba ugu waddo wanaagsane iska aamusa. Cashuurtana gurta.” Waxaan idhi Allah kala war la’aa nimanka “fighting force” ee isu haysta inay dalkaba masuul ka yihiin iyo ninkan intuu codkoodii qaatay ku yidhi iska aamusa . maxayse cashuurta ka qaataan. Xoolo ayay lahaayeen oo kuwiina iibkoodii wuu joojiyay eh.

Doolaal: Dee isagu ma dalkoo dhan buu waddooyin ka samayn karayaa. Ta kale mar hadday Cawil iyo Siciid Sulub meesha marayaan ma cod buu ka waayayaa waa ku khasban yihiin inay u codeeyaane. Siciid Sulub baa farta iyo foodhi ugu yeedhayaa nimankaad sheegayso eh.

Dubbe: waxaan arkay Berbera oo haddana dhagax kale ku dhacay. Ina Rayaale oo aan Djibouti baasaboor ka qaadan baynu odhan jirnay dekeddii buu u xidhay Djibouti oo Ina Cumar Geelle ayuu la shaqaynayaa. Bal ka warrama “tiiyoo lax qalatay?” waaba isagii oo u sii habranayaa oo xaaska baasaboor uga qaaday maw malaynayasaan dekeddii buu dhisi doona. Wuxuu yidhi shirkad Faransiis ah ayaan wadaa oo dekedda dhisaysa. Waxaan idhi Alla kala war la’aa ninkan dhagaxa sita iyo dadkan xishoonaya ee uu nacasyada moodayaa.

Doolaal: maxaa isku xidhay baasaboorka iyo dhismaha dekedda?

Dubbe: Waxaan arkay Rayaale oo Burco ku leh Giimbaarkaan idinka beddelaya, haddana. Waxaan idhi Alla kala war la’aa Burcadan sullkii ay khadka doorashada dari lahayd labada sannadood kor u sii haysay iyo ninkan is leh Jaamac Biin baa cod kuu keenaya.

Dubbe: Waxaan arkay Ina Waran-cadde oo saaxiibkay ah oo cid walba fulay ku sheegaya. Isaxaaqii buu fulayo ku sheegay. Ina Cali Waraabe ayuu fulay ku sheegay, mucaaridkuu buu fulayo ku sheegay. Waxaan is idhi malaa timahan cad ee weyn ee madaxiisa ku yaal ayuu bulbushii libaaxiisa ku tiil mooday. Waxaan idhi Allah kala war la’aa wasiirka iyo dadkan masaakiinta ah ee Gacan libaax harraadku ku jaray ee uu haddana leeyahay Ina Rayaale saddex goor doorta oo Distoorka u fura.

Doolaal: Wasiirka wax qabtaana kaa amaan heli mayo.

Dubbe: Waar dhegeyso. Waxaan arkay nin Siciid Caddaani la yidhaa ee Hablaha yar yar ee suxufiyiinta ah cunahaas uun ku dhegaya sidii guduudanaha. Waxaan idhi Alla kala war la’aa Afhayeenka iyo rakii raggii hablaha dhalay.

Doolaal: Halkuu haddana inala maray?

Dubbe: Waxaan arkay Madaxweyne ku-xigeenkii oo arrin Ina Xaabsade hoosta ka wato ka hor yimi oo maayarkii “Laaska” shaqadii ku celiyay. Waxaan idhi Waar kal war la’aa ninka gobolkaba dambaaba ee kolna Puntland ku dara kolna Somaliland iyo sheekhan fooxa shidanayaa ee aan ri’ gees ka ridi karini.
Doolaal:Ha wadhleeyo oo kolba meel haysku qaado.

Waa inoo mar kale haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Marxuumow Cigaalow

DALJIRE


Marxuumow Cigaalow

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: waxa la yidhi “nacas waa ayo Iyo waa adigu aan ra’igaaga diido.”

Doolaal: Anigu taa hore uma maqal ee maadigaa samaystay?

Dubbe: Oo maxaad ku garatay ninyow? Maantaabad ugu caqli weyneyde.

Doolaal: Iska dhaaf waxaan ku gartay oo maxaad uga jeeddaa maahmaahna maahe?

Dubbe: Inaadeer Doolaal nacasow waxaan arkay anigoo maalinba qofkii aan diido ku sheegaya nacas. Nacasnimadii baa meelna ku joogi weyday. Waxaan arkay qaar UDUB ah oo ay ka mid yihiin Jug soo-dhacay iyo Muxumed Aw Axmed oo Ina Cumar Geelle u dabaal degaya oo leh Walaal Ismaacilow dalkaagii waxbaad u qabatay ee anagana noo qabo iyagoon aan kii ay doorteen ee ay hoos yaacayeen odhan karayn wax noo qanbo. Markaasaan idhi waar raggu nacasaysanaa. Salaadiintii bay ila gashay. Waxaan maqlay Suldaan Moaxamed suldaan C/qaadir oo suldaanka Somaliland sheegan jiray oo leh Habar Jeclo ha la laayo. Waxaan idhi nacasaysanaa suldaanku muxuu ku hadlay? Waxaan arkay Xaaji Cabdi Waraabe oo aan weligii nacasnimo lagu sheegin oo leh Suldaanku waa sax ee Habar Jeclo ha la laayo. Waxaan idhi waar odaygu.......... waxaan arkay anigoo badhaasuqa tv iiga Huutuga Ruwaandha ee Madaxtooyada laga xukumo dhegeysanaya waxaan idhi “Alla nacasaysaniyaa bal waxaan dheysanayo eega.” Dadkii oo dhan baan soo dhammeeyay aakhirkii Mujaahid Cali Guray oo saaxiibkay oo nin aan jecelay ah oo mujaahid xalaal ah oo xor ah ah oon nacasnimo meelna u soo marin ayaan arkay isagoo Mujaahidiin kale wax ka sheegaya isagoo Ina Rayaale taageeraya. Waxaan idhi waar mujaahidku nacasaysanayaa. Horta markasaan gartay inaan nacasba jirin, adiga mooyaane Dolaalow, ee qofkii aan diido fikirkiisa ayuumbaa shaw aan nacas u qaan dadkuna waa ila mid.

Doolaal: Allaylehe adigaan kugu hubaa nacasnimo. Ma ninkaa qof walba nacas ku sheegaya.

Dubbe: Waar iska daayoo waxaan ku weydiiyay Ina Rayaale Sponsor kii maw yimi?

Doolaal: Sponsor kee?

Dubbe: Iska daayoo ma haysa warka isaga iyo Marxuumkii Cigaal sheekada dhex martay markuu Berbera tegey?

Doolaal: Dee waa runoo adigu BBC gooniya baa leedahay oo kuu warranta eh. Maxaa dhex maray?

Dubbe: dood dheer baa dhex martay. Dhegeyso.

Rayaale: Marxuumow Cigaalow
Mudanii i doortee
Marduufkaan gadaayiyo
Mijintii dhibteedee
Hore iiga mariyee
Madaxweyne qaran iyo
Iga dhigay masuulkow
Adaan maanta kuu imi
Cigaal: Maqalkay cuslaadaye
Marduufkaad gadaysaa
Kii daba musbaarkiyo
Murruq dadara waakee
Duca qabe maxaad tidhi
Meeqaan ku siiyaa
Rayaal: maya maya kumaan odhan
Taasi waa markii hore
Nimaad meel u dhiibtoo
Magacawday weeyaan.

Cigaal: Midhahaa tamuuxdiyo
Malyuun way ka badan yiin
Inta aan mid liitoo
Dadku kaba mashiiqsado
Meel sare u dhiibo
Madax aan ka dhigayoo
Miisaan u yeelee
Magacaagu waa kuma
Waa maxay muraadkuna?

Riyaale: Daahir magacu weeyaan.
Cigaal: Daahir? Daahir? Daahir?
Wait a minute!
If i am not mistaken
Yacnii aanan mushteegin
Waa ninkii Daahir miskiin
Ee aafadii musuqay
Een maal uu urusho
Oo halkaa marsho daaye
Medad oo dhan lahayn.
If I am not mistaken
Waa ninkii mansabkii
Macbuud uu iga qaaday
Masallaa dhigtayee
Illaa qaaya mafsuuday
Ee middle east ka carbeed
Iyo Masar daaro ka jeexday
Waar muxuu murmuraarmay
Uu muqmuqii dibi yeeshay
Maxaa maanta ku keenay
Bal muraadkana sheego

Rayaale:Xeebtaad moofada mooddo
Milicdaa i gubaysa
Waxaa maanta i keenay
Mahad aad igu leed iyo
Waa muquuno abaale
Midigtaada bal keen.

Cigaal: Ciyi waagi ka muuqday
Maya baa la yidhaayoo
Maqdac baan ka xigaaye
Horta maanka ka saar.
Midh kalaanse jeclaayoo
Maqalkiisa rabaaye
Dalkii aad majaraa
Maamulkiisa hoggaanka
Mayalkaw qabateen
Mari oo bal warkiisa
Daruuraa madadmadaw iyo
Malluugaa ma hadheeyey?

Rayaale: xxmmmmm. Uhu uhu. Xxxmmm.
Waa ilaah mahaddii
Mawluun baa naga fiican.

Cigaal: what is the matter with you?
oo maxaa dhacay dee
Ma kol baad mergetaa?

Rayaale: Mar mar baan yar saxdaayoo
Midhkii aan odhan laa
Ka cad uu i maraaye
Hadda waa never mind
Oo maa calaysh iska dheh.

Cigaal: Mahad eebe u daaye
Midh midh iigu jawaaboo
1. Mashaariic ma hesheen?
Mise beenta malaasan
Ee sida maanlada tuulan
Ayaa soo mutuxdaanoo
Masaakiinta dadweyne
Ee codkoodii muquunshay
Waxaan meeshaba ool iyo
Maweelaa ku saabtaan?

2. Mushatiirkiisa bagaashle
Marsadii cammirrayd
Ma shidaa dekeddii
Mise waabay madawdoo
Mar horaa laga guuray?

3. Maatadii dulmanayd
Biyo aad u macaan iyo
Ma helaan manfcooda
Mise waaba la moogyay
Hadduu mawdku dilaayo?

4. Dhallintii muruqiinna
Maskaxdiina ahayd
Mihnad ay cilmigooda
Ay ku meel mariyaanoo
Macaash ay ka helaan
Miridhkiiba ma siisay
Mise waa mucurtoonoo
Badahaa madmadawbay
Miidaamaa ku galaanoo
Mawdka waajahayaan?

5. Adhigeenii mudnaa
Maraakiibtii carbeed
Malaayiin ma gurtaanoo
Kharash aanad malayn iyo
Mood ma kaaga tagaan?
Mise waabad mamnuccdoo
Marinkaad uba diidoo
Manfacooda Mamaasan
Iyo majeerteenbaa kala goostay?

6. Musuqii mindi dheeriyo
Maqas mawla tagteenoo
Muunaddiissa ma goysay
Mise waaba mubaaxoo
Madhaxii dalka tiiliyo
Ninkaan maatada boobini
Waa miskiin doqon ah?

7. Magacood ha jiro oo
Muuqood ha joogee
Kuwii soo mujaahiday
Gunno iyo masruuf iyo
Dawo maradka biisiyo
Ma helaan daryeel mudan
Mise mooji baad tidhi
Muraad iyo dan baan gelin
Oo Abboogaa miskiinkay
La meeqaan yihiinoo
Way meehanaabaan

8. Mudducigu maddaacali
Hadduu maago eedee
Garsoor madax banana iyo
Sharci muran la’aanoo
Miisaama doodiyo
Ma helaan xaqsoor mudan
Mise waabay murugtoo
Meesha xaakin joogaa
Maafiya godkeediyo
Dulmi minankii weeyaan?
Rayaale: Midhadh aan badnaynoo
Mayal adag ma sheegine
Miyi iyo magaalaba
Dadku way mafsuudeen
Kulli maashi xaal iyo
Maa ya khaalif weeyaan
Money talks weeyaan
You know what I mean?
Waa innoo mar kale haddii Eebbe idmo.

Kydbaday qofba si kuu maqal

DALJIRE


Kydbaday qofba si kuu maqal

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe:
Waaryaadhaheen, miyaa weli aragteen ama maqasheen madaxweyne isagoo kursiga ku fadhiya baasaaboor qaxootiya xaaskiisa dal kale uga soo qaada? Ina Rayaalihii aynu lahayn war iminka Djibouti maxaa laga tusay shaw nin baasaboor xaaska uga raajicinaya ayuu ahaa. Ma dal sharaftiisii oo dhan dal-ku-gal ku-meel-gaadh ah la siisto ayaynu aragnay? Haye. Ciyaar baad moodaysaan. Markii la weydiiyayna wuxuu yidhi. Way degenaan jirtay dalka oo waraaqay ku lahayd. Horta inagu marwada waa inagu ceeb inaynu soo qaadnaa laakiin waa madaxweynaha ninkaynu ka hadlaynaa. Gabadha dhaafa warkeeda.

Doolaal: Waar..Waar qaadka ha nagaga joogsanin..waar muxuu la xiiqsan yahay qofku... waar xaggaa nooga baydh baasaboor layne. Horta fadhiiso intaanad hadal daf nala soo odhan. Ta kale halkaad ku raagtay maanta?

Dubbe: Waar naga durug moojiye. Saacaddaasaanu lugaynaynaaye.

Doolaal: Oo maxaad la lugaynaysay, waxaaban ku arkayay adigoo kuwii yaryaraa ee aad adeerka u ahayd horsocda eh?

Dubbe: saw tu yar oo aan adeer u ahay oo markay soo rawaxdo halkeeda iska soo lugayn jirta maan soo dhaafinayn waddadaa Madaxtooyada ee la yidhi waxa jooga nin hablahaya yar yar cunahaas uu la ledaya.

Doolaal: Oo muxuu ahaa kaasi?
Dubbe:Waxa la yidhi Madaxtooyada ayuu afhayeen ka yahay oo Siciid Caddaani baa la yidhaahdaa. Miyaydaan maqal tii yarayd ina Casayr in dirqi lagaga riday? Waar bal hablaha ninkaa ka ilaashada. Ahaaaaa! Waar ma Guduudanaa? Wallahi in wax walba la arki.

Doolaal: Waar ma ninka odayga ayaad ledahay hablahuu laynayaa. Waar isla yaab.

Dubbe: waar meeshu Gobabkii Ina Igarre ayay noqotay ee iska aamus wax ma ogid Habeen. Horta todobaadkii dhowaa waxa wada cajiib ah ayaa inna soo maray. Miyaan is lahaaba wax aad la yaabtaan baa idiin hadhay.

Doolaal: Waar adiga waataan Yaabane kuu bixiyay ee maxaad la yaabtay,haddana?

Dubbe: Waxaan la yaabay waxaan arkay Ina Rayaale oo Siilaanyo iyo Ina Cali Waraabe cilmi ugu faanaya oo leh waxba garan maayaan. Waxaan xusuusty sheeko gaalaad. Waxa la yidhi nin qareen ah oo meel tuulo ah ka yimi ayaa New York yimi oo xafiis weyn ka kiraystay. Isagoo xafiiskii fadhiya ayuu nin soo gelaya arkay markaasu intuu taleefnkii dhuftay isagoon cidna la hadlayn iska dhigay nin qof kala hadlaya arrin uu qareen uga yahay. Wuxuu yidhi. “Haa. Waa sidaa arrinku.. way soo dhammaatay arrintii..adigu markaan dhammeeys tiro inta yare e xaal xaalka ah saddex million adigaa leh shanta kalena waa aniga. Ok. Waa inoo sidaa. Thank you.” Taleefankii buu dhigay. Ninkii soo socday oo soo gaadhay mar hore oo dultaagna intuu beenta shubayay ayuu ku jeestay oo yidhi. “How can I help you? Maxaan kuu qabtaa?” ninkii wuxuu yidhi. “shirkadda taleefanada ayaan ka socdaa oo inaan taleefanka kuu geliyo ayaa lay soo diray.” Hadda waa taleefankii uu iska dhigayay nin ku hadlaya. Iminka Ina Rayaale taleefankaas ayuu inoogu hadlay markuu Siilaanyo iyo Faysal tacliin u sheeganayo.

Doolaal: kkkk. Waar naga aamus afku ku go’ye. Wallaahi anagii buu naga qoslin qaadhay. Haye. Maxaad kale la yaabtay?


Dubbe:
Waxaan kale oo la yaabay caqliga c/lahi cirro ee maamuuska iyo aragtida ka arradan. Waa ninka yidhi mucaridka cidina uma diidin inay xafladda yimaadaan cidina ma casuumin hore iyo dib toona. Wax kale iska daayoo miis maqaaxi ku yaal oo aad fadhido ayaad qof kale ku tidhaadaa soo dhowow oo fadhiiso. Xaflad wal oo la agaasimayo ama heer qoys ha ahaato ama heer qaran eh waxa gundhig u ah in dadka la rabo inay yimaadaan loogu yeedho. Tusaale. Haddii walaalkaa inantii bixinayo ama inakiisu guursanayo waad ku wargelinasaa inuu yimaado munaasabadda. Odhan maysid ha u sheegin ama ha yimaaddo ama yuu imane.

Dubbe: Waxaan kale oo la yaabay qolooyinkayagan mucaaridka ah. Waxaan kula yaabay. Waxaanu nidhi oo ku eedaynay Ina Rayaale waa tuug hantidii qaranka madhiyay oo lunsaday waa beenaale aan midh xalaala aqoon waa axdi (cahdi) laawe, waa kelidii taliye sawaaban haddana waxaanu u qaylinaynaa waxbuu noo saxeexi waayay. Ma waxa la arkay qof tuuggii xaday yidhaahda ii saxeex inaanad dib ii xadayn? Waar yaa ilaahay yaqaan. Heshiisku af iyo qoraalba wuu gala. Qofka aan aaminka lahaynina labadaba wuu jebiyaa. Waar meesha ha nagu waalina ee doorasho daba gala Ina Rayaale war isuguma keen ahddana eh.

Doolaal: Allaylehe maruun qaladkiina sheeg. Waar waxaad ka warrantaa waadigii beerta xorriyadda tegey maalintii dhoweyd ee khudbaddii Madaxweynaha ka warran.

Dubbe: Waa yaabka afraad. Waxaan la yaabay dadkii aanu meesha wada joognay isku khudbadba maanaan dhegeysan qaarkood. Anna waxbaan maqlayay iyana wax kale ayay maqlayeen.

Doolaal: side yacni?

Dubbe: Anigu sidaan u maqlayay aan kuu sheego:

Mudane iyo marwooyinba dadkiina falan ee isa soo lug gooyay ee filaya inaan waxay jecel yihiin u sheegow waad salaaman tihiin. xaflad nin ka maqnaaday waa nin shir ka duday. Nin shir ka dudayna wuu siigo yar yahay. Markaa horta aniga waxba iga qaadi maayaan mucaaridku hadday maqnaadaan iyo haddii kaleba. Saleebaan Gaal qudhiisa ayaanan garanayn wuxuu muraayadda madaw iigu soo xidhay ee uu iga soo doonay.

Waxaan rabaa inaan hadalka idiin qodabeeyo oo dhawr arrimood wax ka taataabto:

Caafimaadka:

Walaalayaal daarihii dawldu lahayd ee dhakhtarku halkoodii bay ku yaallaan weli oo maanan iibin eek u bushaaraysta. Haddii aydin adeeg caafimaad u baahataan waa inaydin soo iibsataan waxii alaabo loo baahan yahay oo dhan dhakhtararada lacag siisaan sii laydinku daweeyo dhakhtarka. Qolada dhakhtarrada waxaan farayaa inay dadka la saayiraan oo wax ka dhimaan; ayaan ku talin lahaa.

Caddaaladda: Kuwa na leh guddida nabadgelyada ha la baabiiyo waa qaar umaddani iyo dalkani dn ka lahayn. Haddaan baabiino sideen u xidhaynaa dadka nagu mucaarid noqda? Maxkamadaha waa run inaan fara gelinno oo sidaan rabno wax u xukuma nidhaahno waayo duruufta ayaa nagu kalifaysa oo dal yar oo la ictiraafin baan nahay. Dadka leh maxkamda laaluush baa nalagaga qaada way qaldan yihiin waayo shaqaalaha maxkamadaha mushaharku kuma filna. Kuwa leh kiisaska nalooma dhameeyo muddo dheer waxaan leeyahay. Awalba camal maydaan hay nee iska hor taagnaada. Anigu caddaalad sidaa ka wanaagsan garan mayo. Nin tu dhaanta hayaayi doorashada ha iga helo aniga waa lay doortaye.

Waxbarashada: Dhallinyaro badan baa wax inoo baratay bay ahayd waxaan ku talin lahaa shaqo ha loo abuuro dhallin yarada.

Dhaqaalaha: Dalkani dhaqaale laga hadlo oo laysku qabsado ama waxbaa laga musuqmaasuqay la yidhaa ma leh baan qabaa anigu. Waxaanu wax ka daynaaba waa intaa yare e dekedda,iskaraab yar oo naqan,intii adhiga ahayd ee aanu dhawrka qof ku xisaabinnay ee ninba qalinka dhinaciisa ka soo qaatay. Maxaa soo hadhaba? Haddii laga egi waayo waa shirkaddaa Total ee haamaha iyo dhawr balood oo dan guud ah. Intaa hawlaha qaranka ayuumbaan ku fulinaa bay ila tahay.

Lacag bay xukuumaddu soo daabacatay bay yidhaahdeen. Haddaanaan soo daabicin raggan Guurtida maxaan siin lahayn? Su’aal weejaan meesha ku jirta. Maxaan siin lahayn soo mucaaradku nama jiidheen? Maxaan xaaska ku dhoofin lahayn? Maxaan carruraha iskulada debedda kaga bixin lahayn. Lacagtii adkayd inay qaalli noqotay lama socotaan? Jaraa’idka adduunka akhrista ayaan idinkula talin lahaa.

Macdanta iyo Biyaha: Ilahaybaa dadka biyo siin kara ee anagu roob ma keeni karno. Rig baan soo amaanaysannay bay ahayd wixii aan ku qodi karayne wan ku qodnay ahayd. Haa way jirtay inaan beertayda Camuud ku taalla idhi ceel uga qoda laakiin waxaan idin xusuusinayaa inay beertaydu dalka ka mid tahay oo biyo looga baahan yahay. Kuwa sida xun wax u sheegayaa ayaa soo qaada dhawrkii dhallinyarada ahaa een ku dilnay riiggii ay is hortaageen. Anigaa amarka bixiyay bay ahayd waayo dalkan cidbaa loo doortay oo xilkeeda lagu aaminay. cid kale oo waan kula maamuli tidhaahda aqbalimaayo. Doorasho xor ah oo xalaal oo diiwaangelin leh, sida xeerku dhigayo ha ku helo kursiga ninkii u bukaa. Dalkani distoor buu leeyahay.

Dhanka macdanta. Dhawr shriakdood baan wax la saxeexannay bay ahayd wax badani weli nagama soo gaadhin. Baahidaaaba iska badan wax sidaa u sii buuran maahin.

Jidadka: waxaan maqlaa jidad ama waddooyin baa xun. Horta waxaan idiin sheegayaa nin aan laankruusar wadan ayuumbay wadadu ku xuntahay. Gawaadhida iska bedela ayaan anigu ku talin lahaa. Qurba jooggan waxaan leeyahay lacag noo soo dira oo jidadka soo dhisa.

La soco qaybta dambe....
Waa inoo mar kale(maalmo gudahood) haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Rajo iyo Rayaale

DALJIRE


Rajo iyo Rayaale

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Guurtidu Seesar (saucer) bay noo ahayd intaanay doorsoomin badideedu

Doolaal: What you mean?

Dubbe: What you mean adigu? ma markaad afarta midh ee Ingriisiya igu tijaabin jirtaybaa? Ingiriisi xumadaasi waa tii Yusuf Tallabo fiisaha loogu diidaye. Mar dambe ayaan taa Tallaabo kaa sheekayn doonaa iyadoo dhane.

Doolaal: waar iska dhaafoo maxaad u jeeddaa baan ku idhi

Dubbe: Eeg. berigii hore shaaha waxa lagu soo shubi jiray koob Ruugbuur la odhan jiray oo seesar lahaa. Markaa, marka uu inanka maqaaxidu shaaha soo qaadu haddii uu yara ruxmo ,siiba ka shaqada ku cusub ee yara ciirciirayaa ama itaalka daran lehi, wixii ka daataa seesarka ayuu ku daadan jiray. Ta kale marka uu shaahu kugu kululaado seesarka ayaa lagu shubi jiray oo lagu qaboojin jiray oo ama koobka dib loogu celin jiray ama inta fartaa murdisada iyo ta ku xigta sida maqaska dhan loogaga qabto dhanka kalena suulka hoosta laga geliyo ayaa kor loo soo qaadan jiray iyadoo far yaradana kor loo taagayo oo la cabbi jiray shaahii ee yar defey. Guurtida iyo madaxdhaqameedyadu waxay inoo ahaan jireen seesarkaas oo kale oo marka arrimahu kululaadaan ee waxa koobka siyaasadda ku jiraa inagu kululaadaan ayaynu iyaga ku qaboojin jirnay. Iminka badidoodii iyagii baa koobab sufur ah oo wax kulul lagu soo shubayo oo aynu ku gubanayno ah. Markaa side buu arrinkeenu u qaboobiba? Marka Suldaan ama Xaaji Cabdi oo kale dagaalkii sokeeyo Ina Rayaale daraaddii ay is yidhaahdaan dib u soo nooleeya maxaynu ula yaabaynaa Walax-Cireed Jug-soo-dhacay iyo Cawil iyo kuwa aan weligood dad laysku gubo mooyee aan si kale u ceeshin?

Doolaal: Waar waxaa iska daayoo kordhintii Guurtida ma aqbalaysaan mise aqbali maysaan laydiin joojin maayee?

Duube: Waxa kale oo aan la yaabay umaddan aan dulmiga ka hadli karayn ee qofka dulman uun sii dulbuuxinaysaa. Bal wixii dulli iyo daaquud ahaa ee nabada nabaddada guri jiray. Wixii oo suldaan iyo oday nabada odhan jiray mid qudha oo xabaddii Axmed Siilaanyo lagu riday ka hadlay ma jiro. Tii Faysal Cali Waraabe lagu riday ka hadlay majiro. Ninkii Xabadda ku riday Kulmiye ee la xidhay ee markiiba Rayaale sii daayay cid ka hadashay ma jirto. Raga ku xidhan nin bay ku yidhaahdeen xaaskaagaad magan uu ahayd ee aan xabbad ridin cid ka hadashay ma jirto. Sidii shinbirtan hadalka dadka ku soo celisa ayauumbay kelmed keliya maqleen oo soo celiyaan. “nabadda nabadda” waar nabddu waxay ku fadhido barta dabadeed waxaa ilaaliya garan maayaan.


Doolaal:
Oo adigu weligaaba yaab baad ku jirtaye miyaanu kula yaabaynaa. Ma wax aanad la yaabin baa jira?

Dubbe: Wuxuu yidhi orgigii “xilahayagii baa ilaahay xilo baas ka dhigay.” Maxaanu samaynaa dalkayagii iyo dadkayagii baa Alle sidan ka dhigay. Waxaan la yaabay. Bal Maxkamaddan Sare ee ninkii nin feedhaa ka soo ashkatoonayo sidii shookiga ee waraaqda u soo qoraysa eega idinku. Ma waxaan la yaabin baa? Waa tii maxkamadaha ugu dambayn lahayd ee aaaaaaaakhirka laysula iman lahaa ee eegi lahayd in sharcigii la soo maray oo sii haboon loo fuliyay. Tolow kuwan dagaalkii sokeeye ka hadlayaa miyaanay waxaa arag?

Doolaal: Maxaa ka macno ah Kollay maxkamad ayuumbaa loo ashkatoon lahaaye?

Dubbe: Waar adigu awalba caqli maad lahayne warbaan kuu hayaa dee.

Doolaal: Hoos u dhigoo. Ma jagaa? Halkay ku taallaa? Indian Lineka hay odhan. Hay dhowaan halkaa yaan lafahayga lay cawarine. Belo ayaa ka higle halkaase.

Dubbe: Iimaanka lagaa qaad. Oo kuwii horeba waxba kama hayside ma qaar kalaad weli raadinaysaa? Ma awrkii Wasiir Nuux Sheekh cunay baa ku jira Indian Line ka?

Doolaal: Waar kii baanu qof moodnay. Weligaaba war wax laga dheefayo maad hayn. Waar ka bax arrintaa dhulka oo iska wado nacnacdadaada.

Dubbe: Horta intii Kulmiye mudaharaadayay anna bulshada ayaan rikoodh kula wareegayay oo rajada ay Rayaale ka qabaan baan wax ka weydiinayay.

Doolaal: oo dabeedna?

Dubbe: Nag. Waday oo waday oo waday oo cid ninka rajo ka qabta inuun inuu wax soo kordhiyo ayaan waayay. UDUBtana ku dhehoo. Waaba habaar kani.

Doolaal: Oo yaad wax weydiisay eek u dhegeysta adiga.

Dubbe: Waar dhegeyso:

• Guurtida intii u codaysay baan ugu horreeyay. Kuye.”waar waydinkan lixda bilood ugu dhuftay ee waxoogaagii uu idiinku ballan qaaday uun inuu idiin dhamaystiro rajo ma ka qabtaa?’ “Mooshin baanu ka soo saarayna shir jaraa’idna waanu qabanaynaa.” bay yidhaahdeen. “
• UDUBtii baan idhi “waakan oo loo kordhiye ee inuu dhaqdhaqaaqo oo wax idin taro aydin ku hawl gashaan rajo ma qabtaan?” “taa ha ka yaabin.” Bay yidhaahden.
• Qolo dhallin yaro ah baan u tegey. “waar ninkii loo kordhiye inuu shaqo idiin abuuro Rajo ma ka qabtaan?” waabay igu qosleen. “oo adeer miyaad sillantay mise dalkaad ku cusubtay?” bay yidhaahdeen .
• Adhiilayaashii...... markay indhaha iga qaadeen anigoon bujuu weli odhan bay yidhaahdeen “Dubbow rajo kama qabno adhi inta ninkaasi joogo ee ha harraadin.” Waar kuwani waaba quluubal caarifiin baan idhi.
• UDHIS oo rag badan oo aanu saaxiibnahay ku jiraan baan u tegey. “inna inuu Ururrada siyaasadda fasaxo oo aydin NGO nimada ka baxdaan rajo ma qabtaan” baan idhi. “oo idinkuunbaanu idinka soo cadhoonee kan ma war baa nagu seeggan Dubbow?” ayay yidhaahdeen. “Waar rajo ma leh.” Ayay raaciyeen.
• Qolol Mujaahiiddana ayaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu joojiyo taariikhda halganka ee uu aasayo. “maya.” Bay yidhaahdeen.
• Wakiilada ayaan wediiyay inay rajo ka qabaan inuu xisaab xidh keeno. “haba sheegin.” Bay yidhaahdee.
• Ciidamada Qaranka ayaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu derejo u sameeyo. “Baabacadaa...” ayay yidhaahdeen.
• Wakiilada gobollada bari ayaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu lacatii aafada soo celiyo oo gobolada bari wax ugu qabto. “hayaaaaay... waa wareeeey’ bay yidhaahdeen.
• Dadweyne meel ku urursan ayaan daf soo idhi. Waxaan weydiiyay inay rajo ka qabaan inuu: 1.musuqa joojiyo 2. Inuu idaacaddii keeno 3.inuu berbera wershadihii ka dhisayo. 4. Inuu Odweyne waddadii ka samaynayo 5.inuu Ciidagale Gobolkii siinayo. 6.inuu biyo soo saarayo. Inuu laydh dadka u gelinyo. 7 inuu joojinayo dhulka umadda ee uu iibinayo. 8. Reer Boorame Marreexaanaynta ka daynayo waxba yuu tarinba eh. “iska hadlow Ina Igarre.” Bay igu yidhaahdeen
• Wadaaddo isla kaaya soo taagay baan weydiiayay inay rajo ka qabaan inuu dalka shareecadii uu ku ballan qaaday ku xukumayo. “Lacnatu laahi cala Daalimiin.” Bay yidhaahdeen.
• Islaan ooyaysa ayaan joojiayay oo maxkamadda ka timi. Waxaan idhi ee ninkii Ina Rayaale loo kordhi ee inna inuu maxkamadaha hagaajinayo oo aad caddaalad hesho rajo ma ka qabtaa? “caddaabtii Alla Ruubo ee Rayaale haygu soo qaadin.” Bay tidhi.
Waa inoo markan marka xiga haddii Eeebbe idmo.

A.Geeljire