Tuesday, August 25, 2009

Ma Dhowee Ha Dheelmina

(Ma Dhowee Ha Dheelmina)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.




Doolaal: Imisaanu idin lahayn labadaa nin iska sii daaya? Saw iminka haddaba Guddidii dhexdhexaadka ahaydna idinkuma xukumin?

Dubbe: Horta annagu marnaba dhexdhexaad maanaan diidin ee adiga ma kuu caddaatay inaanay Guurtidu marna dhexdhexaad ahayn? Mushaharka waxay ku qaataanna waa inay dhexdhexaad dalka u noqdaan. Bal maxaynu iminka Guurti uga baahannay? Qiso waa ta dambaysee idinku se ma u malaynaysaan inuu Madaxweynihiinu fulinayo waxyaabahan badan ee guddidu u soo jeedisay?

Doolaal: Maxaad u leeday "Madaxweynihiinu"? Miyaanu dadkoo dhan u wada ahayn Madaxweyne?

Dubbe: Waar meel kale hay leexinne ka jawaab su'aasha. Iga walla inaanu UDUB Madaxweyne u wada ahayn adiguna cid kale ayaad sheegaysa. Waar ma fulinayaa mise fulin maayo?

Doolaal: Ma'daba ka reeb dee adeer. Waa ku sidee? simaanu u fulinayn?

Dubbe: Horta mid hadal kama joogo oo Guddida xubnaheedu rag miisaan dalka iyo dadka ku leh weeye. Annaguna mar haddaanu baaqoodii dhexdhexaadinta aqballay, go'aankooduna waa nagu khasab. Laakiin....

Doolaal: Maxaa laakiina dee? halkaasuun ku jooji. Laakiin uunbaad tidhaaye. Maxaad sii sheegi ee kale?

Dubbe: Waar bacbac layne waa bilaa joojiye dhegeyso ninyow. Waxaan ku idhi Guddidu markay ka soo baxaan ayuu carrabka ku soo fiiqayaa. Ta kale Guddidu Ilaahay bay siciid u tahay ee waxaanay aqoon ninka ay la macaamilayaan. weligiiba ballan uu qaaday ma fullin.(Tolow fanaankii Xasan Diiriye ma ka bixiyay kharashkii cusbataalka ee rag guddida ka mid ahii u weydiiyeen?) Waxaanay ogayn inaanay isaga waxba ka go'in. Wax allah waxa ay is lahaayeen markay is hor fadhiyeen wuxuunbaa ka dambayn inuu yidhaahdo "hhii ayuumbaan idhiye hamaan haaba idhi?" Waar waa laguu yiqaan ninkan. Wuxuu odhanayaa bad aanaan u diran bay galeen oo qodobo kale ayay iska dabaasheen. Anagau Miisaaniuyadda iyo labada xubnood uumbaanu u dirannay.

Doolaal: Bal afxumadaada eeg. Yay wax ka go'aan haddaa?

Dubbe: Waar anna waan ogay adna waad ogtay cidday wax ka go'aane maxaad isla yeelyeelaysaa? sawdigii wax ii sheegay. Ma inagii baa indhaha isu soo caddaynay? Sawdigii yidhi meesha waanu iska joognaaye rag gaar ah iyo "cid kale"ayaa ka taliya meesha.

Doolaal: Waar anigu waxaan ogay inay wax waliba ka go''aan Madaxweynaha. Belaayaa wax kugu tidhi. Anigaad i wanjalaysaa. adigu sheeg cidda kale ee aad sheegayso. waxaad sheegtaaba ma jiraane.

Dubbe: Waar bal yaabkan kaalaya? Iminka maxaad la kululaataa markaan waxaad ii sheegto soo qaado? Markaynu mafrishka ka kacno ee arrimaha aynu yar taataabanno inagoo isku keli ah sawnaga wax badan meel isla dhigna ee meel iskaga tiirinna maaha. Labada meelood ee wax ka go'aan meeli waa Madaxweynaha-aan-la-dooran oo waa Cawil. Meesha kalena dee waa halkii.

Dolaal: Halkee dee?

Dubbe: Waar yaa u sheega dee? Dee Halkii? sheegi kari maynee waa la badan yahaye halkii dee. Wallee inaynaan sheegayn. ma nacsaynu nahay? Kuwii xaalka la yaaci jiray miyay tegeen? Horta berigii maxaad igu tidhi awel yaa Ismaciil Yare Wasiirka ka dhigay?

Doolaal: Waar waxba kugumaanaan odhane waxan aad bartiraynayso ee sidii suufi waalan aad is dhexdhigayso anagu garan maynee maxaad u jeedda? Ismaciil Yarena maxaa inoo keenay? Halkaad inoola kacday? Maad iskaga kay badheedhid Ilaahay nin buu kaa dhigay e?


Dubbe:
Halkaa miyaan kaa daayaa? Waayahay, waayahay. Waa hagaag dee ee qanjiidhada iga daa. Ax. Oo diirkiiba iga qaadye siduu leeyahay?
Anigu wax kale kumaan odhane bal ninkani ha fuliyo waxa guddidu go'aamisay iyo waxay soo jeedisayba . Guddidana waxaan idhi horta marka hore duco naga guddooma. Khayr Ilaahay haydinka siiyo dedaalkiina. Marka xiga ha fogaanina, ha tegina weli hawli ma dhowa. Ninkan Madaxweynaha ahi wuxuu ku talo galay inuu talaabo walba ka dhigo wax muddo laysku haysto oo jiitama si waqtiga doorashooyinku ina soo guda galo iyada oo aan diyaar la ahayn. Dhexdhexaadin tan ka wayn baa soo socota ee ha tegina.

Waxa aydin maqli doontaan maalin dhow Faysla Cali Waraabe oo yidhi haddaan diiwaan gelin la samayn doorasho geli mayno. dabadeed Ina Rayaale oo intuu sidiisii Distoorka meel farta ka saaray qodob cuskaday oo Maxkamadda Sare tafsiir ka soo qaatay Guurtiduna bakhtiga u biraysay oo leh:

" Markaan eegay awoodda Distoorku siiyay Madaxweynaha. Anigoo Cuskanaya qodob lam/...... ee Distoorka. Anigoo tix raacaya tafsiirka Maxkamadda Distooriga ah oo Xaq u leh inay xeeraraka fasirto.

Markaan eegay go'aanka xisbiga UCID ee mucaaradka ah(kkkkkkk. Ayaamahan mar Allah markaan maqlo UCID iyo mucaarad lays raaciyay ayuumbuu qosol i qabanayaa)ee ay ku caddeeyeen inaanu xisbigaasi ka qayb gelayn doorashooyinka haddii aan diwaan gelinta cod bixiyeyaashu diyaar ahayn.

Markaan tix geliyay go'aanka ka soo baxay xisbiga UDUB oo isna caddaynaya inaanu xisbigaasi ka qayb geli doonin doorashooyinka soo socda haddaanay jirin oo dhammaystirnayn diiwaan gelintii codbixiyeyaashu.

Markaan arkay inay saddexdii xisbi qaran ee doorashooyinka wada geli lahaa laba ka mid ahi (UCID iyo UDUB) isku raaceen inaanay gelin doorashooyinka illaa la dhammaystiro diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Markaan la tashaday Golaha Wasiirrada (Cawil, Buuni iyo Qasim)

Markaan la tashaday Golaha Guurtida ee JSL oo la wada ogyahay kaalinta ay kaga jiraan talada dalka iyo nabadayntiisa.

Markaan eegay baahida loo qabo dhammaystirka geeddi socota hannaanka dimuquraadiyadeed ee aynu doorannay.

Markaan garwaaqsaday in la raaco sida uu sharcigu inna farayo in ay dalka ka dhacaan doorashooyin xalaala oo xor ahi, waxaan go'aan ku gaadhay:

1. In dib loo dhigo doorashooyinka qaranka ee foodda inagu soo haya inta la dhammaystirayo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

2.Waxaan farayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranaka inay ku dhammaystiraan diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha muddo sanad ah laga bilaabo marka la shaaciyo go'aankan Madaxweyne.

3. Waxaan farayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay cayimaan waqtiga ugu dhaqsaha badan ee ay ku qabsoomi karaan doorashooyinku sida ay u soo kala horreeyaanna loo kala fuliyo.

4. waxaan farayaa hay'adaha xukuumadda iyo ciidamada nabadgelyada iyo dadweynahaba inay taageero ka siiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka wixii ay uga baahdaan fulinta hawshaa diiwaan gelinta."



Doolaal: Tororog. Waxaa anigu tororog baan u aqaan. waar sheeko kale la kaalay.

Dubbe: Iminkaba guddidu way inna maqlaysaa. waar ha fogaanina waxbaa meesha ka salag lehe. Talooyinkan iyo go’aamadanna wada fulin mayo wax ka daranna wuu soo wataa.

Waa inoo todobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment