DALJIRE
(Libaaxee?)
By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal: Waar waxaan ku weydiiyay. Maxaa labadan nin ee Komishanka u hor taagan tihiin ee Golaha u soo hor dhigi waydeen? Miyaydaan doorasho doonayn?
Dubbe: Horta mar mar baad waxoogaa caqliya leeday ninyow. Oo maanta sida dadka ayaad u hadlaysaa. Waar dad laga quusto illayn.
Doolaal: Waar aflagaadaddada iska daayoo aniga haysku kay soo qaadine, adigaan dad iyo duunyo toona ahayne, ka jawaab waxbaan ku weydiiyaye.
Dubbe: Innoo dir biyo iyo sharaab horta waayahaye.
Doolaal: Annagaa kuu diraynee adigu soco. Ka jawaab. Hoo kuwan sii cab.
Dubbe: Horta aniguba hoosta ayaan iska weydiinayay arrintaa. Horta Golahu inay dhafoor taabadka iyo macangagnimada Ina Rayaale ee aanu Distoor iyo xeer kale toona tix gelinayn taa kaga jawaaban waa sax. Oo dee ninkii sidan uu wax u wado si loo dul qaadan karo ma aha. Laakiin midhka meesha ku jiraa ee aan is leeyahay malaa qoladan Goalaha cadhada ayaa ka qarinaysa waxa weeye. Waxay illowsan yihiin inay la macaamilayaan nin aan qofnimadiisa ku kalsoonayn oo wax walba ku eegaya indho cuqdadaysan oo isle waa lagu qabyaaladaynayaa ama lagu yaraysanayaa. Oo aan isu haysan hogaamiye qaran. Nin aan tiisa ku socon ee dad kale oo nooc walba leh tooda ku socda. Waayo waxa lagu leeyahay maramr badan buu yidhaa “waar sidan aan wax u wadaa ma wacna ee dadka aan isu keenno.” Markaasaa haddana la beddelaa.
Markaynu inagu sidaa u eegayno waxaynu aragnaa Madaxweynaheenii aynu doorannnay ee taariikhda galay ee dadkaba u sarreeyay oo ah libaax, oo bulbul iyo gocomo leh oo haddana walaalkeen ah. Isna markuu muraayadda hor tago ee uu keli yahay wuxuumbuu arkayaa curri yar oo weliba dabadii iyo dhegina go’antay waslad aanu lahaynna haysta cadawna ku xeeran yahay. Dee markaa isu keeni mayno.
Nin awrkuu hoggaaminayay la murmaya oo kolba odhanaya “ma aniga ayaad iga xoogweyntay awrow?” sidee laga yeelayaa. Haddaa hoggaankii lagu kaxayn lahaaba isaga ayaa gacantiisa ku haya.
Islaamo agoomo ah oo xaqoodii weydiistay buu odhanayaa “Ina cigaalba may weydiisan jirin.” Missaaniyadii buu odhanayaa “Ina Cigaalba laga goyn jirin.” Waar musuqa daa marka la yidhaa buu odhanaya “idinba waa qaadan jirteen ee anaa i qabyaaladaynaysaan.”
Doolaal: Maxaad u jeeddaa yacni? Ma Madaxweynaha ayaan isku kalsoonayn?
Dubbe: Haa. Isaga ayaan isku kalsoonayn. Intaa aynu inagu dal iyo dadnimo ka hadlayno ee aynu leenahay waar xeerka eeg. Waar dadkan haysku dirin oo reerahan aad sida qaladka ah wax u gelinayso ka daa. Waar taariikhdaada dhawro. Isagu wuxuunbuu ka fakirayaa yaan Isaaq kaa adkaanin. Hadda waa kuwii soo doortay. Golahan iyo waxan wuxuu u arkaa qabyaalad marka aad eegto sida uu u hadlo iyo sida kuwa ka wakiilka ahi u hadlaan ee aanu ku beenin. Waxa isaga laftiisa laga hayaa marar badan “waa lay qabyaaladaynayaa.” Waakan iminka siyaasadda iyo qorshaha ka dhigtay inuu reer Awdal abaabulo. Markii uu Wasiirka ka dhigay Garaadkii Komishanka ahaan jiray shirkii wixii layska yidhi way inna soo gaadhay. Waakan kuwa u hadla soo fara inay yidhaahdaan “Isaaqland baa la samaynayaa suuqa ka dhaha iyo no more Somaliland IWM.” Waakan marna dagaaladii sokeeye inay qodqodaan soo fara Wasiirradiisa. Markaa Golahu malaa taa saani umay dhugan.
Doolaal: Maxay dhugtaan ma wax jira baa? Idinkaa waxaa iska samaysanaya eh.
Dubbe: Waar. “Hadal waa run kama rayste” ayaa l a yidhi. Maanta waxa rag waaweyni suuqa kaga hadlayaan waad aragtaa. Waxaanse Golaha odhan lahaa iyo mucaaradkaba. Waar ninkani wuu badheedhay. Si Alla sidii ay u dhacdo isago maanta dan kama leh oo ficilkiisa iyo odhaahdiisuba waa ka marag. Hore ayuu boqol wax oo aan sharci ahayn oo aan xalaal ahayn oo Guurti leh oo Miisaaniyado leh oo haddii Rabbi xukunkeeda leeyahay Distoor jebin leh ugu kacay oo inna marsiiyay oo aynu nindhi bal aan lafaha uun kala hadhno ee shib ka dhaha. Iminka lafahii buu u soo jeestay. Maanta ummadda reer Somalliland iyo dalkuba badbaado ayay u baahan yihiin. Inay doorasho qabsoonto ayuumbaa u dana. Isaga waataan sheegay oo mijaroor buu ka dhaansaday. Marka meel fog laga soo dhaansanayo weelka lagu soo dhaansadaa ma badna oo wixii awr qaado ama gaaadiidkaad haysataa qaado ayuumbaad dhaansataa. Markase magaalada majaroorka aad ka dhaansanayso xataa koobabka shaaha ayaad u dhigataa markaad wax wal oo godanba, foostada, jalxadda,dusuudda, baaldiyada, madiibadaha iyo tashtiyada dharka lagu maydho buuxsato. Markaa ninakani majaroor buu ka dhaansaday. Xabashiyina ha qabsato ayuu marayaa. Xabashi qudheeda ayuu hoosta wax aynaan ogeyn kala wadaa.
Anigu waxaan odhan lahaa. Waar ku dhiman meynee; labadan nin ee faalku u qabtay waxba u tari maayaan oo shanti kale ee uu yidhi waa Isaaq oo aamini maayoba way joogaane yuu dadka inna kala dilin doorashaduna yay dib u dhicine u sii daaya. Mid hore oo labadan la xeeraba waydin sii deyseen ee kuwanna inaga sii daaya.
Waar miyaa illowdeen in Saleebaan iyo Xaaji Cabdi iyo raggii aad garanayseen ee Golaha Guuritdu halkii u fadhiyaan oo khilaafkanna ay dhankiisa yihiin oo berri odhanayaan ha loo kordhiyo. Ninkii Oomanaa ayaa isnaa meel ku ogtihiin oo aan weli harraad goyn. Saw wixii intaa ku xigaa wax xil leh iyo meel aynaan ka soo qaban karin iyo halkuu la doonayo ma aha? Ina Rayaale oo maanta inagu yar qosla oo isna libaax isu yar qaataa waxba inna yeeli mayso oo hore ayuu inoogu qoslay marar badan oo markaynu doorannay ayuu inagu qoslay oo yidhi “waar bal nacasyadan waalan eega.”manaynaan ku dhiman. Iminka ayuu weli inagu qoslaa markuu arko dadkii ka soohorjeeday oo ka dhamaan waayay gorgortan kursi iyo aanu idinku sooo biirno ee maxaa noo oggshiin? Iyo anagaa hore u sii joognay oo anaba iskuma gaadhno iyo haddaan anaga wax lana siin waxba socon maaayaan iWM. Laakiin waxa wax inna yeelayaa waa doorashada oo carqalad inaga gasha iyo isagoo ummadda madax isu geliya. Beenta uu beelaha hareeraha u sheegayo lugta qabta oo labadaa nin u sii daaya. Danta ka raaca. Ma meesha Cali Barre Ina Rayaale la saftay baa wax ka sugaysaan? Eesh calaa USP.
“Geed ay ku xoqoto ha weydo.” Ayay odhaahi tidhaahdaa.
Doolaal: Waar anagu doorasho dib u dhigi mayno ee horta baga ayaad la hadashay golahan wax walba cunaha iskaga duubaya.
Dubbe: Waar Golaha Ilaahay waxbuu tusay oo nimaan mansabka uu hayo garanayn baa Ilaahay gorodda u geliyaye. Waxa la tusay nin intuu isagu wax walba isku duubo haddana golaha eedeeya. Ma hurdada uu toddodobaadkii shan cisho oo ka mid ah hurdo ayay iska hor taageen? Ma inuu waddoyin dhiso ayay k ahortaagan yihiin? Ma inuu caafimaadka wax ka qabto ayay ka hor taagan yihiin? Ma in magaalooyinka qashinka laga guro ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Agoomaha wax taro ayay ka hor taagan yihin? Ma inuu Mujaahidiinta naafada ah wax taro ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Ictiraaf raadiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu musuqmaasuqa wax ka qabto oo Hantidhawraha Guud hawl gelliyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu xisaabiyaha Guud ku amro inuu xisaab xidh keeno ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Maayarada UDUB ee dhulka Danta Guud ah iibinaya maalin walba ka joojiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma Bangi Ganacsi inuu sameeyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu lacagta Giimbaarka Burco ka bedelo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Rayaalka Boorame ka beddelo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu maxkamadahan caddaalad darrada ku dhaqma wax ka qabto ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Guddida Naabadgelyada ee xaaraanta ah baabiiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu cayda iska daayo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu Berbera oo aan lacagta dekeddeeda ka soo baxda loogu iman inuu laydh u sameeyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu ganacsigan meel walba istaagay wax ka qabto ayay ka hor taagan yihiin? Ma inuu idaacadda miisaaniyad walba ku jirtay keeno ayay ka hor taagan yihiin? Ma baddan uu xaalufiyay inuu ka daayo ayay ka hor taagan yihiin? Ma dhulkan uu cadawga u daayay ayay xorayntiisa ka hor taagan yihiin? Ma kumanaankan Caaglaha ee lagu lacag qaato ayay ka hor taagan yihiin? Ma lacagta Wakaaladda Biyaha ee siyaadda lagu maamulo ayay ka hor taagan yihiin? Ma lacagta Wakaaladda Korntada ee iyana Madaxtooyada lagu shubo ayay ka hor taagan yihiin? Ma xisaabta Hargeysa Club ayay ka hor taagan yihiin? Ma Lacagta Airportka laga qaado ee doolarka ah ee labada sicir leh ayay ka hor taagan yihiin? Ma lacagtan Maayarada UDUB Hargeysa, Berbera iyo Gabiley ka keenaan bay ka hor taagan yihiin? Ma Warbaahinta xikuumadda ee sida gaarka ah uu u adeegsado ayay ka hor taagan yihiin? Ma iskaraabka uu dhoofiyo ayay ka hor taagan yihiin? Ma hay’daha markay guuraan uu qalabkooda iyo gaadiidkooda ku tagri falo ayay ka hor taagan yihiin? Bal wax Alla waxay ka hor taagan yihiin noo sheeg. Golaha, Golaha ayuumbaad iska odhanaysaa.
Waxaasaa dadka ku mashuulisaan. Markaa iminka isaga ka caalweydeen waxaad tidhaadaan “isaga waanu aragnaaye cid dhaanta ma hayno.” Iyo “ Haaye idinkana niman adag baa idinku jira.” Waar waa lays dhaamaa kan cid waliba dalka iyo dadka way u dhaantaa.
Doolaal: Waar salaadda innoo kiciya ninkan hadal kama dhammaado eh.
Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire
Tuesday, August 25, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment