Saturday, August 29, 2009

Dalaggooda

DALJIRE


Dalaggooda

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: waaryaadhaheen. Waar bal nimanyow markaa daawanaysaan bahalkan la yidhaa talafishanka(tv) carruurta iska fogeeya oo waxaa kor u odhanaysaan u fiirsada.

Doolaal: Oo waayo? Maxaad ku keentay?

Dubbe: waxaan ku keenay. Kan Cabdillaahi Cirro ee Wasiirka Arrimaha beentu, waxaan u jeedaa arrimaha gudahu cirro iyo wax ma leeyahay? Tv ga iyo wax ma ka muuqdaa uun? Had iyo jeer been iyo wax ma ka sheegayaa? Kulmiye iyo wax ma hafrayaa? Ilaahay yaab iyo wax ma noo keenaa? Shaw anoon is ogeyn ayaan idhi been weynaa. Saaka ayuumbaan mid yar oon dhalay masaajidka geeyey. Oday koofiyaddii iska qaaday oo cirro badan ayuumbuu farta iigu fiiqay. Ku ye. “ Aaboy. Been weyn, been weyn.” show wuxuu moodayaa in cirrada been la yidhaa.

Doolaal: waar aflagaadada madaxda waanu idinku naqaane wax kale ma haysaa?

Dubbe: Oo maxaad ka yar ka sheegaysaa anagaaba iminka markaanu aragno gof guudka iyo gafuurkuba cadyahay is nidhaa tolow ma c/lahi Cirro oo kalaaye. Waar iska aamu ninyow. Qolayadan reer Hargeysa beenta sidaa u mutuxan maanaan sheegi jirin ee qayaxan. Waxaanu naaqaanay ta xaddaarada la socota ee afka reer magaalka lagu yidhaa al kidib al abyad. Eeg. waxaanu odhan jirnay. Lacagtii ma hayo oo baankii baa xidhnaa iyo. Carabkii aan xoolaha u diray baa inankiisii curad dhintay oo maqan iyo markabkii baa degey iyo waxaan la soo taaban Karin oo wax lagu kala basrinayo. Tv iina ma jirin ee hal qof uunbaad u sheegaysay. Ka ku yidhaa xaaji beenta naga daana mid gideyr ah oo agtaada taagan ayuumbaa budh la fuuli jiray. “waar ma xaajiguu beenaale ku dheegayaa?” Waa maxay wasiiradan iyo madaxweynayaashan bahashii xalaashaday?

Doolaal: Horta laba arrimood baynu labadeena qoloba leenahay. Anaga markaa na yar qabataan baanu nidhaahnaa “nabadaa nabadda” idinkuna markaanu idin qabanno ayaa tidhaahdaan “beenta beenta” ee ma is deynaa?

Dubbe: Horta waxbaa ka yar jira taase. Wasiiradii iyo madaxdii kale ee hadashay isku wada mid may ahayn. Cali Asad waxba muu dhimin in kasta oon garan waayay wuxuu ugu qaatay inuu Ismaaciil yare isaga la hadlayay. Axmed Xashina sax iyo qalad tuu doono ha ahaa dood buu soo jeediyay oo wuxuu yidhi Kulmiye ayaa doorashada dib u dhigay. Taana hadal baa ka furan. Laakiin ninka Cirro cid u warranta garan mayo. Weligiina wax caddayna ma keenin eedna ma joojin. Waar ina Waran Cadde iyo Abiib Tima cadde iyo Garaad Cismaan timaha madoobaysta yaa yidhaa belaa dhacday eh.

Doolaal: idinkuba intaa been baa naga sheegaysaane maxaa taayada tilmaamay? Yaa idinka been badan?

Dubbe: Waar heedhaha Somaliland tu waa riwaayad. Bal ma waxa aragteen C/lahi cirro oo ina la hadlaya oo leh mujaahidiintii dalka xoraysay lexejeclo uma hayaan ee anigaa uga lexejeclo badan. Oo haddana leh taariikhdaa is qoraysa. Tolow taariikhda ma UDUB baa qalin u soo iibisay iminka? Mise UDUB baa iskuul ku dartay taarikhda oo iminkuun bay baratay sida wax loo qoro taariikhdu? Waxaanu aragnay Ina Ducaale oo yidhi. “waxa lay sheegayaa inuu jiro xisbi waxoogaa dacari hayso.” Dee waa runtiiyo illayn inalama jog oo haraggiisa ayuumbaa inoo muuqdee wixii loo sheego iyo wuxuu ku daro ayuumbuu yidhaahdaa. Waxaynu maqallay Ina Rayaale iyo Cawil oo midba meel ka yidhi. “ma cid baa samada laga keenayaa xukuumaddii dadku doortay ayuumbaa joogaysee.” Horta nimankaynu u dudaynaa waa nimanka sidaa u kibirsan ee u haysta inaan dalka cid kale oo xukunta laga helayn samada oo cid laga keeno mooyaane taasina aanay suura gal ahayn. Waxa kale oo aynu maqallay khasnaddii Booliska ee xarunta taallay oo la xaday intay xafiisyada Kulmiye ku warwareegayeen. Waxaynu maqallay Serverkii oo aynu kala garan weynay inuu tusbaxii dheeraa ee Jamac Sweden tiriyay iyo inuu codbixiyeyaal tiriyay. Waxaynu maqallay in xisbiyada loogu yeedhay in hawshiisa la bilaabo sidii heshiisku ahaa oo hadana la yidhi waanu dhamaynay ee iska daaya. Waxaa waxaaba ka darnaa Cawil oo leh xoolaha dadweynaha waan ka ducaystaa oo aniga iyo Madaxweynuhu midkaayana afkaa ma saaro. Haddaba miyaynu qosollaa mise waynu oaynaa?Waar yaa ilaahay yaqaan? Waar dalkii mee? Waar dakii maye?

Doolaal: Yaa kugu yidhi Booliskaa laga xaday khasnad?

Dubbe: Waar waxaa iska daayoo ninkaa maantoo dhan lahaa gabaygii Ina Rayaale qaybtiisii kale noo sheeg baan u sheegayaa noo kaado. Haa inaadeer. Gabayga sidaan hore kuugu sheegay aniga nin Cabdi Kariim Baanday la yidhaa ayaa ii sheega. Waxaan is idhi mallaa isagaa tiriyay ee Ina Rayaalena ma tiring. Wuxuu yidhi buu yidhi:

“Dalaggooda weeyaan wasiirradu eegga dabadeede
Digtoonow, dib ujeeso iyo waa kala dareeraaye
Dadkaa yidhiye waa inay ducada qaataane
Dirkii ba’ Cawil baase diiday amarkiiye
Inakstuu da’dii Quufla iyo kuwii Dura ka sii joogo
Ood daaxuur gaboobiyo abees duudka sare mooddo
Misna inuu Dubur haw ka xulu oo dego ka dheeraaye
Doorkanse waxaan ka biqi inay la duushaaye
Dab uu oogo iyo sharbaa loogu daw galaye
Ma daneeyo diin iyo salaad deeq Allana mooge
Daacadnimo waa tuu ka tegey naaska dabadiiye
Dig wuxuu ka siiyo dhac buu derajo moodaaye
Daaman jiirle waa nimaan xumo ka daalayne
Dacwad kiisa xoolahaa dadkee laygu daba joogo
Keligay dadweynaha ma dhicin daarna maan gadane
Deynkaan u qoollahay badhbuu geystey debedaaye
Uu weliba buug daabacii iiga digayaaye
Mar haddaanu duul asqo ah iyo doqonba waayeynin
Danaakilo kolay ku tahay deriskan baasheenna
Degdeg wuxuu u heli qaaruu duufsado eh
Giddigoodba dawladaha qarniga waw dantood jire eh
Diiwaankuu ugu wada jiraa una daloolaaye
Hadba wuxuu la sii duulayaa war u dahsoonaaye
Sirri daari baan ahay xogtii inay durreeyaane
Waa iga dardaarane tolow yaa u diga maanta

Doolli galay bakhaar ninkii daaska cunay buuxa
Derejada ninkii ku helay duminta reerkooda
Waagii dillaacaba ninkii duqayda caayaayay
Dakanada waatuu u galay ani daraaday eh
Sidii dirays la qubay ama cal la soo daadshay
Derbi jiifku haddaanu rabin duugga uu yahay
Dulli qabe Ina Ducaalena ha tago doxorre weeyaane
Dibad iyo halkuu ka yimi dib ha ugu sii laabto
Dabka dheriga haw soo shido hana dul taagnaado
Duubi hiliba digaag iyo bariis dumarka haw saaro
Daangada saloolkiyo laxoox duban ha soo siiyo
Digsiyada ha maydhoo dabeed daaradda ha fiiqo
Markuu cadho dareema bacdii debedda haw qaato
Darka ceelka dooxii ha tago dawlis ha u tuurto
Aakhiro danteede ha durduurto maaxdoo dawo ha soo laaco
Derbiyada ha raacee maruun aniga hay daayo

Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebe yidhaado.
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment