Friday, August 14, 2009

Waa kii sagaalaad socodkani Rayaalow

DALJIRE
(Waa kii sagaalaad socodkani Rayaalow)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar siduu leeyahay? waar halkaad ku waddaa dhagxaanta?

Dubbe: Waar mooji ee ka carar yay suulasha ku jarine. Anagay hore noo jareene.

Doolaal: Oo maxay ahaayeen dee?

Dubbe: Dee waa kuwii Ina Rayaale meel walba dhigay ee markuu meel ka soo noqdaba na lahaa wershed baan ka dhisayaa.

Doolaal: Waar naga du’ bahalaha wax kalaabaanu moodnaye. Waar waa sidee ninku adeerrayaal?

Dubbe: Oo ma beentay baa? Horta Ina Rayaale isagoo Djibouti ka soo noqday oo aynaan wax badanba is dheerayn ayuu dhagax meel inno dhigay oo yidhi laydh baan sidaa inta kale waan qarinayaa oo cadaw badan baynu leenahay. Markaa waxaan is idhi waar ninkiiyo adduunyadaba dalkii u weynaa ee Maraykan tegey iga wallaan dhagxaantuu keeno meel qaadaba loo helayne horta kuwii hore ee aydin beentooda isla ogaateen ka soo ururi. Qoodhaa iyo xeradaa miyaan qaldanaa? Ninkaygaas baad mucaarid qallafsan ku sheegtaa.

Doolaal: Waar debedda nooga saar waxa. Weligiinba Madaxweynaha waa xaasiddaan oo ictiraafka ayaydaan oggolayn. Khuuradiinaanu la soconna.

Dubbe: Waar doorkan ninki dallacye iska daa.

Doolaal: Oo maxaad maqashay?

Dubbe: Kii Qurbaawi ee hurdada saqda dhexe taleefanka igaga toosin jiray ma garanaysaa?

Doolaal: May. Keebuu ahaa?

Dubbe: Dee kaannu boqolka goor kaaga sheekaynay. Ma waxbaad xusuusanaysaa dhuxuluhaa ku gubtay oo qalbigu wuu ku madaw yahay sidaad xaaraan u dal dalanaysay eh.

Doolaal: Waar garanna mayno eh muxuu yidhi?

Dubbe: Wuxuu ku leeyahay ninkii dhawr dumar ah oo madax sare ah ayaa qaabilay?

Doolaal: Oo waayo? Maxaa raggii helay?

Dubbe: Waar cunsuri yahow dhegeyso. Way joogaane illayn waa dumar madax ahe. Horta ninkii hudheel weyn oo ka Madaxweynayaasha adduunka ee la ictiraafsan yahay lagu soo dejiyo ayaa lagu soo dejiayay. Gaalona way ilaalisaa. Meelihii dalxiiska oo dhanna wuu isku soo sawiray laakiin markii dambe ayuu ogaaday in meesha cid waliba isku sawirto oo aanay madaxweynayaasha gaar u ahayn.


Doolaal:
Allaylehe waa war fiican. Waar intaasi way inoo ekeyde iska daa. Hayee. Waar maanta war wanaagsanaa.

Dubbe: Adigu taa waynu ogaan oo meel uunbay ka soo bixiye. Waxa ugu qosol badnaa duqsigii yaraa ee shandadihii weftiga mid sii raacay.

Doolaal: Waar muxuu ku hadlayaa? “Bahal ceedhin ma daayo ninna caaddii ma baajo.” Ayaa la yidhi. Ma kak miistay halkaagii. Ma Qurbaawigaad sheegaysay baa kugu yidhi.

Dubbe: Maya. Nin kale oo aanan magaciisa sheegay. Wuxuu yidhi. “duqsi ba ku sii dhuuntay shandad kuwii weftiga ka mid.. Hudheelkii markii la degay ee la furay ayuu ka soo duulay. Meeshii buu kolba dhan u duulay. Duqsi waddani ah oo meel ku dhuumanayaa ayaa arkay. Wuu u yeedhay isagoo hoos u hadlaya. Bissst bissst. Wuu u tegey.

Kuye: waar kaagan xoogga weyn le ee duul duulayaa xaggaad ka timi?
Kuye: Oo miyaydaan idinku duulin.
Kuye: waar meeshan waa lays buufiyaa dadka isma tusno eh. Miyaanad baqanayn adigu?
Kuye: Oo buufisku waa maxay? Ma argagixisaa?
Kuye: Dee sun baa nalagu buufiyaa haddii nala arkoba.
Kuye: Oo yaa idin buufiya?
Kuye: Dee Dawladda hoose. Idinku ma lihidin dawlad hoose?
Kuye: Waar anagu waxaa ma naqaan. Dawladda hoosena casaynta dhulkaba kama badisu. oo ninyow itaal darnidaa miyaydaan wax cunin. Sawtii la lahaa meeshu waa nimco?
Kuye:Waar waa nala cuna qabateeyay oo xabbad bariis ahi dhulka uma dhacdo. Idinku bal warrama.
Kuye: waar illayn duqsi gaal ah baa u daran. Nacasaysanaa. Waar anangu dadkaanu wax la cunna. Miisaska ayaanu kula cunaa. Anagaaba k badsanna cuntada.
Kuye: waar inaaderow. Oo cidi idinma danqaabto. Malaa buus laydinma yidhaa? Oo goormaad noqonaysaa aan ku sii raacee?
Kuye:Waar miyuu waalan yahay.ma ninkaygan soo tahriibay ee badaha ka soo gudbay ayaad leeday ma noqonaysaa? Waa halka layska dhiibu kaalay na gee ninyo oo kudaafadaha na soo tus oo xero dhiigta na gee oo xerada hilibka na gee. Waa ku sidee? Waar yaa gaal martiyi jiray?
Kuye: suuuuusss. Waar aamus qaar baa soo socdee. Berrito ayaynu halkaa ka wadiye. Ka gabbo.

Mahad gaara waxa leh saaxiibkay Cabdi Adan Qays.

Dolaal: ninyow wuxuu sheeko dhab ah ayaabay u egtay. Ma runbaa?

Dubbe: Mayee mid dhab ah aan kuu sheegee ninkan maansadiisa dhegayso

“Asalkaba sidiinaba
Weli UDUB ma noqoteen
Odaygii hagaayiyo
Abbaan duulihiinii
Ma Allaystay subaxoo
Maw hoyday Aakhiro
Amba qaadka geediga
Aw Rayaale maw hadhay
Ma ku aaminteen talo
Distoorkuu ilaashiyo
Bulsho loo adeegiyo
Ilahaa dhaqaalaha
In la koriyo idilkood
Musuqana la aasoo
Lagu tuuro uub dheer
Arrin meel ma dhigateen
Dhaartii Ilaahay
Axdigii ma mariseen
Ma ku daadiseen ubax
Doorashada ma oroddeen
Ma abaabusheen guluf
Ololihii ma qaaddeen
Gobollada ma aaddeen
Ayidaad ma doonteen
Ummaddii ma barideen
Dawlad urursan oo wacan
Ballan maw asdayseen
Ajiibkii ma yimiyoo
Qorshihii ma iib galay
Asaraar ha jiro oo
Aadba yaanay noqonine
Ma ahaatay guushii
Markuu helay awooddii
Aroortiiba mays rogay
Maysku ooday daartii
Irridaa ma soo xidhay
Ma inkiray dadkiisii
Ma ammimay hoggaankii
Amankaag ma qaaddeen
Dar iimaanka beeliyo
Uurkii la dheel iyo
Inkaar qabe ma soo helay
Ma egmaday orgomayaal
Arligii ma feenteen
Sida ayax ma diirteen
Agoomaa ma boobeen
Isna Alamsay weeyee
Okholaha gun dheer iyo
Ma samaystay aagaan
Aafadii ma baydhsaday
Aqalada ma jeexdoo
Akoonada (accounts) ma buuxsaday

Aga! Kii yidhaahdana
Xadhig maw adeegsaday
Oomane ma loo diray
Alambaqa ma geeyeen.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment