Friday, August 14, 2009

Badheedhaheeda ma sheegtay?

DALJIRE
( Badheedhaheeda ma sheegtay?)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Oo miyaan “burkaba bahal ka filayay” buu yidhi ninkii jiray. Djibouti dii aynu dadkaba isu xignay baa xidhiidhka idiin jari miyaan is lahaaba.

Dubbe: Waar marka hore ayaa waxiinoo dhammi khayaali ku dhisan yihiin. Sidaa isu lahaydeen cid baanu xidhiidh la samaysanay buugga haaydiin gasho ayaa kii maalin idin salaamaba tidhaahdeen xidhiidh baanu la leenay. Imisa goor baa wax shubteen oo tidhaahdeen baasaboorkeena ayay aqbalayaan,kanay inoo samaynayaa, keer bay ... mar walbana waxaa tidhaahdaan mooyee wax ka geddisan bayku kacayeen. Meeshaaa Djibouti la yidhaa dadkeeda ayaa inala socda oo dad fiican ah oo Laandtana jecel ee dawladdeeda ka quusta oo talo ugu noqda waxii laga yeelayo.

Doolaal: waar mayee arrintu way fiicnayde wax baa is bedelay ee waxaa ha la doono.

Dubbe: Iga wallaan caanteyn is beddelin ee sidaasay mar walba ahayd. Dee hadda arrintu miyaay ka hoosaysaa Somaliland iyo Djibouti oo waa arrin labada qabiil ee labada Madaxweyne ka dhexeeya. Waxbaa beryahan dambe laga sheegayay dhankaa iyo Awdal eh. Waxaanse ka baqayaa tani waa salleelle inay Ethiopia oo dabaabadaheeda wadataa ina soo gasho. Madaxweynuhu berigii uu Cadde muuse hubka siiyay ayuu yidhi waxaanu isku ogeyn inuu Dhulbahante dhankeenna u soo diidiyo. Markuu soo didin waayay ee sii didiyay ayaa yaabteen. Iminkaa yaaban tihiin maxaa markaa inaga xiga inaydin markay Ethiopia timaaddana yaabtaan uun illayn talo kale ma haysaane.


Doolaal: Anagu ma dawlad la khiyaameeyo ayaanu u horraynay iyagaa wacadkii ka soo bixi waayay eh?

Dubbe: eeg. Mushkiladdiinu waa taa. Waar arrinku waa marka hore maxaa kuugu jira adiga ee aad taaban kartaa ee aad maamuli kartaa? Ma ahaa inaad heshiis ku gaadho waxaanad damaanad qaadi karin oo aan gacantaadaba ku jirin. Iminka arrintan dagaalkan ka socda Somalia maxaa idiinka meel yaal? Waxaan Wasiirka Arrimaha Debeddu sheegay wa micno leh may ahayne? Waa maxay labada dhinacba dhulballaadhsiga ha joojiyaan.

Doolaal: Dee horta Ilaahay haynaga qaboojiyo. Ta kale maxaynu ka qaban karaynaa inagu? Dee teenna uun aan ilaashanno. Ma wax kalaa jira?

Dubbe: Waa hadal wanaagsane waxaad ka warrantaa. Labada qoloba waynu garanaynaa waa isku dun. Miyaanay kuu muuqan haddii ay Maxkamaduhu adkaadaan inay inna soo gelayaan iyagoo weliba ah “Abkay doolli dile dad nool maa ku daaha?” haddii C/ahi Yusuf adkaadana miyaanu daf inna soo odhanayn isagoo leh “ haddee walaalow mar haddii dalkii la xoreeyay oo haddee waxii xunka ahaa iyo beladii laga safeeyay oo daad jiiray, waxakanna in badan bay soomaliyi usoo halgamaysay oo qaranimadeedii iyo midnimadee booraanta lagu xooray inay soo ceshato rabtay haddeerna lama dhihi karo dalku ha qaybsanaado. Markaa walaalahayaga gobolada Woqooyi Galbeed waxaanu leenayhay haddee wax fiican baa samayseen, goboladaasna nabad baa ka jidha dalkuna hal xukuumadeed buu leeyahay oo waa tan ku meel gaarka ah. markaa talada wax ku yeesha waa idiin oggolnayay aannu xukuumadduna waa idiin imanahaysaa waxaa laydinka sugahayaa sidii aydin u soo dhoweyn lahaydeen.” Bal ogow oo waa cabdullaaahi oo Xabasho wata.

Doolaal: Waar innaga taa innola iman maayo oo waynu is naqaanaa wax kale keen ninyow.

Dubbe: Oo maxaynnu isku naqaannaa? Mar bay wax inna dhex mareen oo markiina dal buu inaga qabsaday oo illaa iminka inaga haystaa. Sow markaana odhan maysaan uun xabashi baa la socota waana walaalaheen jaarka lama doorto ee Ilaahaybaa kuu doora ee inaga daaya hayska yimaadaane. Waxaan xusuustay ninkii Soomaliyeed ee jilaaga ahaa ee la odhan jiray Aw Koobe ayaa riwaayad nin tuug ahi ka qaaday dharkii oo dhan nigiskii mooyee. Markaasaa markuu gurigii yimi xaaskiisi tidhi “waar maxaa dhacay?” wuxuu yidhi “anoo jidka soo socdo ayaa ku oo tuuq ah i qabsaday no “saacadda keen buu dhahay” waa u dhiibay “shaatiga keen buu dhahay” waa u dhiibay “kabaha keen buu dhahay” waa u dhiibay “surwaalka keen buu dhahay” waa u dhiibay. Ilaahay waxaan ka baryaayay inuu matantaha(nigiska) i warsado. Taan ku sameeyo caanihii oo hooyadiis ka jaqay ayuu soo celin lahaa no” markaa iminka waxba kama duwanidin Aw Koombe.waxaa odhanaysaan “ Sanaag keen buu dhahay waa u dhiibay, sool keen buu dhaxay waa u dhiibay, Togdheer keen buu dhahay waa u dhiibay..... ilaahayow muu Lawyacaddo i warsado.... djibouti baan geli lahaaye.

Doolaal: Waar dalkan dhiig horena waa loo qubay iminkana waa loo diyaar daaficiisa.

Dubbe: Oo dadka dhiiggiswu ma ciyaar baa? Ma in la badbaadiyo baa mise waxa iska odhanaysaan uun dhiig baa loo hurayaa dalka? Waar talo ayaa laydihnka fadhiyaa.

Wuxuu yidhi Cabdi Gahayr “Hawiyaa Afmeer kugu xukumi haabka maan geline. Waar hubso talada kayntan yarbaa hadal ka joogaaye.”
Inaga kii guulaystaaba waa inoo soo daba shabeelin doonaa. Bal ha la eego.

(toddobaadka dambe haddii Eebe idmo)
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment