Saturday, August 29, 2009

Ragna Xabaal bay u galeen Ragna waa loo xidhi gaadhay

(Ragna Xabaal bay u galeen Ragna waa loo xidhi gaadhay)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe: Waar bal is dhegeysa haddaba iminkaydin samadaa ka wada qayline. Nabaddan aydin ku xiiqdeen inay xukuumaddu masuulayaddeeda kowaad leedahay dadkoo dhammina masuul ka wada yahay miyaynu isku diiddannay?

Doolaal: Maya iskuma diidanin.

Dubbe: Haddaba waxa meesha yaallaa waxa weeye. Sidee bay xukuumaddu nabadda u dhawraysaa? Xukuumadda sida ay maamulka dalkaba masuul uga wada tahay waxaynu u dirannnay inay inoo adeegto oo inna hoggaamiso oo sharciga inoogu adeegto. Nabadda waa inay ka ilaalisaa cidda ay ku caddahay ama lagu tuhmo inay wax yeelayaan gudo iyo debedba. Nabad ilaalinta xukuumaddu maaha inta ay iyadu sharciga jebiso ama muwaadiniinta xaqooda ka qaaddo inay ciidan ku soo kiciso oo ay tidhaa. “Ciddii waxaanu sammaynay ee qaladka ah diiddaa nabadda ayay wax yeelaysaa xoog baanu wax kaga qabanayna.” Taa waxa la yidhaahdaa AMAR-KU-TAAGLAYN. Waana waxa umadahu isku dilaan ee ugu horreeya wax nabadda baabiiya.

Doolaal: Xukuumadda iyo golayaasha haddaan la dhegeysan oo kala dambayni jirin sidee nabadda loo sugaya?

Dubbe: Waxa loo sugaya wixii laysku og yahay ee sharci ah uun xukuumaddu dadka haywgu adeegto. Xukuumadda ina Rayaale ma Nacallaa-Dhallay baa?

Doolaal: Waa ayo Nacallaa-Dhallay?

Dubbe: Wuxuu ahaa nin reer Hargeysa ahaan jiray oo intuu suuqa dadka ku budheeyo markay suuxaan haddana dadka ku soo buuqa ku odhan jiray. “u banneeya laydha. Nacallaa idin dhallay.” Hadduu laydh u bannaynayo muxuu u dilayay marka hore qof aan waxba u geysan oo meesha iska marayay? Waar arrintu nabadda maaha ee waa qaska Ina Rayaale wado. Waa kibirka iyo xishood darrada uu umaddii sharaftay ee Sheekh Ibraahim Sheekh Madar(AHN) ka hor marisay ee haddana dooratay ee haddana 80 cod ugaga hadhay kursiga uu maanta kolba iska kordhisanayo oo uu kolba ciidan yar oo reerkiisa ah, sida la sheegayo, Hargeysa keenayo oo inoogu hanjabayo. Annagu waxaanu ognahay inaanay ummadda Somaliland gobol kasta ha ka soo jeedeene aanay kelidii-taliye amar-ku-taaglayn wada yeelayn.

Doolaal: Weligiinba bakhbakh leeya. Xukuumaddu nabadda ayay sugaysaa xaqbaanay u leedahay oo waa la doortay.

Dubbe: Waar kan sida bahaayimka ciyaya waxba ha dhegaysanina eh. Aan wax idiin sheego. Waar ninkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa ma dhegeysateen?

Doolaal: Waar waxba maanaan dhegeysanne ha na caayin.

Dubbe: Horta anigu waan dhegeystay illaa iyo iminkadaa aan idinla hadlayana weli waxaan is weydiinayaa wiii uu yidhi. Anigu mid qudha ayuumbaan ka fahmay. Waxaan ka fahmay markuu yidhi. “ aniga iyo gabadh baa nala xidhi gaadhay ee miyay dadku taa ogaayeen. Taariikhdaa na kala sheegi.” Waxaan is weydiiyay Tolow ninku taariikhda ma Guurtideena ayuu moodayaa? Miyaanu ogayn inaanay eexda aqoon oo aanay nixin oo aanay laaluush qaadan sida Guurtida oo aanay habran sida Guurtida oo aanay Ina Rayaale u shaqayn sida Guurtida oo aanay UDUB ahayn sida Guurtida? Waxa kale oo aan is weydiiyay bal isaga iyo ragga uu leeyahay taariikhdaa na kala sheegi sida falalkoodu u gudboonaan karaan.Waxaan idhi “ninba ceesaantii ceel keen.”

Waxaan soo qaatay dhawr mujaahidiinta ka mid ah oo da’diisii ah oo ciidamada ahaa anigoon iyaga u kala mudnaysiinayn sidaan u kala horraysiiyay waxaan idhi:
Markii Muj. Adan Shiine naftiisa waayay isaga Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. Adan Saleebaan dhegta dhiigga loo daray Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. Lixle haadda loo wadhay Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. Hurre Kaaraha la mariyay Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh

Markii C/Qaadir Koosaar naftiisa huray isaga Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. Axmed Macallin Haaruun la sadqeeyay maxaa Cirro gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. Axmed Dhagax uu naftiisa huray Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. MaxamedCali uu shahiiday Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Muj. Haragwaafi huray naftiisa Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii ay kumanaan geesi oo aanan halkan ku soo kobi karini naftoodii ummadda hadyad uga dhigeen ee aakhiro ugu hoydeen Cirro maxaa gaadhay? Kuwii xidhi gaadhay ayuu cajalad sir ah ka soo duubayay?

Markii kumanaanka laysku xidhay ee xabaalaha xasuuqa lagu guraayay Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabdh.

Markuu Mujaahid Adan Ruush lahaa “Adan Waaye” Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay uisaga iyo gabdh.

Markuu Muj. Caydiid Caga-jar kaaraha beerka u dhigaayay Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabdh.

Markii ay Muj. Axmed Mire,Maxamed Kaahin, Ibraahin Dhegaweyne, Muse Biixi, Carab Ducaale,Xasan Yoonis Habane,Cabdiraxman Aw Cali,Carab Ducaale, C/lahi Askar, Jamac Cali Cilmi, Maxamed Koodbuur,Yusuf Tallaabo,C/lahi Dareewal, Abiibtimacad , Yusuf Weyne iyo, raalli ha iga noqdeen Ilaahayna raalli ha ka noqdee kumanaankii kale marky u soo dhaawacmayeen una soo baab’ayeen halkanka Cirro maxaa gaadhay? Waa la xidhi gaadhay isaga iyo gabadh.

Markii Mujaahidiintu Cadawga Hargeysa ku biraynayeen Cirro muxuu qabanaayay? Wuu baadhaayay.

Markuu Muj Boobe qoraaye ee Hadraawi ku qayshay Cirro muxuu qabanaaye? Qol buu qaar ku jafaayay.

Bal wuxuu inoola shir yimi ee uu leeyahay buug baan ka qorayaa eeg. “aniga iyo heblaayo ayaa nala xidhi gaadhay.”

Doolaal: Maxaad Guurtidadana u sheegatay ee aad kuu geeyay?

Dubbe: Horta aan kaa qosliyo. Nin baan u warramay oo idhi Guurtidii Shirguddoonkeedii baa hadlay oo yidhi. “anagu danta dalkaanu eegaynay. Doorashada ayaanu is lahayn bari ha gaadho. Abaaro ayaa jira. Markaa sidaas ayaanu u kordhinnay iyadoon cidi na weydiin oo annagaa garannay. Iminkana waxaanu xukuumadda faraynaa doorashada ha la qabto. Komishanku dhex ha noqdo oo xeerka ha raaco xisbayadu gobolada iyo degmooyinka ha ku furtaan xafiisyo. Dadkuna haddii ay na caayaan waanu u dulqaadan doonaa odayaal baanu nahay” Wuxuu yidhi ma taqaan?

Doolaal: Muxuu yidhi?

Dubbe: Horta wuu rumaysanwaayay. Saacad buu kolba yidhaahdaa. “waar ma runtaabaa mise waad igu ciyaaraysaa?” markii dambe intuu cabbaar aamusay ayuu yidhi. “waxay ka dhigan yihiin nin intuu gabadh uu adeer u yahay oo uu masuul ka ahaa kufsaday, fanak-cuudu Billaah, markii la weydiiyayna yidhi. “waxaan lahaa wiilal ha dhasho oo dadku ha tarmo oo gabadhu ha curato oo qayrkeed iyo dumarkaa wax dhalaya dhinac ha ka raacdo oo iminkana dharkana hayska bedesho uunsina ha shidato indhakuulna ha marsato oo wixii kale ee hawla iyo siday ilmaha u korin lahayd ha ku dhaqaaqdo. Dadka wixii si qalada u qaata ee i caayana waan u dul qaadan doonaa” kumuu tashaninay inantu is dili doonto, inay waklaaladii isaga dili iyo in reerkuba baabi’i.

Doolaal: Waar inanku afxumaayee maxaa shaydaan ka keenay?

Dubbe: Muu afxumayne sheekadu waxay ahayd Guurtidu sharcigii umadda iyo heshiiskii ummadda ee odyga uga noqon lahaayeen Ina Rayaale u laabay sidii awrtii qaalmaha loo laabi jiray.

Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire

No comments:

Post a Comment