Tuesday, August 25, 2009

Rafiiq, Wallaahi Anaa maa fii raqaba..Anaa fii Yed

DALJIRE

(“Rafiiq, Wallaahi Anaa maa fii raqaba..Anaa fii Yed”)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar waxani caddaalad xumu ka badane tan Maxkamada xaggaynu ka qabanaa? Miyaanaan waayaynba kolba mid ooman oo daf ina soo yidhaa? Waar yaa Ilaahay yaqaan?

Doolaal: Maxaad isla waalaysaa? Iminkaad madaxda aflagaadayne. Maxkamaddu saw sharciga tafsiil kama bixiso.

Dubbe: Waxaan ku weydiiyay. Dunida kale Qareenada iyo Garyaqaanada iyo dadka noocaasi way iska ladan yihiine kuweenani halkay ku soo oomeen? Oon idin laa. Oomane buu yidhi. Qoodh iyo xaro wuxuu u haystaa hadduu Ina Rayaale ka soo hor jeesto in risiiqii go’ay. Waxa la yidhi nin Hawiye ah oo Muruusade ah ayaa nin reer Somaliland ah gabadh- waa intii aan lays baran- waydiistay. Markaasu haybsaday. Wuxuu u sheegay inuu Muruursade yahay. Ninkii reer Somaliland walaakii oo beri Xamar ka shaqayn jiray buu weydiiyay Muruursade. Wuxuu ku yidhi “Abgaalka ayaa markay caydhoobaan Muruursade noqda.” Intuu ninkii inanta ka doonayay ku soo noqday buu ku yidhi “Adeer waad wanaagsantay oo si fiicanbaad yeeshay mar haddaad arrinka na soo gaadhsiisaye, laakiin adeer markaad Abgaalkaagii ku noqoto ee Maruursanimada ka baxdo haynoo ahaato.” Iminka anigu weligay ma arag nin Bari ka yimi oo Oomane la yidhaaye; bal inta uu oonku ka baxayo ee uu Mujaahidnidaiisii ku noqonayo aan iska sugno dee bal in Ilaahay caddaaladda tuso.

Doolaal: Waar Maxkamddu si caddaalada bay u xukuntay kiiskii markay labadii dhinacba dhegeysatay. Weliba doorkan labada dhinacba way dhegeysatay oo kiis dhan bay qaaday. Marka hore aydin dadka jujuubayseen oo aydaan sharci ku socon

Dubbe: Caddaalad buu yidhi. Wallaahi Sucuudiga ka caddaalad xun. Ma nimankan wixii la weydiiyay mooyee wax kale kugu xukumaya ama ku daraya mar walba ayaad leeday caddaalad bay yaqaanaan? Wallaahi waxaan xusuustay nin Pakistani ah oo Sucuudigu ku soo masabiday tuugo oo ku xukumay in gacanta laga jaro. Ninkii oo qolkii jeelka ka ooyaya oo leh “wallaahi rafiiq anaa maafi xaraami.” ayaa lagu soo xidhay isla qolkii afar kale oo Pakistan ah oo maandooriye lagu soo qabtay oo dil qoortoo laga jaro ah lagu xukmay. Subaxii dambe ayaa askari albaabka furay. Afartii dilka ahaa saddex ka mid ah iyo kii tuugada loo haystay buu waraaq ka yeedhiyay. Soo baxa buu yidhi waa laydin qisaasayaa. Kii in gacanta laga jaro lagu xukumay ayaa qayliyay “rafiiq, anaa wallaahi ma fii raqaba. Anaa fii yad. Anta maa fii khoof rabbak” Gacantii uu diidanaa ayuu oggolaaday oo yidhi wallahi aniga gacanta in layga jaro ayaa laygu xukumay ee in qoorta layga gooyo layguma xukumin. Askarigu warqaddan ayuumbuu akhriyayaa “soo bax buu yidhi. Kii dilka ahaa ee afraad baa jooga oo leh “waar dee aniga weeye ninka dilka ahi ee ninkan miskiinka iska daa” “uskut yaa kelb” intuu yidhi oo dhirbaaxay ayuu kii kale kexeeyay. Iminka waynu ladanay haddaanu Oomane xukumin in Golahu sharci darro ku fadhiyo oo la kala dareeriyo.

Doolaal: Waar muxuu ku hadlayaa?oo meeshu Sucuudigu caddaalad xumaa. Waar adaa waxaa malaa samaystay?

Dubbe: Wallee waxan aad maxkamada ku sheegeysaan ee dadkii nafta ugu keenteen iyo dalkii waa kuwaas sucuudiga oo kale. Haddaanay ka liidan. Iyaga Sucuudiga mar mar baabad nin Ilaaahay ka yaabaya arkaysaa. Idinkuna wax walba intaa tidhaahdaan “maxkamadda ayaanu geyneynaa” Illayn waa naasweynba dihine ayaydaan caddaaladna qaadayn. Haddaba Golahu “tunka ha ka leefo ilmada ka tiixaysa” waa kuwii gacmaha badan u taagay ninkan Ooman iyagoon iska hubsanne. Waar bal horta ninka su’aalo weydiiya ayaanu ugu taag weynay. Iminkaba Guddoomiyaha dambe ee la keeno inaga hubsada inaanu Oomanayn, waa inuu noqdaa mid buraashaddiisa sita.

Doolaal: Waar illayn oomanaantiisa adigu wax ma siiside “gari laba nin kama wada qosliso” baa la yidhi ee gartaada qaado oo oggolow qaraarka.

Dubbe: Dee horta wax kale oo ii banaaniba ma jiraan laakiin Ilaahay hortii dalkii cawaaqib xumo ayaa dhaxalsiiseen. Oo hanjabaadii uu Cawil TVga la soo fuulayna maxay ahayd? Ma Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa laga dhigay?

Doolaal: Hanjabaaddee?

Dubbe: Dee markuu qoladan Qaran u hanjabayay ee uu lahaa “waxaan idiinku ballan qaadayaa inaanu sharciga hor keeno.”

Doolaal: Horta qofkii sharciga jebiya waa la horkeenayaa dee. Taa maxaad ku diidantay?

Dubbe: mar markaan cadho la dhiman gaadhaa waa markaan kibirkiina arkaa. Waar ninka muwaadin ah ee waxa uu u arko inuu xaq u leeyahay sheegtaa ama raadsadaa ma dembi buu galay. Waa maxay hanjabaadu. Xeerkan aad ku ordayso ee “anaa maafii raqaba” u baadh dee marka hore inuu waxan muwaadinku rabu xaq u lee yahay iyo in kale. Maxaa wareerkaba keenay? Maxaa keenay ha hadlina? Miyaanad ogeyn in muwaadiniintu is abaabulaan oo wax aan xeerkaba hore ugu jirin xukuumadda ka dalbadaan? Waar iska daaya jahligan guulwadaysan.

Doolaal: Maxaad ka waddaa?

Dubbe: Waxaan ka wadaa. Muwaadiniinta tidhaahda urur siyaasadeed baanu furanaynaa xeerka uun u baadh. Ma oggol yahay? Haa. Sii ruqsad. Ma oggol yahay? Maya. U sheeg inaanu xeerku oggolayn qodobka diidayna u sheeg oo maxkamaddu ha xukunto. Golayaasha qaran ha xukumaan. Ha laga doodo. Danta umadda ayaa ku jirta in muwaadinku wax raadsado lana qanciyo. Laakiin hanjabaad caantayni inna dhiqi mayso.

Doolaal: Waar waan kacayaa Madaxweyne Ku-Xigeenkii baa Ingriiska u dhoofaya oo aan sii dhaweynayaa haysii yaallo qaadku. Way ii tirsan yihiin qoryahu. Dheg ha la bixin iminkaba.

Dubbe: Waar qaad haddaan xadayo wax ka fiican baan xadi lahaaye oo xisbigiinaan soo geli lahaaye. Wadaadkii ma siyaaradii Sheekhaa la fogaatay oo uu carro Ingriis ka soo gurayaa? Mise Ingriis Carre ayuu maqlay oo inaynu wax isu nahay buu moodayaa? Mise colkuu colka gaadhsiinayaa oo dhulkii Ina Rayaale soo maraybuu isna soo marayaa? Ta kale doorkan ii soo duceeyaba muu odhan wadaadkuye. Malaa Ingriiskaa Dhahar ka dhow. Tolow intaa uu maqan yahay yaa yidhaa Aar Guruxeed ka sii gaadhsii oo siyaarada gur… Aar day..nacallaba.. waar ka gaadhsii…

Doolaal: Wefti ballaadhan oo Wasiirro iyo cid walba leh ayuu hor kacayaa qadiyadeena ayuu adduunka gaadhswiinayaa? Maxaa ku jaban taa?

Dubbe: Qadiyadda miyaan Cadillaahi Maxamed Ducaale iyo Cawil ku filnayn? Ma wax kalaa la soo qabtaa saw maha in la yidhaa “ marti qaadbaanu hellay, khadiifad cas baa naloo dhigay, cashaa naloo sameeyay madaxdiina shir baanu la yeelanay oo qadiyadeenaanu u sheegnay. Weftina way soo diri doonaan. Inta kalena waanu qarin oo cadawga maqlaya”


Waa inoo toddobaadka dambe, haddii Eebbe idmo

No comments:

Post a Comment