DALJIRE
(Hay Jeedin.. kuma Habsaamo Wasiire)
By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Waar maanta kululaa. tus baa jira. Allahayow mid khayr qaba. Aamiin.
Doolaal: Waar kulayl layne xaggaa nooga baydh. Orod dee biyo qabaw isku soo rog haddaad gubanayso.
Dubbe: Waar ma lays maqlayaa? Hooy! waar bal Nebiga ku salliya. Allaahuma salli wasaallim wa baarig caleyh.
Doolaal: Allaahuma salli wa sallim wa baarik caleyh. waar muxuu ujeedaa maanta?
Dubbe:Waar bal horta ninkii dhintay ee cabdi Idriss faataxada u mara. faataxa.
Doolaal: Waaryee illayn mar marbuu sida dadka yahay. oo waxaan islahaa waxii dhankayaga soo mara ilaa xabaasha kaga hadhi maayee afhayeenkana hadalkiisaba daaye. Waar ninawna rag ha ka quusan. 'aar yaadhaheen.weger!
Dubbe: Horta adiga laba hal baan ku idhi; waa mide waxa la yidhi. "Doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu colloobay bay mooddaa." oo dee macnaheedu yahay aan is haynnee haddana dad is ah oo wax ka dhexeeyaan oo dee iska naxaya baynu nahay. Waa ta labaade adeer isaga oo noolba maanu haysan. waayo nin buu farriinta ka soo qaadi jiray oo hadalka noo soo marin jiray kiina waakan weli soo raamsanaya. Anagu isaguumbaanu haysannaa. markaa mar walba anaigoo isaga helaya anigu Wasiir iyo Afhayeen iyo kuma habsaamo. nin xijaabtayna Ilaahay ha u naxariisto isaga iyo waxii Muslimiina ee ka horreeyay mooyaane wax kaleba kama banaana.
Midka keliya ee meesha ku jiraa waxa weeye; Waar nin walowba Aakhiradaada u tudho oo weliba qoladiinnan xukunka haysaa, Ina rayaale Aakhiro idiin raaci maayo eh Aakhridiina u tudha.
Doolaal: Waar malaa ninkuba kii ma aha. waar waa la doorsaday malaa. Bal waayahay e haddaa aan kuwa noolba u soo noqo oo Ismaaciil Yarahan yidhi "ciddii wax iga tirsatay markaan xilka hayay ha i saamaxdo." ma saamaxaysaan?
Dubbe: Ismaaciil aah?
Doolaal: Haa.
Dubbe: Oo maxaan Ismaciil idhaahdaa? Aaan wax kuu sheego. Horta anagu dadka qof ahaan uma nacno iyo qabiil ahaan toona, Umana jeclaanno ee ruux waliba xilka ummadda sida uu ka yeelo ayuumbaannu wax kaga sheegnaa sida waajibku yahay dee. Badawyow. Anagana markayaga waa nalaga sheegi doonaa.
Doolaal: Markaa maxaa hadlakiisii ka tidhaahdeen dee illayn wuu hadlay ninkuye waana nin weyne?
Dubbe: Horta waa marka hore ee hadduu ninkaasi yidhiba qofkii ama ciddii wax iga tirsanaysaay i saamaxa waxaan u arkaa geesinimo. Inay ka maqlaana waan jecelay oo Ilaahay isa saamaxa ayuu inagu yidhi taas ayaa idiin khayr roon eh.
Waa ta labaade waxaan u arkaa inay yar raagtay oo macnahii sidii "ciyi waa ka beryey" iyo wax dee, ay tahay.
waa ta saddexaade wax gaara oo uu tilmaamay maad ii sheegin oo taasina wax ka soo qaadkeeda ayay leedahay.
waa ta afraad ee ugu muhiimsane waxay iila egtay Maraykankii markay meel digaandigaha ka dhigaan ee rusheeyaan marka dad badani ku dhinto odhan jiray. "Daarta u dhow baanu ku wadnay bamka oo aanu hub ama qof la raadinayay ku tuhunsanayn eh haddii 500 oo shicib ahi dhimatay ha layska raalli ahaado waa collateral damage eh. macnahii waxaan niyadda ka soo qo'in oo kale dee. haa. Dee kiisaskuna ciiddaa way ka badnaayeen. Waxaase la yidhi. "Quraan kufuu'un axad baa isku fuuqsatay." maxaynu Ismaciil iminka weydiinaa kii uu u adeegayay ee dhoosha ka qoslayay markuu cid jiidhaba ayaa weli halkii soo taagan eh. kii oo weliba dhiidhii ku darsaday oo halkii ka sii wada qaar kuwii hore ka xune. Kuna darso oo Ismaaciil xaafadaha ayaabaanu xaal ka soo ururin jirin.
Doolaal: idinka miyaanay xukuumadda Madaxweynaheeda, Wasiirkeeda iyo agaasimaheedu isku mid idiin ahayn? Sawdigan aniga oo aan waxba ka ahayn xukuumadda oo taageere qudha ah nafta ii keenay.
Dubbe: War illayn adigaa na soo doontay oo na soo ag fadhiistaye kuu maanaan yeedhanne. Waxa la yidhi. "Biyo socde socde oo meel godan bay isugu tagaan." iyo " Madax meel la taabto oo ka sarraysaa ma jirto." markaa dee dadku isaga ayuu doortay ee wuxuu soo urursanayo maxaa naga galay. Bal muu geela sayladda jooga xilal u dhiibo. Huryo (AHN) mar la xidhay oo odayaal damaanad inay ka qaadaan ugu yimaaddeen shookiga wuxuu yidhi. “Waar ninka igu marani, waa ninka dheer ee madaw ee shaarubaha miiqay.” Iminka ninka dalka ku marini waa ninkaa.
Doolaal: waar annagaa ku aragnay adigoo qaar wasiirro ahna haysta eh, Ilaahay ka yaab cidna ma dhaaftide.
Dubbe: Dee adigu haddii laga tegi waayo mar mar ay i soo hor maraan qaar, weliba kuwa nagnaglayasha ah Layma tuso.
Waxaan arkay maalintii dhoweyd ee uu Madaxweynuhu Ghana tegey.....
Dolaal: Waar u kaadi. waar safarka Madaxweynaha ee uu ictiraafka ku raadinayo wax ha ka sheegin. waar miyaydaan bir-ma-geydo horta lahayn?
Dubbe: Waa runtaa aniguba waxyaabaha qaar inaan ka hadlo ma jecli, runtiina meel walba mucaaradnimo lagama dayo oo dee waxbaa ladhaafaa. Taa waan kula oggolay weliba ictiraafka. Laakiin...
Doolaal: 'aar laakiintaadaasi waxbay dabada ku wadataa naga jooji. bes. Adeerow laakiintaada iska hayso.
Dubbe: Wax badan ma ahee iska dul qaado oo. Waar ma niman ku xukumaya oo aan irbaddaa caaradeeda u dul qaadan karayn baa la arkay? Waar waxaa lay sheygay baan ku idhi, warqad bahalkan la yidhaa Internedka lagu arkay oo la yidhi waa khudbad uu Ina Dhoollayare u jeeday madaxdii weftigu la kulmay. waxay ka bilaabmaysay "Madaxweynayaal, Madaxweyne ku-xigayaal, Wasiirro.......IWM" haddana halkuu ka akhriyay waa meel NGO ahayd oo aan xataa Agaasime Guud joogin. Maxweynaad sheegaysaaye xataa qof dheere ma joogin oo aan Ina Rayaale ahayni. Markaasaan xusuustay sheeko aan beri hore maqlay.
Doolaal: Inaadeerow sheeko lahayne iska aamu haddaba. miyaanu meesha kaaga kacnaa?
Dubbe: Waar fadhiyoo dhegeyso. Kii basaaska ahaana waa kii mar hore kacaye maxaad ka baqaysaa? Waxaa la yidhi qolo reer magaala oo degaankoodu magaalada u yar badnaa ayaa gabdh u doonatay qolo kale oo reer miyi ah oo ay kala guursadaan. Markaa had iyo jeer wax aanay garanayn iyo magaalo camalkeed bay uga warrami jireen. Mid qoladii reer magaalka ahayd la socda oo isagu dhowaan-soo-gal ah ayaa wargeys ama jariidad sii qaatay. qoladii uu la socday ayaa mid ka mid ahi arkay isagoo joornaalkii fooror u haysta oo inuu akhriyayo iska dhigaya si loogu qaato nin tegey. Intuu ka dhuftay buu af Carabi ku yidhi. "Laa takdib calaa ahlak." Xataa anagii baad been noo sheegaysa ku garanaynay.Haa dee macnaha mid macaa iyagii wax badawsanay ka dheereeyay buu ahaa.
markaa iminka masaakiintayadan mafaariishta fadhida ayaa looga dhigayay in madaxweynayaal lala hadlayo. iyaga se lama socon nin ku yidhaa laa takdib calaa ahlak.
Doolaa: Bal eeg. Maxaan sheegayay? Sheeko rakhiisa ma tahay qoodhiin iyo xeradiin? Bal qaran dhan Madaxweynihii baad socdaalkiisii waxba la’aan ka dhigaysaa. Sideenu haddaba dalka wax ugu qabanaa waataase? Mucaaradnimadu ma in xukuumadda suldaaro uun lala daba joogaaba.
Dubbe: Hee? Kii hore waa kii mar hore kacaye ma mid aanan garanayn baa inala fadhiya? Waar iska daa haddaan gartaye. Kuwaa idinka ah ee halkaa soo fadhiya baad ka shakiday.
Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire
Tuesday, August 25, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment