Wednesday, July 15, 2009

Talabiib - DALJIRE

DALJIRE - Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar heedhee gabadhan aan joornaalada ku arkay ee tidhi nin baa meel madaw igaga soo booday oo i qan qaniinay maxay ahayd? Gabadhu jidkaa madaxtooyada miayay soo hor martay? Inaanu ninkii hablaha yaryar ku soo boodi jiray ahayn ma la hubaa?

Doolaal:Waar waa Siinaay bay tidhi.

Dubbe:Oo miyaanu lugayn Karin? Waar inaga daayoo waxa la yidhi “qof waxa soo socda aan garani waxa jooga joga ma garto.” Horta waan garanayaay markuu ina Rayaale sidiisii iska fadhiistay ee uu waxba ka qaban waayay arrintaa ka taagan dhulka Ceel Bardaale inay ka sii darayso. Waar tolow laba beelood ku kala guntada oo waa waxyaheeniiye arrinkooda degdeg wax ha looga qabto wallaahi inaanu ina Rayaale xal soo wadine.

Doolaal:maxaad u odhanaysaa sawkan ciidamadii loo diray?
Dubbe:goorma dee? Waar haddaynu dadka isku eegno saw jabi mayno?
Doolaal:waar tan waa la dhammaynayaaye adigu Guddomiyihinii ka warran?
Dubbe:horta Guddoomiyuhu waa fiican yahay laakiin waxaan kala garan waayay qoladii xukuumaddee soo booqatay ma ka tolniimay ahayd mise ka xukuumad? Muxuu Ina Rayaale u soo booqan waayay? Dee illayn wax is weydiini ma xumee.

Doolaal:’aar iminkaad wax walba wax ka soo saariye saw ku-xigeenkiisii soomuu diran. Illayn meesha brotokool (protocol) baa jira oo Madaxweynuhu meel walba iska tegi maayee.
Dubbe:keebaan tegeyn? Ma ka xafladaha dumarka ee aan wax dhex ka gaajaaba joogin ka qayb gala ayaad leeday meel walba iskama taqago. Ta kale Axmed Siilaanyo ma “meel kasta” baa isagii baa madaxweyne ahe. Waqtigan la joogo saddexda musharraxba waa madaxweynayaal oo waa isku borotokool ee la soco.Doolaal:maaha maaha. Weli madaxweyne may noqon ee haysku qaldin arrimaha.

Dubbe:Ina Rayaale wuxuu garan waayay intii uu Caaqil Mooge 60 sanno ka hor gartay markuu Cabdi Gahayr oo xanuusanaya soo booqday.

Doolaal:Oo muxuu gartay?

Dubbe:Cabdi Gahayr, gabyaagii weynaa ee reer Somaliland oo xanuusay ayuu Mooge oo ay col ahaayeen laakiin caaqilkiisii ah loo sheegay bukaanka Cabdi Gahayr, oo la yidhi ninkii waa liitaa dergeddiisii buu jiifaa keligii. Mooge ayaa wuxuu sameeyo garan waayay oo is yidhi waar ninkaa haddaad dergeddaa cidlada ah ugu tagto waakii inu ku dilo ku dhaartay eh billeynoo ku dilaa. Haddaad ka jogtana waa ceeb ninkii weynaa ee aad caaqilka u ahayd inaanad soo booqan. Markii dambe ayuu intuu dergeddii ugu tegey ma geline bakooraddii uu sitay daaqadda ka riday oo yidhi. “Allah kuuma naxariisto maxaa laga shidayaa?” oo dabadeed iskaga tegey. Eeg taas oo kale Ingriisku wuxuu yidhaahdaa “job half done” intaana wuu garan waayay.

Doolaal:Halkuu hadalku kaa dhaafayaa sawkan ku-xigeenkii dhamma u diray maaha?
Dubbe:Waar xataa kii hablaha yar yar cunaha qaban jiray ee afhayeenkiisa ahaa ee Siciid Caddani muu odhan wax yar inaga dheh oo odayga khayr u rajee runba yay ka ahaane?
Doolaal:Meeshaa waxba kuma jiraane sheeko kale keen. Maxaad adigu ka tidhi arrintaa.
Dubbe:’aar miyaynu is calool ogeyn? Anigu horta markii aan maqlay ayaan naxdintii gabay tiriyay. Magacaygii baan bedelay oo waxaan la baxay Dubbe Jaamac Haabiil. Waxbaan sii daayay. Waxaan idhi:

Abidkoodba tafaaful iyo war xumo taamud may noqone
Toobbadduu ku seegaa qofkii toocsha dhiillada e
Tegi maayo Siilaanyo weli tu Allah mooyaane
u toog haya tartan baa jiree inuu taajka helo guusha

Waa tiir aan naga liicahayn taanu Laand nidhiye
Waxa jihad lagu tabcaa ma laha tuurtuure
Rayaalaa tasturkiyo sharciga tiirshay waa hore e
Wuu ka tegey Tuur iyo Cigaal tay u mariyeen
Tacabkii ba’ waa ina Siyaad tab iyo xeeshiiye
Isba tunkaa lagu soo dhegoo donna lagu tuurye
Kanna todobaadyaa u hadhay waanu tegayaaye
Ha tangiigu sida tuug la xidhay taandhadaw qorane

Tafantoofee nimankii badaa teysa geyn jiray
Tawstuna Berberay ku hadhi tan iyo xaataaye
Turunturradii Giimbaarka ayay Togdheer weli tiicdaaye
Tahli weyday Boorame inay tuurto Birihiiye
Tuuladuu is taagaba ninkaa dhagaxa soo toonsha
Talaatiin mashruuch ninkaa tiraba been sheegay
Taladii ilaahay ka qaad tuuggii reer UDUB e
Dhulka waa la soo taari jiray ee lama tafriiqayne
Isna taqdiimadduumbuu gurtaa oo dollar tiriyaaye
Talyaanigu kuwuu nagu ogaa taako may hadhine
Tododobuu gadaa maalin qudha tuu rahmaa darane
Siduu aabihii tabcaday wuu ka taajiraye
Talabiib maa kaasaan ka iman tanina waa yaabe
Tallaabada awrka hore taabac kii xigaye
Iminkay wasiirrada taggani tiisii falayaane
Tagfi dulina iyo sidii takarta weeyaane
Tuumbay ku nuggeen dalkii oo tafaafule eh
tudhaaliyo laguma oga talo wanaaggeede
Taaggii daleedaba hadday toban ku yaacdaaye
Tub la maro iyo iskuulada tuna ma dhafaane
Ninba tamartii iyo waa wuxuu taagtii soo helo eh
Waataa tantoomada ilkaa la iska tuuraaye
Talabiib ma kaasaan ka iman tanina waa yaabe

Waa innoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire