Friday, August 14, 2009

Sunne Khaalif Weliba Shiico ah Dheh?

DALJIRE
(Sunne Khaalif Weliba Shiico ah Dheh?)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Dubbe: Waar aan is dhegeysano nimanyow. Waar meeshu buuq badanaa maanta. Adeerayaalow hoos u hadla dee oo is dhegeysata. Oo sigaarkana inaga kala yareeya. Oo haddaa maqashaan Madaxweynihii baa xaal la siiyay baakidhkaba ma mar baa wada shidaysaan?

Doolaal: Waar halkaa haynagu taaban. Sssuuuus. Waar bal u kaadi kumay maqleyne.

Dubbe: Waar maxay idinla tahay hadduu mafrishkeenuna maanta xaal u diro Madaxweynaha bal inuu bogsado?
Buuq iyo sawaxan.


Dubbe:
Waar u kaadiya. Waan iska hadlayaa. Waar bal fadhiiso. Wallaahi inaanad baxayn. Waar dee waan iska kaftamay. Waar ma anigaa nin waxaasi ka suuroobi karaan ah. Dee reer magaalba waydaan ahayn. Waar nebiga ku saliya oo naga kala fadhiista. Oo xaalkiiba wareer buu noqdaye.

Doolaal: sawnigii ku lahaa halkaa ha inagu taaban. Anigiibaa ka gabbadaye.

Dubbe: Oo bad baan galaye. Adigu saw ma taqaanid sida jirjirroolaha in kolba halkaad ku taagantay isu ekeysiisid. Shaw raggu waaba wada muraara dillaacsan yahay. Saw anigaba way iga sii daran nimanku. Jaw! Waar bal kaalaya! Oo waan kaftamayee.

Doolaal: Waxaa iska daayoo ma soo gudbiseen magacyadii Komishanka ee Madaxweynuhu idinka codsaday. Oo weliba ma ku soo salayseen sunnihii hore u jiray?

Dubbe: Waar heedhee run ma doonaysaa? Wallaahi anigu garan maayo waxa uu u jeedo beryahan. Bal inaga oo aan mashaakilkii hore ee uu abuuray ee Guurti lahaa ee Golayaal lahaa ee miisaaniyad lahaa aan midna ka heshiin ayuu haddana tan soo qoray. Wallaahi waa yaab. “hasho maankayga gadday e ma masaar bay liqday?” Ayuu yidhi ninkii jiray.

Doolaal: Oo maxaa ku jaban waa arrin sharci ahe. Ta kale sunne hore ayaa jiray oo loo raacayaa arrinta. Dhib ma leh.

Dubbe: Waar sunne sunne da uumbaad haysaaye maxaa sunne ah? sunnana ma taqaanaan ee tuugyey. Sunnahu ma khiyaamada yar ee xunbaa? Haddaad sunne raacaysaan
Sunnaha Somaliland waa isa saamah. Muu raacdeen
Sunnaha Somaliland waa wada tashi. Ma jirto.
Sunnaha Somaliland waa wada shaqayn. Ma laydinku hayaa?
Sunnaha somalilamd waa isku duubnaan . Miyaa ka shaqeeyaan?
Sunnaha Somlaliland waa niyad wanaag. Ma muujiseen weli?
Sunaha somaliland waa risiqa oo aan layska xaasidin. Shaqadii Amina Weris iyo markabkii ina Xarbi xusuuso.
Sunnaha Somaliland waa xorriyadda hadalka: halkuu ku dambeeyeen suxufiyiintii Haatuf; jeel.
Sunnaha Somaliland waa in aan lagu dhaqmin xukunka Deg-Degga ah ee Siyaad Barre ka haday ee Baarlamaankeennu xaaraantinimeeyay. Inta qof ku xidhan waa ogtihiin.
Sunnaha Somaliland waa cusbataalada oo aan dabaado lagu weerarin oon shicib lagu layn.
Sunnaha somaliland waa agoontii iyo naafadii SNM oo wax la taro; maxaa u qabateen
Sunnaha Somaliland waa waxyaabo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin oo wanaagga iyo aayaha dalka iyo ummaddaba ku slaysan. Intuu ka fuliyay Ina Rayaale



Sunnaha Somaliland ma aha khiyaamo siyaasadeed oo rakhiis ah oo kolba jeebka lagala soo baxo.

Sunnaha somaliland ma aha musuqmaasuq joogta ah.
Sunnaha Somaliland ma aha ummadda oo layska horkeeno: xusuuso shirkii ay Cawil iyo Siciid Sulub ku qabteen Ambasador hotel ee beelaha isku diryay. Markii laga hor tegey midba kale ayuu yidhi isagaa qabtay ee anigu waan fadhiyay uun. Xusuuso dhacdadii labada nin booloisku ku dilay ee uu wasiirkii Daakhiligu yidhi beel baa dishey oo maydka la aasi maayo. Arrintaa Mujaahid Muse Bixi ayaa dadka ku kala badbaadiyay oo meydkii gaadhigiisa ku qaaday oo xabaasha geeyey. Rayaale wuu isku eegyayay umadda markaa.

Sunnaha Somaliland ma aha inuu wasiir qof xidho oo uu yidhaa “qudh iyo qabiil toona uga baqi maayo oo anigaa xidhay” oo Madaxweynuhuna ku jeclaysto.
Sunnaha Somaliland ma aha in wasiir aflagaadeeyo hablo dalka u dhashay Madaxweynuhuna yidhaa hablahaa ku horreeyey cayda. Sidii ku dhacday Raaqiya Oomaar. Isna marka musuqmaasuq lagu tilmaamo shaqaalahiisa ku amro in shir qabiilo la qabto oo xaal la soo siiyo.

Sunna soomaliland ma aha in marka saaafaddu wax qorto uu yidhaa qay i qabyaaladaynayaan. Sidii uu dhawr jeer soo qoray afhayeenkiisu.
Sunnaha Somaliland ma aha Golayaasha oo madaxa laysu geliyo.
Sunnaha somaliland ma aha turxaan beer joogta ah.
Sunnaha Somaliland ma aha Sacab loo tumo xabashi Soomali laynaysa.
Waar sunne ma taqaannaan ee shiico ayaa tihiin. Shiico fowqal shiico. Weliba shiico kibirtay baa tihiin.

Bal Guurti aanaan iyadiiba ictiraafsanayn ayaad leeday wax ha soo magacawdo.

Wallaahi in badan baannu idiin yeellay ama isiinku dulqaadanay xeer burburisaan ee tii idiinku dambeysay waatan. “geelow weligaaba daaq oo markaa dciin daaqdo ayaa laguu yabaa.”

Iminka waxaan ku odhanayaa qoladan xisbiyada ah. waxa la gaadhay waqtigii aydin xaqiinna difaaci lahaydeen ee dalka difaaci lahaydeen. Arrintan iyo ta suxufiyiintaba waa in muruq siyaadeed isticmaashaan oo mar uun ka nixisaan inamadan kibray. Waa in bannaan baxyo waayeen laga sameeyaa. “nimaan waraankaagu gelin weedhaadu ma gasho”. Sharcigana ha ka baydhina.



Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment