Friday, August 14, 2009

Daljirayaal

DALJIRE (“Daljirayaal”)
By A. Geeljire



Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan dabac yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan

Dubbe: waar heedhee maanta xagaad ku raagtay?

Dolaal: waa qaar baa saaka igu soo kallahay oo yidhi qaar dhul kala iibsanayaa ayaynu dillaalaynaa. Dawladda Hoose ayaanu tagnay siday ii yidhaahdeen Joomitir baanu soo kaxaynaynaa dhulka soo qiyaase ee na sii sug. Halkii uunbaan taagnaa. Mobilkuna waa iga dhacsanaa oo xalaybaan inaan jaaj gareeyo ilaabay dabadeed meelaan kala xidhiidhaba waan waayay. Haddaan ka soo dhaqaaqay.

Dubbe: waar haaye. Idinkuna intaa dhul eryanaysaan ayaa dhuuntu idin go’aysaaye. Ma dhul ummadeed ayuunbaydin cuni. Xaaraan u qaad weynaa cidhibtiin go’day.

Doolaal: waar bal biyahaa na sii ninyow iminkuubaad annagoon dabada dhulka dhigin na qarmaciye. Noo dhiib biyaa. Oo tolow bahashii aan sigaarka ka shidanayayna xaggaan dhigay? Waar ninku hadal badanaa adeeryaal.

Dubbe: waa rune. Mar haddii la soo qaado waxaa ummadda ee aydin futeynaysaan dab baa idinka booda eh. Wallee salbaydaan dhul dhigin intaa waxaa ku jirtaan. Oo ninyow qaadkaagu maanta waaweynaa. Miyaanad gabadheennii ka soo qaadan”

Doolaal: imaanka lagaa qaad. Mayee wallaahi iyadii baan ka soo qaatay ee kaagaa lagaa indhasaabay oo waxa dadka kale sito iyo waxay cunayaan ayuunbaa lagu tusay. Waar imaanso waxaaga ninyow.

Dubbe: waar aniga way i caamaysaaye. Meel walba musuqmaasuq baa gelinaysaan. Xataa dumarkii qaadka. Alla nimanku waa maxay adeerayaal.dawladdii dhammayd dalkii dekadihii meelba waa diirateen. Waar taan hayayba ilaabay eh. Waamaxay cashuurtan la yidhi Ina warancaddaa madaarkii ku soo rogay iyadoon cidi la ogayn?

Doolaal: waar iska qayil haddaba inaadeer hays wareerine. Qayil. Qayil. Anagana ha waaline illayn qaadka noomaad qaadine. Qadhaadhku ha na gaadhee. Ta kale dawladdu hadday cahsuurta kordhiso ama wasiir kordhiyo saw xaq uma leh. Ilaahow yaa idinka iminka idiin dhiiba. Wallaahi inaydin kun cashuurood kordhin lahaydeen oo weliba odhan lahaydeen “kaadidayada ayaannu u soo cabnay”. Laakiin sowka yidhi Ina warancadde dadkaan qaadhaan waydiistay ee cashuur maaha wuxu. Ma inta xun uunbaad maqashaa adigu?

Dubbe: taasiba waa taan la sii yaabay. Wallaahi waxaan xusuustay waraabihii yidhi “baadida xoolaha dadkii lahaa u soo qabo ayuunbaan is odhanayaa gacmana ma lihi markaa ilkahaan ku soo qabtaa kolba in uun baa ii soo go’da dabadeed sidaasuu neefku ku dhamaadaa.” Iga walla dadkaluu sheegayaa inaan New Hargeysa laga maqal Cali baa qaadhaan madaarka u guraya. Ta kale inaadeer Cali nin odaya ayaabu ahaaye muxuu ku keenay Haatuf waa la gubi? Tolow maxaa kii wasiir noqdaba si kale uun ka dhigaya? Waar malaa nimanku waa falan yihiin.Haatuf se ninkii gubaa isaguunbaa lacagtiisii gubay eh ma waxbuu yeelayaa Haatuf. Wuxuu yidhi ina saleeban Bidde “haddaad albaabka hoosta ka xidhato saw dusha ka garaaci maayo” saw haddana Haatuf soo qori mayso mid kale marka mid la guboba. Ta kale waa maxay xaqaad sheegaysaa? Waar ma darawaliinta Somaliland baa. Kuwaasaa xaqoodoo dhan ka yaqaan “anaa haadka ka lahaa oo xaq u lahaa” oo aan garanayn haddii haadkii aad lahayd habari ka tallaabaysay miyaad jiidhaysaa? Waar yaa Alla yaqaan? Cashuurihii horeba xisaabtoodii lama hayee ma qaar aan laysla ogayn baa xaq u leediin? “quxuu quxuu quxuu”

Doolaal: waar bal biyahan kabbo. Ka cad ku roorye. Imikaad intaad qaylinnayso aad qaadka ku saxanne. Cashuurta dalkaa loo qaadayaa loogu adeegayaa. Waxan oo ciidan ah iyo shaqaale ah ma bilaashbay ku joogaan bay kula tay. Caqli yaridiina ayaan aqaan. Meel dawlad lagu hayo maydaan arage iska aamusa. Qaaaq qaaaq daas uunbaa haysaan sidii tuke dacareedka. Wallaahi nin Somali madax u noqdaa waa nin Ilaahay caddibay. Habaar buu qabaa ninka yidhaa somali aan idiin taliyo. Sina ku ammaan heli maayo.

Dubbe: Waar madaxna ma tihidine kuwa dalkaba la hadhay baa tihiine adigu Ina Warancadde waydinkii isku dhodhowaaye ma aragtay oo ma weydiisay arrintan?

Doolaal: Waar ninyow shalay baaban Madaxtooyada ku arkay e waan ilaabay. Maxaanse ka weydiiyaa waa caadiye?

Dubbe: Allah! Oo adna miyaad gashaa meeshaa. Anigu ninka meesha galaba waan ka shakiyaaye. Waxay meeshaasi i xusuusisaa oday hawdka ka yimi ayaa Burco dhawr neef keenay markii laga iibsaday ayuu kabo cusub soo iibsaday dabadeed masaajid weyn oo saani loo nuuradeeyay buu galay. Kabahii uu debedda dhigtay baa laga xaday. Odaygii toddobaad danbe oo uu magaalada sii joogay ayuu salaad walba intuu masaajidka agtiisa istaago ayuu dadka gelayaa ku yidhaahdaa “waar ma halkaa gelaysaan? Caddaan weyne maxaa kabo lagu xaday. Waar iskaga jooga” iminka anigu markaa Madaxtooyada eegaba ama aan hor maroba waxaan idhaa. Caddaan weyne maxaa xoolo umadeed ku maqan.

Dolaal: waar xishood ninyow. Nin weyn baad tahay. Miyaanad filayn inaydin idinku meesha mar gashaan oo madax ka noqotaan. Weligiin ma mucaarad baa ahaanaysaan? Waar madaxda lama caayo yuu afku ku qalloocan.



Dubbe: Waayahee taaba iska daayoo waxaad ka warrantaa guddidii turxaan bixinta ee Ina Rayaale ku dhawaaqay halkay ku dambaysay? Sawtan la yidhi gebigeedu “Buur” laga soo daba raray guddidan iskeed is magacawday ee labada gole ayay ahayd. Oday Salaeebaan uunbaa loo jeeday sowta la yidhi? “Anna waa yaabaayay Samakaab baa deero dili” ninkii dadkaba madax isugu xidhay baa turxaan bixin doona anna waaban yaabayay.

Dolaal: Waar maahee idinkuunbaa wax walba ka bacooba Madaxweynaha aan weligiiba lib u oggolaane in la heshiiyo ayuu doonayaa oo dadka beerkooda burcad laysu mariyo. Guddiduna waa dhab. Xadhigiin go’ xaasidsanaa. Ma niman aan mar qudha afkooda soo marinayn waxaa xukuumaddu way ku hagaagsantay baa la arkay?

Dubbe: hayaaay! Waar bal dhegeysta. Kee baa heshiis doonaya? Ma Ina Rayaale? Burcad buu yidhi. Wallaahi daamur iyo xabag buu isu wada mariyay illaa dalkii oo dhammi jiq isku noqday. Qardhab! Oo wax kal saara la la’yay.

Doolaal: waayo adeer maxaad sidaa u odhanaysaa? Sawkan guddida saaray ee saxaafadda ka sheegay ee masaajidka ka sheegay ee BBCda ka sheegay.


Dubbe:
Keebaa sheegay? Waar miyaanad dhinaacga u tudhanayn? Ma aakhiruu kuu raacayaa? Qoodhaa iyo xeradaa ninkaasi meesha yimiyoo miyaad aragtay wax is haysta mooye wax wanaag ku wada jooga? Isaga iyo ku xikeenkiisaa is qabsaday, isaga iyo Qaybe ayaa is qabsaday, isaga iyo saleebaan baa is qabsaday, isaga iyo Xaaji Cabdi baa is qabsaday, isaga iyo Golahii horaa is qabsaday, isaga iyo wasiiradaa is qabsaday, isaga iyo dawladda hoosaa is qabsaday, isaga iyo mujaahidiintii baa isqabasaday, isaga iyo agoomihii SNM baa is qabsaday,isaga iyo xisbiyadii baa is qabsaday, isaga iyo ganacsatadii baa is qabsaday, isaga iyo golahan wakiilada ayaa is qabsaday ee la soo doortay. Gebigiisuba is qabsi buu ka samaysan yahay.

Doolaal: Waar bal Nebiga ku salli. Waar bal u kaadi. Oo goormay Mujaahidiintana is qabsadeen?

Dubbe: goormay is qabsadeenaa? Ma markaad indhaha iska soo ridi jjirtaybaa? Dee mooji. Miyaanay labadii boloog ee dhulka ahaa ee miiska saraakiisha milatariga agtiisa ahaa isku qabsan markii Cabdi Samad Taliyaha Ciidanka Qaranka ahaa oo aanay hubka isu guran.

Doolaal: Waar Madaxweynuhu cid dhul kuma qabsado ee xishooda oo wax walba ha ku hadlina. Wasiirkii Daakhilga iyo Dawladda Hoose iyo aakhirtu dheh. Iyagaa dhulka maamula oo beenta aad ka sheegto la rumausan karaaye.

Dubbe: “gabadhee dee” ma markeenniiba?. Oo haddaa mujaahidiinta maxay isku qabsadeen ma shidaal bay iyana soo dejiyeen? mise bad bay kalluun kala baxee? mise sigaar bay dhoofka u diideen? mise shaqay CARE u doonteen? mise guriga Axmed Siilaanyo ayay tegeen? Bal waxaad ku hadlayso day.

Halkaasay ka socon doonta sheekadani maalin walbana arrimaha taagan ayay labada daljir ka wada hadli doonaan.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment