Saturday, August 29, 2009

Marxuum Kaan Qaldaan.

DALJIRE
Marxuum Kaan Qaldaan.

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Waar manta maxaad la soo dhaqsatay miyaanad soo qadaynba?

Dubbe: Maanta khudbad baan idiin jeedinayaa. Illayn anigu shicib kale ma xukumo ee mafrishkaan xukumaa.

Doolaal: Waar khudbad layne iska qayil.

Dubbe: Waar dhegeyso waryaa. Ilmaadeerrayaalow intaa iga dhegeysta.

Bismillah. Salaam dabadeed mudanayaa l iyo marwooyinba.

Doolaal: Marwooyinkuna halkay fadhiyaan?

Dubbe: ’aar dadkuunmaad cubba-dhawrtaa noo kaadi. Hadalkaa sidaa ku wanaagsane. Miyaan khudbadadaha sidaa la odhan?. Xxxxmmmm. Xxxxxxmmmm

Walaalayaal;

Waxa jira waxyaabo badan oo aynaan u kala ahayn xisbiyo, gobollo iyo beelo ee aynu u wada nahay muwaadiniin somaliland ah oo isku hal qof ah. Waxa ka mid ah, laakiin aan intaa ku koobnayn, nafta iyo hantida muwaadiniinta oo aynu xurmayno nabaddoodana sugno, caddaalad loo siman yahay oo aan raagin, (caddaalad raagtay waa caddaalad la'aan) adeegga bulshada ee xukuumaddu loo igmaday oo aynu si loo siman yahay uga helno, xurmaynta iyo ka dambaynta madaxda qaranka marka ay sharciga iyo xaqa ku taagan yihiin iyo difaaca qaranka iyo distoorkiisa.

Intaas oo arrimood iyo qaar kale oo la miisaan noqon karaa waa qaar aan abtirsiin loogu qaybin karin muwaadiniinta, waa qaar aan loo kala xigtaysan karin, waa qaar aan loo xisbiyaysan karin, waa qaar aan loo gobolaysan karin, waa qaar u damqashadooda iyo difaacoodu waajib qaran inagu wada yahay oo u baahan in nafta loo huro.

Waxa beryahan dambe caado inoo noqotay inaynaan qiimayn nafta muwaadinka. waxa caado inoo noqotay inay isugu keen mid noqdaan wararka joornaalka ku qoran ee China ka dhaca iyo Dalkeena kuwa ka dhaca oo intaynu eegno uun ama sheeko ka dhiganno,"waaryee maanta lix yar yar oo Ciidagale ah ayay askartii Ina Rayaale laysay labaatanna way dhaawaceen oo tikniko ayay hoos ugu dhigeen. waar 3 shaaha noo keen." "Waaryee laba Arab ah ayuu Boolisku toogtay maanta. waar bal qoraac beer ah i sii yarkow." "Waaryee, askartii Awdal laga keenay tu yar oo Makaahiil ah ayay kelyaha xabbad isaga saareen oo halkii ku dhimatay askargii dilayna looma soo qaban. naa qaadku waa imisa maanta?" "Waar ma maqashaeen 30 dhallinyaro ah oo reer Awdal ah ayaa badda ku madhay oo aan mid ka bixin. waar hilibka naga soo hagaaji basbaasna soo raaci iyo liin yar." "waar ma maqasheen dhulgariirka China ka dhacay?" dabadeed halkaa ku dhaafno. waxaynu ka hadlaynaaba dadkeenii maaha malaa ee waa dhir. ma naxariis darraa? ma nacasnimaa ? ma waalli baa? ma fariidnimo iyo raganimo iyo calool adayg baa? Ma dadkaynaan u baahnayn baa? mooyi. Anigu se waxaan arkaa inay qalad tahay. inay qallooc tahay. inay qofnimadeena wadareed iyo jiritaankeena umadeed ee dal lagu hantiyo u xuntahay baan ogahay.

Marka laga yimaado dareen la'aanteena iyo naxariis la'aanteenna oo labaduba yihiin qaar diinteenna xaniifka ahi inna fartay inaynaan ku kicin waxaynu god dheer ku tuurnay dadnimadeenii iyo xuquuqdii aynu isku lahayn iyo tii aynu dawlandimada ka rabnay. waxaynu gabnay inaynu xukuumaddii aynu beri doorannay ka raadsanno xaqaynu ku lahayn ee aynu u egmannay. Isla markaa waxaynu awaaraha ku rogany xaqeenii. waxaynu oggolaanay inay xukuumaddu isu qaadato ta iyadu xaqa leh oo ciddii wax weydiisana xoogga ugu weyn ay ugu jawaabto. (ka warran ilmo kuu dhashay hadduu habeenkii kugu ooyo oo aad bakoorad ku aamusiiso) Waxay isu qaadatay xukuumaddu inay guulaha la gaadho iyo dawladnimada ka mid tahay laynta ,cagajuglaynta iyo xabbiska muwaadiniinta ee xaqdarrada ah.("Waar meesha gelin joogi mayno haddaynaan dawlad isu muujin oo gacan bir ah ku qaban dadka).

Markaynu oggolaanay inay xukuumaddu hadh cad burburiso hay'adda xuquuda Aadamaha oo aynu ka joojin weynay inagoo u haysanna inuu Adamahu yahay cid kale oo buugaagta uun ku qoran ee aan inaga ahayn. Markaynu xukuumaadda u oggolaanay inay jeelka ku abaadiso qofkii ku dhawaaqa eek u eedeeya musuqmaasuqa madaxda xukuumadda iyo xaasaskoodu ku kaceen ee weliba caddayn soo ban dhiga. markaynu u oggolaanay inay xukuumaddu Distoorka si walba ugu tumato oo ay isu rogtay risiq maanac oo ay muwaadiniinta iska hortaagto inay ganacsadaan oo iyadu suryo gashato dakhliga dalka soo gala una samaysato cid u ururisa cashuur aan sharci ahayn. markaynu u oggolaanay inay xukuumaddu iska soo daabacato lacag aan sharciga waafaqsanayn oo ay ku xadaan ta xalaasha ah. Marka aynu u oggolaanay inay heshiisyo xaaraan ah iskala gasho shirakado ajaanib ah oo aan Baarlamaanka laga ansixin kana qaadato lacag aan xukuumadda u xisaabsanayn. Iyo waxyaabo kale oo badan oo la mid ah.

Xukuumadda waxaynu shuruud la'aan ugu deeqnay awoodaheennii muwaadinimo markaynu ku eegnay kuwa ay dulmiga jeelasha uga buuxisay waayo waa xisbi kale ama waa beel kale ama beri baynu geel kala qaadnay ama garanba mayno oo walllaweyn iyo Abboo. markaynu shilimo odayaal ka soo qaadeen dhaafsiinannay muwaadiniinti xaqdarro lagu toogtay oo aynaan caddayn iyo xaqsoor uga raadin ciddii dishay.

Waxa aynu xaqeennii uub ku tuurnay markaynu odayaal aynaan siyaasadda u egman,sidooda kale se intooda badan aynaan u diidanayn odaynimo, u oggolaanay inay siayaasadda innagu metelaan oo u dhexeeyaan xukuumadda iyo innaga, xisbiyadii iyo innaga iyo Wakiiladii aynu doorannay iyo innaga qaarkoodna ay hunguri-saar iyo gacansaarba la yeesheen xukuumadda dantoodana ka horraysiiyeen ta ummadda ay odayada u sheeganayaan. Markaynu xisbi iyo beel mid uun noqon weynay baynu xaqeenii aasnay.

Hoggaamiye Rayaale wuxuu caadaystay inuu had iyo jeer markuu belo dhigaba eedda saaro cid aanu magac dhebin oo uu ugu yeedho "cid aan dan ka lahayn somaliland." iyo inuu ku hadlo ereyo aan qiimo lahayn af hoggaamiyana aan ku roonayn sida." Inay cid kale dhimato ma rabno. dad kale oo aynu laynaa ma fiicna IWM" Waxaas oo dhammi waxay ku tusayaa hoggaamiye ka madhan dareenka masuuliyadeed ka saaran ummadda oo weliba qaba inuu u naxariistay ama u tudhay markuu inyar uun ka laayay oo aanu rabin inuu qaar kale laayo laakiin aanu waxba ka qabin inuu laayo haddii dadku guryahooda ku noqon waayaan. waxa taa caddaan u ah mar qudha intuu baadhay dhacdo dad xukuumaddu ku laysay inoomuu soo ban dhigin cidda eedda leh shicib iyo xukuumad midna.

Sucuudiga oo boqortooyo ah ayaa dhaama xattaa oo yidhaahda "Al-marxuum kaan qaldaan. marxuumkii dhintay baa qaldanaaa." sidaa darteed waxaynu u qaadanayaynnaa, isagoo caddayn ina siiya mooyaane, inuu ku qanacsan yahay inuu sax ku yahay inuu dadka billaash u laayo dabadeed shillimo aanu lahayn oo kuwaa dhintay ama dadkooda laga qaaday u tuuro.

Waxa iyana markhaati ka ah sahaalaha uu u haysto Hoggaamiye Rayaale dhiigga muwaadiniinta. markast wuxuu kula dagaalamaa hubka u culus ee aynu tikniko u naqaan. miyaynu Hoggaamiye Rayaale iyo inta ku xeeran ee la qadhaabata ee xukuumadda masuulka ka ah oo aynu ognahay inay addunka meel walba hanti ka samaysteen oo daaro ka jeexdeen waxay soo iibin kari waayeen qalabka lagaga hor tago shicibka bannaan baxaya ee ay ka mid yihiin; qiiqa indhaha ka ilmaysiiya, rasaas rabadh ah, ulo rabadh ah, biyo lagu furo oo xoogle IWM? Miayay u weydiin kari waayeen hay'adaha ay argagixisada wax akaga cunaan? miyay u weydiin kari waayeen dawladah jaarka sida Ethiopia ama Djibouti? jawaabto waa maya ee horta marka hore iyagaa baahan oo cid walba wax weydiista. ta labaad ma dan bay ka leeyahiin dadka xabbadda nool baa u jabane maxaa qiiq ku kallifaya oo kharaash gelinaya?

Weli miyaa aragteen Hoggaamiye Rayaale oo soo booqanaya dadkii iyo askartii rabashadahii inna soo maray illaa tan u dambaysay ku dhaawacmay soo booqanaya? waa maya? oo maxaa ka galay weliba codkoodana odayaal baa u keenaya markay doorasho timaaddo oo uu udirayaa. maxaa dadka ka saaran?

Dadka waxaan leeyahay Hoggaamiyahu ha noolado. cidiii uu xabbad ku dhuftaana Alla ha u naxariisto. dadkuna codka odayaal ha ugu soo dhiibaan illayn kollay waa la dhimanayaa “xabbadda ina Rayaale waa lagu sababay uune.”

Intii wax maqlaysana waxaan leeyahay isku duubni, gobol illaa gobol, ogaada. nabadda ogaada xaqiina xukuumadda ha uga hadhina. xabbad ha uga baqannina. Sharcigana ilaaliya.

Hoggaamiye Rayaale waxaan leeyahay. Haddii aad carruurtaadii geysatay meel aan lagu harraadanayn. Haddii ku geysatay xoolihii ummadda xalaal iyo xaaraan tuu doono ha ahaadee. Inta aad halkan ku hor joogto ee harraaddan ee gaajaysan xabbadda aad lacagtoodii ku soo iibsatay ee aad la dhacayso ka daa. Biyay kaa sugayeen ee beebeega iyo Siikaawiga ka daa.

Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbeidmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment