Sunday, August 16, 2009

Afar-jeeble,Dalmar iyo Wolfitz iyo weliba wadaadkii reer Bandarwanaag

DALJIRE
(Afar-jeeble,Dalmar iyo Wolfitz iyo weliba wadaadkii reer Bandarwanaag)


By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar inoo duceeya oo mulimiinta wixii nool iyo waxii dhintayba u duceeya.

Dubbe: aamiin… faataxa.


Doolaal:
waadigii odhan jiray Madaxweynuhu ma soo baxo eh maantaba inta meelood ee uu su soo maray maxaad uga hadli weyday ee aad u bogaadin weyday.

Dubbe: Kee soo baxay? Ma intan yare ee aad moodo in faalku u qabtay. Wuxuumbaa lagu odhanayaa si kedis ah buu u soo baxay oo madaarkuu tegey. Maantaabu Mandheera gaadhay. Waar waa safar faal malaa waxani.

Dolaal: Madaxweynuhu ma faashado eh. Waa hawl qaran oo dadkiisa ayuu soo booqanay oo is dhex taagay. Meel walba sida loogu soo dhaweeyey waad yaabaysaa.

Dubbe: Bal waxaad ku sheekaynayso eeg qoodhaa iyo xeradaa. Yaa mandheera jooga ee soo dhaweeyey ma maxaabiista? Keebaase dad doonaya. Muu u yimaaddo kumanaankii banaanbaxa isugu soo baxay aqalkiisa dabadiisa hadduu dad doonayo. Waar ninyow isla yaab oo afka dabaysha ka qarso.

Doolaal: Maxaad u odhanaysa? Sawka soo kormeeray mashaariicda iyo ceelasha Dararweyne laga qoday.

Dubbe: Mashaariicey lagu jecel. Ma afartan ceel ee dadkii lahaa ku dhabar jabeen siday u qodayeen ee uu la dul tegey calaacalka “waxba idinka hagranmeyno eh haddaanu wax hayno waannu idin siin lahayn” iyo wax noocaas ah. waaba reer miyigii marka la yidhaa biyo nasiiya odhan jiray “wax lingaxa ka sarreeya waataanu meyd marinaa.” Wallaahi waxaan xusuustay qolo deegaanadan Hargeysa oo bil amaara reer Bandarwanaag ah oo galbeed tegey oo iska dhigay wadaado safar ah oo islahaa siyaaro soo gurta. Mabay ku soo dhicin meesho waa galbeed oo waa halkay diintu inagaga timiye meelihiinaa kale u kaca e intay is qaybiyeen ayuu mid keligii reer dul fadhiistay. Dabdeed way marti geliyeen. Markay u soo dhawaadaamba waxbuu akhriyaa gunuus ah oo laba midh oo “subxaana allaah” iyo wax ku jiraan. Illayn galbeed edeb baa lagu yaqaannaa eh may odhan waar waxanaad akhriyaysaa waa maxay ninkaagan gunuusayaa ee way iskaga aamuseen oo raashinka iyo qaxwaha ayuumbay ugu roonaadeen. Subaxii buu ka kallahay. Qoladii kale ayaa isla reerkii soo martay markaasay yidhaahdeen “ waxba nin wadaad ah oo safar ahi maydin soo maray?” reerkii baa yidhi “ma ninka dheer ee cas buu ahaa ee soo yar godan?” “Haa “ bay yidhaahdeen. “ Ninkaasi xalay buu noo hoyday oo saakuu kallahay.” bay yidhaahdeen. “Quraankaanu aqoone Allah ninku diin jeclaayee.” Bay ku dareen. Markaa iminka Madaxweynuhu mashaariic uu furo ayaanu hayne Alla muxuu isku laba rogi lahaa.


Doolaal:
Eeg waxaasi waaa waxa qaranka kala fogeynaya. Haddii laysu quudhi waayo wanaagga la qabto idinkuna wanaag ha naga filina dee.

Dubbe: ‘aar maxaad ka hadlaysaa ninyow? Maxaa wanaaga? Hadduu wanaag doonayo ama inuu xataa kuwaa ceelka qodanaya wax tarayo boqollaalka gaadhi ee hor iyo daba yaacaya shidaalka ku baxaya ayuu ku caawin lahaa oo badda u soo faruuri lahaa. Waar naga daayoo ma daawatay wararka caalamka ayaamahan?

Doolaal: oo maxaa soo kordhay? Waayo?

Dubbe: Da' yarta aan u sheegee horta, abwaankii weynaa ee Maxamed Cumer (Huryo) Alla ha u naxariistee, wuxuu lahaa barnaamij todobaadle ah oo idaacadda ka bixi jiray oo la odhan jiray Dalmar. Barnaamijka waxa uu ku jili jiray arrimaha kolkaa taagan ee bulsho ama siyaasadeed. Dalmar wuxuu ahaa nin wata faras la yidhaa Daabad oo uu dalka ku mari jiray markaa kolba waxa uu la kulmo ayuu u soo gudbin jiray dhegeysatayaasha.

Waqti ah siddeetanadii waxaa mar loo soo beddelay Hargeysa nin Badhesaab ah oo laaluush qaadasho badan, ninkay ku soo baxday “wuu tiriyaa laaluushka”, oo loo bixiyay Afar-jeeble. dadkii baa la hudmay laaluush gurashadiisii si cadna loolama hadli karayn oo xukuumaddii Siyaad Barre ayaa laga biqi jiray. Huryo ayaa markaa maalintii dambe barnaamijkiisii ku saleeyay sheekadii Afar-jeeble, wuxuu yidhi:

“Ma dakaamow, Daabadow faraskaygow… haaaayow….. Daabadow afar qaadoo Daruurahaa la caweeyoo….

"Daabadow waxa halkaa tagani tolow ma qofba mise waa geed? bal hadda inagu dhowee Daabadaow.. Qoodh iyo xaro waa qof. Nin buu u soo sansaan egeyahay Daabadow. Laakiin waa mid si u saluuqan. Oo tolow waxa madow ee dhinaciisa taaganina waa maxay? ma ilmo caruura ayuu wataa qofku mise waa neef uu tuulada u iib geynayo? Dhega! oo waa nin shandad sita eh. Wallaahi Daabadow indho darraysey ee iska daa. ma ninkaasaad garanweyday?

“Asalaamu calykum?”

“Wa calykumu asalaam”

“Waar maxaa la sheegey?”

“Waa la roon yahay?”

“Hayeeee? Oo ma safar baad ahayd waadigan shandada sitee?”

“Haa.”

“Oo halkaad ku socotay, kumaadse ahayd dee bal isu kay sheeg oo?”

“Waxaan ahaa nin sarkaal ah oo dawladda u shaqeeya oo waxa lay beddelay Berbera.”

“Haaaa. Waan gartay. Anna Dalmar baa lay yidhaahdaa. Faraskuna waa Daabad. Dee aan tuuladaa hore kugu sii dhoweeyee soo fuul.”

“Maya..maya. baabuur baa haddeer ii soo socda oo aan raacahayaa.
Baabuur aah?”

“Haaa.”

“Haa waa Moodhikaare. Ma hubtaa adeer. birtaas oo dhami waa kala duushaa uun oo sidaa marka loo fireeyoba BALAW, meel baa kala boodaysa. Ama waxa lagu odhanayaa Shaag baa banjaray. Aniga Daabad meeshaan doono ayuu i geeyaa birina kama xumaato shaagna kama fadhiisto. haye dee adeer nabad gelyo iyo nooli kulantee.”
Daabadow ma arkaysay ninka? Ninka maw fiirsatay? Wallaahi iyo tii xilood laba jeeb oo qudha ayuu lahaa. waar ma arkaysay? oo tolow may kan labada jeeb ee qudha leh inaga may inoo soo beddelaan? intaynu afar buuxin lahayn kan labada qudha leh baa laynoo qaateye? Wallee inaynaan nasiibkaaba

Waxaan iminka uga socdaa wararka caalamka wiiggan waxa la soo sawiray ninkii la odhan jiray Wolfitz ee ahaa Madaxweynaha Bangiga Adduunka (World Bank) oo laba sharabaad oo suulasha ka daloola gashan. Hadda waa ninkii baanka addunkaba haystay. Ninkaasi sharabaaddo dahab ah ayuu iibsan kari lahaa. Ninkaas baa haddaba nin laynoo soo beddelo ah. Lacagta ayuu inoo dhawri lahaa musuqmaasuqa ku dhammaatay ee afar-jeeblayaasho guranayaan.

Waa innoo todobaadka dambe haddii Allah idmo

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment