Saturday, August 29, 2009

Shaxdii Rayaale qaybtii 2aad

DALJIRE
(Shaxdii Rayaale qaybtii 2aad)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar maxaad ka warhaysaa Safarkii odayga? Aniga waxa lay sheegay inay hudheelka ugu sii gelayeen ninkii ay ooryo walaalka ahaayeen ee Tvga UDUB berigii qandaraas la’aanta ku soo iibiyay oo shandad weyn sita iyo laba nin oo kale. Malaa dhagxaantii bay ka soo qaadeen oo ay iibinayeen. Waxa kale oo aan maqlay daahyadii way isku mari waayeen islaantii oo midabkii weli kumay heshiin.

Doolaal: Waar nacnacdaa iska daayo waa xaasidnimadiiniiye wax kale ma haysaa?

Dubbe: maya ee inta uu isagu wax sheegayo wixii aanu maqallay baanu sheegaynaa. Iskaba daayay e sheekadii shalay ayaan halkii ka sii wadayaa waatan:

Ninkii: Waar waxaasi hadal maaha oo nimankii dadkaba u caqliga iyo cilmiga badnaa baa waxaa iigu codaynaya kaa siisanmayno aanuye; maxaad nimanka u qabatay intaad fadhiday meesha? Maxaadse u qabanay haddeer?

Daahir:Horta aan kuu.......

Ninkii:Raalli ahow. Aan kaa dhex galo e anigu waxaan ogaa mar aan dalka idiinku imi iyadoo uu Ibrahin Yey nin la yiraahdaa lacag $70,000 ah ka soo ururshay rag ganacsato ah oo xaajiyaddaada loo dhiibay oo ay tiri cusbataal baan ugu dhisahayaa Gabiley Ismaaciil Yare oo Wasiir kuu ahaana yiri 300 oo kiish oo sibir ah ayaan ku daray. Ma dhammaaday cusbataalkii mise weli waa qabyo uu?

Daahir:Horta anigu horta horeba dadka waxbaan idiin qabanayaa ugumaan ballan qaadin bay ahayd. Waxa kelihaata ee aan ugu ballan qaaday wuxuu ahaa inaan daacadnimo ugu shaqeeyo. Waa ta kale eh waxyaabo badan oo aan qabannay way iska jirayaan baan filayaa. Yaah? Waxaasaan qabanayna kollay ma odhanayo. Madaxweynuhuna ma wada sheegi karo. Wasaaradahii qabtayse kollay liiska way hayaan baan filayaa. Wax badan oo aan ku qabannana maba hayno oo waxba ka xistiyi mayno . waxaanse ku dadaalnaa uun inaan odaydaya wax u yar dhiibdhiibno meelkasti iyo gobol kasti ha jjjoogaane. Tiina waan samaynay baan filayaa. Waxkaloon haynaayina ma jirto. Haddaba aan halkii kaaga wado eh...

Ninkii:U kaadi.i ntaadan qoladatan Isaaq ku noqon iyaga nimankii Ciise ee aydin isku gobolka ahaydeen ma illawday aad? Maxaad ka haysaa?

Daahir:Ogorey! Oo kuwaasi may kuu noolyihiin baad moodi? Baddaan raacinnay kuwaa. Djibouti bay wala galeen. Ina Geellahan aan u taag la’nahay ee sida coonka uun is galayaayi ma wax kaluu ka xanaaqay baad u malaysay. Yaah? Adigu inyar baa ka sii joogta baan filayaa intaana xildhibaan Aareeye iyo Wasiirkaan u yar diraynaa oo aan leenahay dhawr maalmood la soo yar jjjooga intaan kharashkooda u dhiibno. Way iska dhammaanaysaa deeto.

Ninkii:Bal wad waa hagaage ku noqo Isaaqii.

Daahir:Aan ku noqdee horta qoladii Sacad Muuse wixii ay Kulmiye ka doon doonayeen way ka waayeen bay ahayd. Rag badan oo ka soo baxayna waa jiraan oo nagu soo biiray. Adigu rag hadallo noo socdaanna way iska jiriyaan marlay. Anigu mar aan odayaal la kulmay waxaan ku idhi bay ahayd; Sheekh Ibraahim(AHN) dardaaran buu igaga tegey bay ahayd. Wuxuu yidhi reerkaa axdi la gal. Iyana ha ku doortaan doorka dambe adna Guddoomiyaha Xisbiga sii. Aabaday waad asiibtay baan idhi bay ahayd. Sidaas ayaan ugu ballan qaaday. Markaa adigu ma sahlana laakiin odayadii waan diray haddeed. Markay doorshadu soo dhawaatana Ismaciil Yare ayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha ka dhigayaa isagaa isku dubba ridi doona. Weliba kollay arrintii Lughaya iyo xuduuddii degmada Daarasalaam ayaa soo bixi taana isaga yaa difaaci yaqaan. Doorkii horeba odayashii oo dhan buu xidhxidhay bay ahayd.

Ninkii:Waaryaahe Daahir. Waar heedhe ma falantahay aad? Waar ma reerkii ilbaxnimadiisa aan ogaa baad waxaa isleedahay ka gad?Anaka waabay na gadan jireen. Anaka oo sidaa u fiirinayna ayay faraha nagu gadan jireen. Horta waan ku garanayaa sheekhna kuma oran waxakan ee waa jeebkaaga. Xisaab yar baad isu geysaay oo waxaad is tiri doorkii horena Habar Yoonis baad ku bad martay doorkanna Sacad Muse ku bad mar. “Dawaco halkay macal ku dhadhamiso ayay macallul ugu dhimataa.” Baa la yiri. Waar waxaa iska daayo haynaku daaline, maxaad dadka xisaab u haysaa ee aad u qabatay? Maxaad ku hananaysaa?

Daahir:Taasi waataan kaaga jjjawaabay eh aan dhameeye dhegeyso. iyaga Ciise Muuse Wadaadka ayay iska oggol yihiin oo haddaan beddelona ka kale ayuumbay iska oggolaan doonaan ee aan keeno. Dekeddiina way iska haystaan oo waaka Cali Xoorxoor u jooga. Qoladan Adan Ciise wixii wadaadka diida iyaga Muse Dalab baan u hayaa ku filan. Dacarbudhuqna waanigii degmo ka dhigay. Maxamed Ciisana dadkaan la qaybsan oo badhkayga ka waayi mayo oo kollay reer wacays iyo deeriyahan waan haynaa baan filayaa.

Ninkii:Haye. Waar muxuu is macaashsiinayaa.

Daahir:Arab haddii aan kaaga warramo. Horta horeba Barigooga iyo Galbeedkooguba Kulmiye ayay u badnaayeen bay ahayd. Iminkana mid kaloo inkaar qaba ayaa yidhi wax Qaran la yidhaa baan nahay oo isna wareer la yimi. Sidoodabana marka Isaaqu kaftamayo waxay ku sheegaan “Askarta Somaliland”

Ninkii:Oo maxay uga jeedaan ay, miyaan dadku wada askarta Somaliland ahayn?
Daahir:Maya ee waxa weejaan waa Askarta Isaaq. Isaaqnimada ayay ilaaliyaan weejaan. Illaa berigii Balligubadle xarunta SNM laga dhigay iyagaa xilkaa qaaday. Markaa niman sahal lagu furfuri karo ma ahin hortooda horeba. Macaa C/lahi Dareewal oo Wasiir ii ahaa ayaa hoosta Kulmiye ka ahaa. Eegga kolkuu tagayna odaygii Cabdi Haybe oo Kulmiye ahaa ayaan ku badalay oon lahaa meesha ha ka muuqdo. Dee Laandheeraha ayuumbaan ku raacay bay ahayd. Wixii aan ka heli karnana uga hadhi mayno ee waan ka soo kaxaysan.
Maad taqaannaa Cabdi Haybe?

Ninkii: Maya ee waa kuma Cabdi Haybe haasi?

Daahir:Eegga markaan ku tusaayay tasaawiirtii aan shalay iska soo qaadnay Washington maad arkayn oday gadh cad oo islaantayda garab joogay?

Ninkii:Waar oday iyo islaan toona ma arkayn aane wad sheekada.

Daahir:Garxajis haddii aan kuu sheego horta iyaga markiiba laba qaybood baan ka dhignay. Qayb waxaan nidhi Ina Cali Waraabe ha ku jabto oo waxan ay waraabe-u-taagga yidhaahdaan ha noqdo. Hosstana heshiis baan ka nahay dee. Oo marlay wax heli maayee codka uun ha khafiifiyo. Haddana kamaanaan hadhine Ciidagale ayaan Xaajigii Xaaji CabdiKariin iyo Cali Sanyare ku sii dhex daynay oo Cabdi Ciise ayay la soo fuqeen. Waxba Ina C/qaadir ha ka soo qaadin laakiin kollay ma sii deynayno ee waan xajinaynaa. Talada Xajiga ayaa sidaas ah. Lama diidi karo. Kan Maayarka ah ee Jiciirna isna waxbaan ka yar sugyanaa. Wixii kale yeelkadood.

Isaxaaq oo reer Hargeysa ah iyaga saddexdooda haamood waanigii berigii doorasha Wakiilada sheegay oo Habar Kaliil(Ba-Habar Kaliil ama Kaliil Isaxaaq) iyagu waa wax yar oo xisaabta kuma jiraan bay ahayd. Qaasimka iyaga nin baa ku filan oo Adan Baradho haddaad hayso bes weejaan. Iminkana sidaan adhigii u siiyay ee aan ugu xidhay bari iyo galbeed saf baa loogu jiraa oo la wada baryayaa tiisa ayuumbaa soconaysa. Cabdalle Isaxaaq. Horta waa reer faro badan oo kollay wax way ka yar baydhi laakiin iyagana sida reerha kale ayuumbaan laandheeraha ka abaaray oo Ina Waran Cadde ayaa laanta ku soo dhufanaya. Biyaha iyo laydhkana waanu u gelin doonaa doorashada dabadeeda.

Ninkii:Waar ba’a! Oo heedhe ma weli ayay biyo iyo nal la’ yihiin? Ma nimaankii dhammaan kuu wada codeeyay ee illaa arigoodu kuu codeeya baad tiri weli waa surmi? Kud naga xiiraa inaanan weli wax sidatan ah maqal. Bal soco.

Daahir:Xaggaa iyo Burco iyo Habar yoonis horta Cawil oo inala jooga ayaan jeclaan lahaa. Laakiin waan iska wadaynaaye................. Halkaasay qaybta 3aad ka sii soconaysaa.

Waa innoo berry haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment