Saturday, August 29, 2009

Hadmuu Dooxii Herer Dadqaad yeeshuu Dumbuluq wax ku laayay Dawrigu

DALJIRE
Hadmuu Dooxii Herer Dadqaad yeeshuu Dumbuluq wax ku laayay Dawrigu
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Waar bal shirkiinii ka warran manta.

Dubbe: Reemadh (Reymond) odaygii la odhan jiry ee reer Berbera ayay islaantiisii tidhi. “ee bal Nebiga ku salli.(AMWC)” markaasuu illayn muslim muu ahayne ku salliyi kari waayay, diidayna odhan kari waayay dabadeed yidhi. “Ee nebigu wayska ooreydhe....(Alright)” iminka kollay wanaag ii weydiinmayside shirku “waa iska ooreydhe.” Waxaan adiga ku weydiiyay. Hadmuu dooxa Herer dad-qaad yeeshuu Dumbuluq wax ku laayay dawrigu? Ka warran libaaxyadan dadka laynaya.

Doolaal: Dee maxaad ka sheegaysaa taasi waa maqaadiire. Marna naf baxaysa wax lagu salido la waayi mayo. Waar shirka ku noqo oo warkiisa na sii.

Dubbe: Horta mid waan kugu raacay oo marna naf baxaysa loo taag heli maayo. Dadkii gabadhu ka dhimatay iyo ninkii libaaxa lahaa ee dhibaatadu ku timi iyo reer Hargeysa dhamaan horta tacsi baynu u diraynaa. Waa ta labaade waxa la yidhi”Nebi Saleebaan (CS) oo saaxiibdii la fadhiya ayuu nin u soo galay. Wuu salaamay. Nin raggii ka mid ah nebiga la fadhiyay ayuu six un isha ugu gubay. Wuu baxay in yar ka dib. Ninkii uu eegay ayaa Nebi Saleebaan ku yidhi. “inaan buuraha Hindiya ku soo laydhsado ayaan u baahnay ee awooddii Ilaahay ku siiyay ee aad dabaysa ku adeegsanaysay ii amar inay i qaaddo oo halkaa i geyso.” Wuu ka aqbalay. Hindiya ayuu geeyay. Wuxuu ugu tegey ninkii sida xun u eegay markuu Nebi Saleebaan la fadhiyay oo shaw ahaa Malaggii nafta qadayay. Halkii buu kaga qaaday. Wuxuu malaggii ku soo noqday Nebi Saleebaan(CS). Nebigii oo isagu garanayay marka horeba ayaa ku yidhi.”waar ninkii ila fadhiyay maxaad sidii ugu eegaysay?” wuxuu ku jawaabay. “Ilaahay baa igu amray inaan nafta kaga soo qabto buurahaa Hindiya.saacaddiina way ka dhoweyd. Waxaan ka yaabanaa sida uu halkaa u tegeyo daqiiqado gudahood.” Hadaba cidina mawdka ka baxsan mayso waa run.

Doolaal: Waaryee. Manta wadaad buu iska dhigayaa bal eega. Waar intan yaa kuu sheegay?

Dubbe: Waar iska dhaafoo, Sheekh Samaale ayaa ii sheegaye, waxaan uga socdaa. Waxaan leeyahay Cali Maxamed Warancadde. Awowgaa Warancadde wuxuu ahaa nin aan ka gabban masuuliyadiisa. Aabahaa Maxamedna hawsawjar(old soldier) aan ka leexan masuuliyadiisa ayuu ahaa (Ilaahay labadaba ha u naxariistee) adigana waxaan ku kalsoonay inaad la mid tahay oo markay runi run tagto aanad ka weji dadbayn masuuliyad kula soo gudboonaatay.

Doolaal: Maxaad u jeeddaa dee?

Dubbe: Haddaad yar sugto waan sheegi ee i sug. Waxaan Saaxiibkay Cali leeyahay. Arrintan libaaxyada way inagu soo noqnoqotay ee bal mar ku noqo. Laba mid yeel. Haddaad dalxiis iyo ganacsi u korsatay lacag geli oo meel weyn u samee oo lagu soo daawado adna lacagi kaa soo gasho. dadka ka xidh oo ka adkee.

Haddaad u korsatay inaad haysato oo adigu daawatana taasi way suuroobi weyday oo ciiddiina way ka bateen xejinna kari weyday. Inta dhaawac ee ay geysteen adna kaa nixiyeena waad ogtay. Qaraar ka gaadh oo runta waajah oo intaanay khasaare kale keenin si dheh. Adiguna reer magaal noqo oo Bisad rabbayso. “Abtow bisaddaadaa korsoo baabullaha jooji.” Haa dee. Salla calee. Waa ku side.

Maanta ayay kula gudboontay inaad masuuliyadda waajahdo oo aad libaaxyada dadka si ka tidhaa. Xabbad baan ku dhuftay ma shaqaynayso.

Doolaal: Dee horta talo wanaagsan ayaad siisay. Haddaba shirkii ku noqo.

Dubbe: Waar shirkan aan kaaga tag la’ay ma waxaan jabkiinii ahayn baad ka filaysaa? Saw waxaa ku riyoonayseen may ahayn inaanu ku kala yaacno? Idiin suuroobimaysee waxaad ka warrantaa. Codkii amaahda aydin ku doonayseen?

Doolaal: Waa maxay codkaanu amaahda ku doonaynay?

Dubbe: Dee goboladii iyo degmooyinkii aydin kiishka ka soo hurgufteen. Illayn qorshe kumaydaan keenine. “Wallee reer aan ogay ma guuro.” Ayay tidhi dacawadii jirtay. Wallee meesha Ina Rayaale ka talinayo ayaan meel gaadhin.

Doolaal: Oo sawtaa nagu raacdeen maxaa u diidi weydeen?

Dubbe: Oo anagu ma dadkaa soo basbaasayseen baanu is hor taagi karaynaa? Ma waxbaa kuu dhiman? Anagu marka horeba gobollo aanu ku ballan qadnay way jireen oo Gabiley iyo Oodweyne ka mid ahaayee. Kuwa kalena uma diidanin ee waxa loo baahan yahay qorshe iyo tartiib.

Doolaal: Haddaa maxaa na leedihiin dee?

Dubbe: waxaanu idin leenahay. Dalkan inaydin hoggaamisaan oo hore u marisaan baa laydin doortay. Inaydin da’da soo socota iyo ta ka dambaysa ka fakirtaan baa laydiin doortay. Ee laydiinma dooran inaydin doorasho uun ka fakirtaan oo awoodda iyo xeerkana ummadda kaga qarraaftaan.

Doolaal: Waar afkaaga hagaaji. Miyaanad nin weyn ahayn oo wax isku falaya. Maanagaa siyaasadda ka qarraafayna?

Dubbe: Haa. Idinka. Waadigii odhan jiray Ingriisi baan aqaannaa ma maqashay “political prostitution” wixiinu waa siyaasad ka qarraaf. Xishood ma leh. Qorshe ma leh. Hab ma leh. Qaab ma leh. Qiimo ma leh.Qoto ma leh. Qaddarin ma leh. Qiyaas ma leh. Qeexid ma leh. Cod amaahiyo ciyi baaryaad ciirsi mooddee carriga ha biin. Ayaannu idin nidhi.

Doolaal: Maxaad cod amaaha uga jeedda?

Dubbe: waxaan uga jeedaa; waa cod aydin hore uga qaadateen Gabiley iyo Oodweyne ayaa haddana mar kale wax kaga doonaysaan lix sanadoo markaa ku fadhideen baa haddana isla dibigii ay lacagtiisa dhiibeen marke ka iibinaysaan.

Doolaal: Dee saw mar uun qaraarka lama gaadho. Hadda ayuu soo dhammaaday.

Dubbe: Caqli yarida Ina Rayaale wuxuu garan waayay; waar dadku hadday lix sannadood ku sugayeen haddaba qorshihii oo isu dhan oo xuduuddii iyo kala xadayntii leh. Oo badhasaabadii iyo Guddoomiye degmooyinkii oo magacaaban. Miisaaniyaddii, shaqaalahii. Sharciayddii oo wda socota mar sii wada daa oo yaan dib laguu sugin. Intuu sidii Aar Gabay-xumihii yidhi. “awrta joojiyaay gabay baa i hayee. ” ee dabadeed yidhi. “ gabadhayda madaxeedu waa kidiga messhaase.” Ayuu Isna yidhi “madaxtooyada ii xidha saddex cisho oo shaxaadka UDUB iga yar joojiya gobollo iyo degmooyin ayaa i hayee” markaasuu birriq ka soo siiyay waxaan dhammays tirnayn. Markaasuu weliba isagu ma sheegine Badhiwale u soo dhiibay. Siduu saddex cisho go’aankaa intaa leeg ugu gaadhi karaa hadduu masuul yahay. Sugule Dun-carbeed oo ah abwaanka Cali Sugule aabihii oo dugsiga dhexe ee Oodweyne ka shqeeya ayaa damcay inuu reerkiisii gaadho markaasuu fasax weydiistay maamulihii Dugsiga. Maamulhii baa yidhi. “toddobaad baan ku fasaxay.” Sugulle ayaa yaabay oo yidhi. “Oo adeer toddobaadka miyaan kaadi tegeyaaa?” bal ninkan dalka dhan wejigiisii saddex cisho ku beddelay eega. Dadku miyay dhoohan yihiin? Isaga oo kale reer Oodweyne magic bay u bixiyaan oo waxay yidhaahdaan. “Qaraar yare.”

Doolaal: Maxaad uga jeeddaa Badhiwale ayuu usoo dhiibay? Madaxweynuhu saw afhayeenkiisa ma adeegsado

Dubbe: Bal waxaad ku hadlayso eeg? Maxaad uga jeeddaa ayaad hadal ka taqaan Bal dal dhan oo aynu lixdiisa gobol u codaynay oo afti u qaadnay oo Distoorka ku qornay ayuu intii in leeg ku darayaa intuu qalin yar ku xarriiqo. Miyaynaan xaq ugu lahayn inuu inna soo hor fadhiisto oo warbaahinta inagala hadlo ama golaha aynu doorannay ee inaga wakiilka ah soo hor fadhiistu ama u yeedho inuu inoo sheego sabata uu qaraarkan u gaadhay. Ma dhaqaale ayaa inoo soo kordhay illayn intii horeba wax umaynaan hayne? Ma duunyo kale ayaa inoo soo korodhay? Ma dadkii baa batay? Ma ka shaqo abuuris baa?ma khilaafkii kala xadaynta ee kuwii hore u jrayba ay gorodda iskula jireen buu xal u helay? Ma baahi aynaan ogayn oo keligii og yahay baa jirta? Goortuu kala xadaynayaa waa goorma? Muxuu ku door biday inuu beel walba halkay degto u gooyo? Magacaabista gobollada iyo degmooyinku maxay ka taraysaa abaartii? Biyo la’aantii? Waddo la’aantii? Musuqmaasuqii? Shaqo la’aantii dhallinyarad? Tahriibtii? Ictiraaf la’aantii?
Saw inuu wax inoo sheego xaq uma lihin? Siciid caddaani waraaq soo malmaluuqye yaa su’aalaha nooga jawaabaya?

Cod amaahiyo ciyi baaryaad ciirsi mooddee carriga ha biin. Ayaannu nidhi.

Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A.Geeljire

No comments:

Post a Comment