Sunday, August 16, 2009

Badheedhaheeda ma sheegtay?

DALJIRE
( Berbera Badheedhaheeda ma sheegtay?)
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Doolaal: Waar Jamaal yarow, halkan keen biyo, qolaadana haashtariyo u dhig. Hablahana la soo dhaqsada dheh shaah oo falaashtii caanaha lahayd soo raaciya ee bilaa sonkorta ahayd. Maansha Allaah, waakan cirkii roobku isa soo qabsaday. Waar waxii Xuseen Cali Xirsi, Afhayeenka UDUB, sheegay eh sidii Daahir Rayaale loo doortayba roobku inagama qaado. Maanta dhankaa bari baabu ka soo curtay.

Dubbe: Wax Allah wax kale oo aydin ku ammaantaan oo uu qabtay markaa garan weydeen ayaa cirka roobkiisa isku qaadeen. Waxan aad daruuraha moodayna waa qiiqii Berbera ka baxay markii mudaaharaadka laga dhigqay. waxii la gubayay miyaanad arkayn.

Doolaal: Oo maxaa laga mudaharaaday inagu ma gaalaynu nahay? Gaaladuunbaa mudaharaadaan maqli jiray. Mise sidiinii baa carruur iyo dumar soo kiciseen? Wellee kursi jacaylkiinna inaydin arlada nagu gubi.

Dubbe: Ma annagu? Waar annagu kan anagaa idiinka lexejeclo badane. Mabaydaan sii joogteen haddaanu wax kicinaynee. Waxa la ga mudaaharadaaday markii aydin iskaraabkii iyo birihii daxalaystay u soo jeesateen intaa laba gaal na soo tusteen oo tidhaahdeen wershad cusub baanu idiin keenaynaa. Car maalin dhow idinkoo lafahii xasuuqa iibinayaa yaan laydin arkin. Sun iyo boog liqa. Waar ma diir baa iyo daaniye. Mid qudhoo naaxsanina kuma jiro. Daaniyaha ayuunbaa jowaan hadhuudha madhiya haddana intii uun leege.
Wallaahi maanta haddaan gabayga aqaan waan ka gabyi lahaa arrintaa Berbera. Yeelkadadeedee aan Hadraawi canjilee intan ciilku iga keenay dhegayso.


Berberaay! Berberaay! Berberaay dhe haddaan
Ilaahay ballankii
Ma nikaad boqratee
Berigii codka siisee
Weliba aad u yar boobtay
Ee abaal uu baxsho daaye
Dekeddii Burqanaysay
iyo Bucsharkaagii xidhay
Ee Bosaaso u geeyey
ayaa Baawarna sheegtay
oo birihii daxalaystiyo
Baaqigii yidhi keena?

Berberaay! Berbeaay! Beerberaay dhe haddaanan
Xumihii ma boodday?
Basar mawga cadhootay?
ma la duushay Budhkii?
Ilaahay ballankiiye
Bafteeda, qacdeeda
Bugteeda higteed
Balawda malawda
Bugaanbugta feedhka
Ilkahaa badhku daatay
Biixiyaa jabaya
Xafiiskii Biyo Guure
iyo kii Badhasaabka
Banngiigii cammirnaa
ee Booligu yiillay
Baguugaa ma ka yeeshay?

Beberraay! Berberaa! Berberaay dhe haddaanan
Adigoo saf ballaadhan
sida Roobka bartiisa
isu soo kala baahshay
bartuu yoolku ahaa
weerar baaxadle weyn
ma ku soo bixiseen?

Miyaan qaylada buuqa
Bilayskii caraaray
intuu buunka afuufay
Birmadkoodu is qoorsan
Bixiyow i badbaadi
Miyaan lays barbar yaacin?

Ilaahay Ballankii
Badahaagiyo Boorka
Wixii dhoof ka baxayaa
Bilaash loo raran maayo
Badheedh mawgu dhawaaqday?
adigoon badh ka dhaafin
Waxaad beerka ku haysay
Bayaan mawgu caddaysay?


Doolaal: Waar gabayna garan mayside buraanburka naga daa. Xafiisyadan xukuumadda ee aydin burburiseenna xisaanb baa ka danbaysa iyo xeer degdega. Ma idinla tay sidaasaa laydinkaga hadhi?

Dubbe: Wuxu yidhi Dallaayad. “Saw tuug alaab lagu hayaa kii habrada maaha?” bal iminka idinkii dhuuman lahaa ee iskaraabka laydinku qabtay ayaa weliba annagii sanka nagaq soo geleya. Waar doorkan “Ma Jidho” dii uu Cabdi Idris odhan jirayna ma shaqaynayso. Illaa Guryahii Qaahira ayaa la hayaa

Doolaal: Gurayhee? Waar wax jira maaha.

Dubbe: Dee kuwan sawirkoodu meel walba yaal ee la yidhi Ina Rayaalaa iibsaday. Bal guryaheena wuu ku leeyay haddana ma jiraan buu ku leeyay. Dafiraad uunbaa ka soo horray. Marka danbe ayay ku waydiinayaan waxay dafirayeen. Waar illayn belaayo...

Doolaal: Tollow goormay war-xume-tashiilnimada iska daynayaan. Waar adeerow sidaad doonto u hayso oo haddaba na daa. Somalida run baa loo sheegaa markaasay male u baydhaa.

Dubbe: Dee inaadeer maxaan sameeyaa? Hayla yaabine ninkani waa ninkii la yidhi aafadii Burco ayuu guri weyn ka dhistay.(aadba uma weyna mar sheedda layga tusay oo aan Boorame tegey eh) Waakii Ina Cigaal (AHN) ku yidhi “ducaqabe, siyaasadda guryaa loo iibiyaa guryo laga iibsado” Ta kale waatan wuxuun la sheegayo oo la leeyahay bad iyo berriba wuu xaalufiyay. Adba waad ogtay.

Doolaal: Waar waxba ma ogine ha noo hoos gelin hadalka. Waar BBCda naga shid. Waa imasadii iminka?. Miyaanay weli gaadhin?

Dubbe: Waar inaga daa taasoo kollay Maxkamdahii iyo Hawiye ayuunbay ka hadlaysaa. Wax isu kay qaban waayay. Dalakeena la yidhi (World Bank)1000 kii carrur ah ee dhashaba 132 baa dhinta. 1000kii 5 jir ka yarna 224 baa dhinta. 10kii kun ee dumar ee umulana 1600 baa isku go’a. 100 kuun (GAVO) oo qof oo waalan baa guryaha ku xidhan.intaas oo dhan daryeel caafimaad la’aantii bay waxaasi u gaadheen. Mashaakilka kale, bukaan socodka, qaaxada, naafada, nafaqo darraanta. Iyaga illow. Iyo waxan kolba la leeyahay daaro ayaa meel laga iibsaday iyo ilkahaa Jarmal lagu soo samaystay. “Isbeedhadhow (inspector) hadal waad deysaa” wallee waa yaab.

(toddobaadka dambe haddii Eebe idmo)
A. Geeljire

No comments:

Post a Comment