Saturday, August 29, 2009

Shir Jaraa’id

DALJIRE


Shir Jaraa’id

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waar maanta maxaa u iman weydeen shirkii jaraa’id ee aan qabtay ee aan warsaxaafadeedka ka soo saaray?

Doolaal: kkkkkk. Ma adigaa shir jaraa’id qabtay? Waar shirka jaraa’id ha caayin.

Dubbe: Oo waayo anigaaba guddoomiye mafrish ahe? Miyaanad arag taagow wasiirro ku-xigeenno, marka laga reebo axmed Xaashi, ayaa qabta shir jaraa’ide?

Doolaal: Oo hadday qabtaan xil qaran bay hayaan ee adigu maxaad haysaa?

Dubbe: Waar xil qaad iyo mirqaan baanu haynaa anaguba ee dhegeyso waxaanu nidhi iyo siduu u dhacay:

Dubbe:
Xxxmmm. Ha lays dhegeysto. Hadda yar kala fadhiisa adeer waan bilaabayaaye. Xxxmmm. Dhammaan bahweynta saxaafadda Somaliland intiina halkan nagu soo sharaftay iyo inta maqanba salaam baan u soo gudbinayaa iyo mahadnaq. Waxa kale oo aan rabaa inaan muujiyo sida aan uga xumahay sida xun ee ay xukuumadda hadda jirtaa ula dhaqanto saxaafadda iyo hawlwadeenadeeda. Gaar ahaan xadhiga iyo garaaca iyo gacan ka hadalka ka baxsan sharciga ee la idiin geysto idinkoo hawshiina xalaasha ah ku guda jira. Waxa xusid mudan Curad, taaftirihii wargeyska Yool oo dulmi lagu xidhay iyo labadii sawir qaade ee midna lagu gaaraacay Dacarbudhuq midna Madaxtooyada horteeda. Waxaan hubaa in idinka iyo dalkaba loo hiilin doono haddii Eebbe idmo.

Intaa dabadeed wax yar baan ka odhanayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan ka dib su’aalaha ayaan idinka qaadayaa oo aan ka jawaabi doonaa. Waxa kale oo aan idin xusuusinayaa anigu inaanan ahayn siyaasi laakiin aan ahay muwaadin caadi ah oo hadalkana sidiisa u yidhaa beelahana magacyadooda ugu yeedha oo aan ku sheegin “beesha daantaa iyo beesha gobolkaa” iyo wax la mid ah. Markaa hadalada qaar ha ka nixina xumaanna haw qaadanina.

Waxa aan ugu horreysiina waxa jira dhawr nin oo Habar yoonis ah oo Ina Rayaale u adeega xukuumaddiisana xilal ka haya oo caadaystay , mid yar oo Ciidagale ah oo marmar qaladamana ku dar, oo caadaystay inay mar walba ka hadlaan dagaalkii sokeeye ee Isaaqa dhex maray iyagoo Ina Rayaale isle difaaca ama taageero u raadiya. Waxa kale oo isna daf inna soo yidhi oday isna Habar Yoonis oo ay kuwaasi keeneen oo Jug-soo dhacay la yidhaa oo isaga oo aan faraxalanba gacanta uun sixniga xaaraanta la geliyay oo halkoodii ka miisay. Haddaba waxaan leeyahay waa iga su’aale ma af reer bay ku hadlayaan mise af xukuumadeed iyo af Ina Rayaale?

Hadday af reer is leeyihiin ku hadla waxaan xusuusinayaa inaanay reerka metelin ee ay Ina Rayaale u shaqeeyaan isla markaa Habar Yoonis ay xisbi walba ku jirto markaa wixii mawqif reer ah hal xubin bay ka yihiin ee arrinta reerka haw dhaafan geedka iyo golaha reerka. Habar yoonis hadday Isaaq wax sheeganayso way taqaan halka Isaaq laga helayo iyo waxay ku odhanayso.

Waxa kale oo is weydiinle dadkan ay ku sheegaan inay dagaalkii sokeeye ee isaaqa masu’uul ka yihiin maxkamaddee ku xukuntay masuuliyaddaa? Goormaase inta gole la soo fadhiisiyay la caddeeyey cid masuul ka ah dagaladii sokeeye ee Isaaqa? Iyagu waxay ahaayeen waxba halkan ka odhan mayo maanta.

Waa ta labaade hadday ku hadlayaan afkii xukuumadda iyo Ina Rayaale. Dee adeer nama qabato ayaanu leenahay. Maanta Ina Rayaale markuu 7 sanno Madaxweyne ahaa ee dadku sharaf ku doorteen ee uu xukumayay haddaanu cod ku doonan karayn mar kale wax uu u qabtay umadda iyo horumar uu gaadhsiiyay midna, dee maaha inuu Isaaq isku diro oo nabarradooda fadho oo qolofta ka qaado. Nama qabato adeer midhkaasi. Hadduu diido inuu ka waantoobo iyo inuu dib uga noqdo oo ku joogi waayo qarannimo guud iyo dadka oo uu walaaleeyo? Waxaanu leenahay ogow Isaaq iyagaa iska kaa xiga ee xamaasad ha gelin. Haddii kale dee waxaanu ku odhan Gadabuursinimadaadu ka deeqdo. Ma ceeb baa midhkaasi dee illayn hadalka lagama sinaystee adeerayaale? Weliba ku darso oo Samarroonna halka uu ka joogo wuu is og yahay oo waxaan dhib iyo ceeb ahayn oo uu soo kordhiyay ma jirto. Weliba iyaga waabuu u Mareexaaneeyaa qaarkood.

Waxa kale oo aan Ina Rayaale weydiinayaa. Waar UDUB miyaanay Habar Jeclo, Habar Awal iyo Arab iyo reeraha kale ee Isaaq ku jirin oo aanay ku taageerin? Halkaad ka waalan tahay markaad qaar leedahay reeraha soo aflagaadeeya amaa colaad abuura ee misna ay xisbigii kugula jiraan isla reerahaad isku diraysay?

Xubnaha Habar Yoonis ee xisbiga UDUB ku jira ee aan ahayn kuwaan sheegay waxaan leeyahay sida reer Somalilandba yihiin xisbi walba dadka in baa ku jirta waana laydunku ixtiraamayaa halkaad ku jirtaan idinkuba sidaa dadka kale halkay ku jiraan ugu ixtiraamaysaan oo muwaadiniin waajibkoodii waddaninimo gudanaya ayaad tihiin laakiin waa inaydaan raalli ka noqon in sifo beeleed laysugu kiin diro dadka aydin wada dhalateen ee guud ahaan reer Somaliland. Codkiinana aan lagu helin keliya Habar jeclo iyo Habar Awal iyo Arab naca Xubnaha kale ee UDUB ee aan Habar Yoonis ahayna waxaan leeyahay. Nimanka iskala hadla oo waxaad tidhaahdaan. Waar adeer haddii Habar Yoonis cid wax ka sheeganayso dagaaladii sokeeye ku saabsan sifo reer ha ugu tagto ciddii ay wax ka sheeganayso ee xisbiga nooga daaya waxan. Haddii kale ordoo cuqaal iyo suldaano noqda oo cimaamado qaata oo xisbiga ka baxa. Bal yaabkan kaalaya.oo nimanku waa caynkee ficil daranaa.

Beelaha Somaliland guud ahaan waxaa ugu baaqayaa walaalnimo iyo wada jir iyo is cafis dhab ah. Isku duubni la’aan dalkeenu jiri mayo. Waar ciddaad doontaan codka siiya oo yaanay taageeradiinu colaad iyo nacayb ku salaysnaan ee talo iyo tilmaan ha ku salaysnaato iyo calool xaadhan.

Waxaan si gaar u tilmaamayaa inaan xumaanta Ina Rayaale Isaaq ka dhex wado marna wax loogu qaadin beesha uu ka soo jeedo ee Samarroon ee sida umadduba ugu hungooday ugu hungooday hoggaankiisa. Xaqiiqaduna waxa weeyey loomaba qabsan karo waayo keligood may dooran kursigana kuma hayaan. Waxa kale oo aan ku baraarujinayaa inaanay xumaanta Ina Rayaale saamayn silbi ah ku yeelan ruux beeshiisa ka soo jeeda oo raadsada ama u tartama madaxnimada dalka ee uu xaqa buuxa u leeyahay.

Ina Rayaalena waxaan leeyahay waxaad ilowday dagaallo badan oo Isaaqa soo dhex maray oo aad codad ku heli lahayd ee aan ku xusuusiyo. Khaakhuulkii Awal iyo Garxajis, kii kale ee Habar Jeclo iyo Habar Yooonis, kii Arab iyo Sacad Muse, kii Caloola Cad,Isdaba roor,Huwan,ninkii Yoonis ee Isaxaaqo Qoton ku dilay, kii Reer Waraabe ee Cabdi Xirsigu Dilay,ninkii Sacad Yoonis ee ninka Biciido Dilay,Qoladii reer Caddaawe ee ninka reer Sahal dishay,Reer Shirdoonkii Xaajiga Gadhka Yogolka ku dilay,dagaalkii Darroor ee HY iyo Ciidagale,ninkii Udurixmiin ee ka Qori Jarato dhaawacay,reer Gobdoon iyo Cabdi Ciise, afartii nine e Ba dhulabante ee doorashadii 1969kii la dilay, “mitid fara yar midhihii bataa kama macaashaan.”, kii reer Dalal ee ninka beer Baho cumar beerta ku dilay. Intaas iyo boqolaal ama kumanaan kiis oo kale oo Isaaqa dhex maray mid walba sanduuq cod ah baad ku heli ee soo hadal qaad.

Nac Allaba..... Ilaahay kuu barakeeyay ee miyaad ka waayaysaa? Hays nacasayn.
Intaa haddaan sidaa ku dhaafo oo aan muranka siyaasiga ah ee dalka ka taagan “midh dhaanwade” ku darsado. waxaan taageersanahy mawqifka odhanaya yaan Ina Rayaale mar dambe loo kordhin ee cid dhex dhexaada ha loo dhiibo. Waayo? Ina Rayaale intii uu kursiga hayay Distoorka qaranka sida dhulka ayuu ugu dul socday oo ku tuntay. Markuu lacagyow iska daabacdo wuu jebiyay. Markuu maxkamad nabadgelyo oo Baarlamaanku xaaraantinimeeyay dhaqan galkooda joojin waayay wuu jebeiyay. Markuu shirakado ajnabi ah wax iskala saxeeday Baarlamaankana keeni waayay wuu jebiyay. Markuu muwaadiinta iska xidhxidhay wuu jebiyay? Markuu muwaadiingta laayay wuu jebiyay? Markuu hantida umadda boobay wuu jebiyay? Markuu xisaab xidh keeni waayay wuu jebiyay? Markuu miisaaniyaddi Wakiiladu ansixiyeen ku dhaqmi waayay wuu jebiyay?

Markaa ma laba qodob oo keli ah ayuumbuu si khaldan u akhriyaa. Eeg adeer sharciga marka la samaynayo wuxuu leeyahay wax la yidhaa afka Ingriiska “the Purpose of the law” oo ah ujeeddada laga leeyahay xeerka. Taas oo marka kelmadahu si cad u fasiri waayaan loo adeegsado fasiraadda xeerka. Sida qodobkan odhanaya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa beddili kara kuwo doorasho ku yimi. Ujeedada kumay jirin in doorashada ogaan iyo ula kac iyo xilgudasho la’aan dib loogu dhigo oo dabadeed lagu dhuunto erayo muhmal geli kara. Ujadeeda xeerku waxay ahayd in doorasho la qabto dabdeed xilka lala kala wareego. You understand? Anigu sidii Ina Rayaale idinn odhan mayo xeerka soo barta laakiin waan idiin sheegayaa si aad daka ugu gudbisaan idinkoo mahadsan.

Raalli ahaada waan ku yar dheeraaday haddana wixii su’aalo ah ayaan diyaar u ahay. Meel walba adduunka kal sarrayn,kala da’aweynaan iyo kala mudnaan jirta aniguna taas anigoo raacaya waxa saxaafaddeena ugu da’aweyn wargeyska Jamhuuraya. Su’aasha koobaad Jamhuuriya ayaan siinayaa.

Jamhuuriya: Madaxweynaha marka muddadiisu dhammaato 6da April wuxuu sheegay inaanu xilka ka degeyn adigu waxaad raacday mawqifkii xisbiga Kulmiye ee ahaa waa inuu ka degaa isla markaa ciidamadii iyo xooggi dalka oo dhan isagaa gacanta ku haysta horena wuu adeegsaday oo dad ku laayay iminka wax iska hortaagayaa ma jiro inuu mar labaad adeegsado maxaa ka filaysaa inuu sameeyo ama maxaad ka odhanaysaa arrintaa?

Dubbe: Waa su’aal wanaagsan. Laakiin waxaan kuu sheegayaa maalinta waqtiga sharciga ahi ka dhaco waxaan ugu baaqayaa ciidamada inaanay amar ka qaadan. Haddii ay ka qaataan ma noqonayaan ciidamo qranan oo sharci ah ee waxay noqonayaa ciidamo xisbi. UDUBna waxay noqonaysa xisbi hubaysan sharciguna ma oggola xisbi ama qabqable dagaal oo hubaysan. Distoorkuna muwaadiniinta wuxuu u fasaxayaa inay naftooda iyo hantidooda ka daafacaaan cidii sifo sharciya isu hubaysa ee weerarta.
Haatuf: Horta anagu saxaafad ahaan sidan aad u hadashay u hadli kari mayno oo beelaha magacdhebi mayno laakiin waxaa ay sheegaan raggaa aad tilmaantay qaar ka mid ahi inuu Ina Rayaale ku jiifo dhabta beeshooda. Maxaa ka jiraa arrintaa?

Dubbe: Waan maqlay inay yidhaahdaan dhabta HY buu ku jiifaa. Laakiin runtu waxa weeye. Kuma jiifo ee dhabta Cawil buu dhuusada ka nuugayaa. Wuxuu ka Helaa buuse leeyahay.

Ogaal: Hadday Guurtidu u kordhiso Madaxweynaha maxaa yeelaysaan?
Dubbe: Dee horta waxaan leeyahay haw kordhinina laakiin hadday dhacdo guddi baanu u saari ka soo talisa.
Ogaal: Oo ma waxaad leedahay waxba meel noogama yaalaan?
Dubbe: Dee su’aalaha dadka kale u daa. Hal su’aal qofkiiba.
Geeska:Xisbiga Mucaaradka ee UCID waa kala mawqif duwan tihiin oo iyagu doorashada waqtiga loo qabtay way oggol yihiin iyo inuu Madaxweynuhu sii joogo. Arrintaa ma ka wada hadasheen?
Dubbe: Adeer aniga ma dabyl-la-hadal baad igu ogeyd?
Saxansaxo: Qoladiinan mucaaradka ah gaar ahaan Kulmiye ma isu aragtaan inaydaan dadka si cad uga dhaadhicin inaydaan doorashada diidanayn laakiin xukuumadda in loo kordhiyo uun diidan tihiin.
Dubbe: Wallaahi arrinkaasi anigiba waa igu yar mudnaa laakiin madaxda xisbiga ayaa taa ka jawaabi.
Waaheen: shirkan iminka madax qaran baad ku aflagaadaysay qabyaalad iyo qudhuna waad ka hadashay ma loo qaadan karaa inaad adigu mashaakilka ka mid tahay?
Dubbe: Ma adeer. Mashaakilka ka mid ma ihiye ninka madaxweyne sheeganaya ee maanta Isaaq isku dirkiisa cod ku doonaya ayaa mashaakilka wada.

Waa inoo toddobaadka dambe haddii eebbe yidhaahdo.

a. Geeljire

No comments:

Post a Comment