Saturday, August 29, 2009

Tanna Ku Darso

DALJIRE
(Tanna Ku Darso)
Shahaadad Madaxweyne

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Waar yaadhaheen. Waar bal sannad wanaagsan. Laba bilood iyo badh miyaa hadal iga haysaan? Maanta cid aan aniga ahayn la dhegeysan maayo.
Doolaal:Ninyow intaasoo dhan inaad aamusi karayso ma moodayne siday wax u dhaceen? Yaa kuu duceeyey?

Dubbe: Mayee wallahi ducana maahee horta laba shay baa isu kay raacay. Waa mide anigoo dadkii qaraxyadii inagaga dhintay dhammaantood ka xumaaday haddana laba nin oo aan aad uga sii xumaaday ayaa ku jiray dhimashadii oo waa marxuum Daahir Cali Iid iyo Xuseen Afgaab. Dhaawaciina rag kale oo Addiino u horreeyo. Midna waa anigoo dalkoo dhan qadarinanay oo masiibadii inagu dhacday la ammusay oo is lahaa yaanu hadal kaa dhicin ee afkaaagaa iska xidho oo cidna juuq haw odhan. Haa.

Doolaal: Horta annagu waanu kaa raysannay oo afxumadaadii Ilaah waa nooga reeyay

Dubbe: Markaa ma qaraxyo kale ha dhacaan baad leeday aad aamustide?

Doolaal: Maya maya. Maar miyuu waalanyay? Mayee inaanu kaa raysannay baan sheegay. Oo waxan aad fireemka soo gelisay ee shahaadadda la moodo ee aad sidataana waa maxay?

Dubbe: Ma tan? Dee waa shahaaadad. Miyaanad arkayn sida ay u xardhantay?

Doolaal: Oo yaa leh?

Dubbe: Dee Ina Rayaalaan u sidaa oo aan siinayaa.

Doolaal: Waar maxaad u jeeddaa?

Dubbe: Dee waxaan u jeedaa mar haddii saaxiibadaydii dadka aan u jeclaa ee saxaafaddu weliba jamhuuraya ay shahaadad siiyeen Ina Rayaale maxaa aniga iga hor taagan? Maxaa cidlada igu reebaya ma nacas baan ahay?

Doolaal: Waaryee ninkii Faysal Cali sheikh gurigii baa ka gubtay. Wallaahi waan ka xumaaday.

Dubbe: ma idinkaa ka xumaada cid wax gaadheen? Ma nimankiina gaadhi dab-demis ah aan soo iibin karayn ee ummadda tacabkeedii sidaa u khasaarinaysa ayaa leh cid baanu ka xumaanay. Allaylehe anagaa ka xumaanay oo aan waxbana u qaban karayn iminka. Waase laga bixi qusurkaa aydin nagu riddeen. Faysalna waxaan leeyahay. Awalba adigaa dhistay iminkana waad dhisan mujaahid ee calool adayg. Ilaahayna u xamdi naq mar hadduu reerkii iyo naftaadiiba kuu badbaadiyay.

Doolaal: waar iminkaad isku kaaya soo qaadiye shahaadadaadaa ku ekow. Waar kii baanu wax isku xusuusinnay. Waar nimanku iyagu waa saxaafad oo waa hay’ade, maxaad adigu ku bixinaysa shahaadadda?

Dubbe: Dee amba saw Ra’iisul mafrish ma ihi? Maxayse iyagu ku bixiyeen ma iyagaa inoo sheegay mise waad weydiisay? Ma xadhigii is-daba-joogga ahaa ee Xasan Siciid ee intay dooxa geeyaan xabadda madaxa kaga qabanayeen bay ku bixiyeen? Ma jamhuuriya oo uu Madaxtooyada ka mamnuucay bay ku bixiyeen? Ma garaacii weriyaasha jamhuuraya ee askarta Madaxtooyada ayay ku bixiyeen? Ma garaacii iyo xadhiggii Curad bay ku bixiyeen? Ma xadhiggii weriyihii Boorame ayay ku bixiyeen? Ma colaadda uu saxaafadda madaxa-bannaan u hayo ayay ku bixiyeen? Ma sharciga saxaafadda ka soo hor jeeda ee uu Wakiilada u geeyay ayay ku bixiyeen? Ma inuu suxufiyiintii cadaadis iyo cagajuglayn iyo xadhig ku hayo ayay ku bixiyeen? Anaga saaxibaday Faysal iyo Xasan waxba noomay sheegin dee aniga iyo odaygii Wegerta? Anna waan ku dayanayaa. Weligaa saaxibadaa lagama hadho. Markay rajactu yidhaahdaan ee la soo noqdaan anna tayda waan kala soo noqonayaa.

Doolaal: Waar isla weynaa. Waar iska daa iyaga oo adigu maxaad ku bixinaysa? Mase kaa aqbalayaa adiga?

Dubbe: Kkkkk. Keebaan aqblayn? Waar isagu mar haddii ay arrintu tahay Hoo ee aanay ahayn Keen wuu qaadanayaa. Weliba anigu waxaan ku siinayo waad garanaysaa.

Doolaal: Waar waxba garanmaayee bad ha na gelinin. Waxaan ku weydiiyay. berigii isugu keen dambeysay waxaas tidhi suxufi baan ahay oo kolba cid baan waraystaa oo marka xigana Kulmiye ayaan waraysanayaa mee waraysigi? Miyaad ka baqatay?

Dubbe: Dhega! Jaw! Waar illayn wuxuu waa waalanyay. Ma xisbigaygaan ka baqday?

Doolaal: Dee haddaa mee waraysigi?

Dubbe: Dee mayee xisbigayagii kormeer buu ka soo fadhiisan waayay. Makarafoonkii iyo xisbigii baan hore isula waayay. Weliba waxa noo dheer qolo Habar Yoonis la yidhaa oo isukaayo feeraarisay.

Doolaal: kkkkk. Waar muxuu yidhi. Haye? Haye?haye? oo side yacnii.

Dubbe: Dee ma sidee bay leeday? Laba boqol oo qaybood bay nagu noqdeen oo sidaanu kolba qaar ula hadlaynay baanu xiiqnay. Wuxuumbaad maqlaysaa.Waa Habar Yoonistii Khadar Ambaasador, waa Hy-tii Deyr, waa Hy-tii Cadami, haa dee. Cadami baanu ku nidhi. Waa Hy-tii ina Gabboose, waa Hy-tii Waddaadda ahayd, Waa Hy-tii adhiilaha ahayd ee Aadan Baradho dhacay . markaa bal intay isu soo ururinayaan waraysi laga qaadi kari maayo ee aan sugno.

Doolaal: Oo markaa halkee wax marinaysaan?
Dubbe:maxaa adiga kaa galay?

Doolaal: Waar anigu ninyow aamuskaagii wax kuu dhaama garan maayo ee iskaga noqo oo iska aamu. Ma haddaad libaaxyadiina baddooda gashay?

Dubbe: Waar aniga kaagaasoo kale aamus ima yidhaaye, tuuladiinii xumayd imisaa iska diiwaan geliyay? Awalba inaydin afar qof tihiiin waa la ogaaye. Laan-gaab fowqal laan-gaab.

Doolaal: Ma anaga? Horta tiradii hordhaca ahayd markay 12 kun kor u dhaaftay baa iigu dambaysay oo weliba dadkiina sidii kuyuuga ugu jiro. Marka ninkii Diiwaangelintu kumbuyuutarkii ka soo saarana kollay 15 kun kor baanu u dhaafaynaa.

Dubbe: ma 12 kun oo keliya? Oo weliba marka kumbuutarkii Ina Baaruud loo diiday lagu soo kariyana aad 15 kun filaysaa? Maxaan sheegayay. Anaga subaxii hore oo keliya ayay 30 kun is diiwaan gelisay.

Doolaal: Waar been iyo faan weynaa.

Dubbe: Oo haddaa madaa run ii sheegay? Waxa la yidhi laba nin oo berigii lixdanadii ee dadka iyo duunayduba yaraayeen wada qayilaya ayuu mid yidhi. “ninyow maanta hadal iguma jiro oo geelayagii baa ceelka la keenay oo dhawr boqol oo shilin baan ku waraabiyay.”

Markaasuu kii kale yidhi “ waar ninyow anigana mushkilad baa i heshay maanta oo islaantii hooyaday ahayd oo barooranaysa ayaa miyigii ka timi oo tidhi “xoolaha ahminkoodi is jebiyay ee wananka 5 jirka ah oo qudha aan 100ka ka tiriyay itaal uma hayo ee haddii aanad naag u guursanayn oo ciidan iyo waxba igu tarayn maad iga soo kaxaysatid uun hawshooda oo aad iibsatid?” markaasuu kii kalena yidhi. “Allah been weynaayeey! Halkee lagu arkay xoolo 100 wan 5 jir ahi ku jiraan?” Markaasuu yidhi kii kale. “ oo haddaa ma geeliinaa Kitikoolaha(coca cola) cabba? Halkee lagu arkay geel 200 shilin lagu waraabiyo. Bal waxaad noogu sheekaynayso eeg. iminka haddaa ma tuuladiina China ku taalla? Miyaanay ahayn meeshii xumaydee afarta shaxda geedka la hoos fadhiyaa joogeen? Mise waxaad leedahay ta ina Rayaaleba waa qaadataane taydana iska qaata?

Waa innoo todobaadka dambe. Haddii Eebbe yimaaddo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment