Saturday, August 29, 2009

Ma Kacdoon Rasmiya baa

DALJIRE
Ma Kacdoon Rasmiya baa?
By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal: Horta Guurtidii geed ma idinku xidhay waataa is waalayseene? Maxaydin samayn kartaan?

Dubbe: Waar kuwaa iga daayoo waxaan idi weydiiyayay nimanyahow anigu waxbaan isku arkay. Waxaan isku arkay;wasiirrada qaar markaan sawirkooda arko ama aan hadalkooda maqlo ayumbay maro nayloo (Nylon)ah oo gubatay ii uraysaa. Ama suntii hargaho. Hindhiso ayuumbaan ku waalanayaa. Ilaahay yaab buu ii keenay. Waa waxaan garan waayay.

Doolaal: Maantuu u darnaaye. Oo waa ayo kuwaad waad leedahy waa marada gubatay?

Dubbe: Waar iska dhaafoo waxan ku weydiiyay. Cabdillahi Cirro ma buuggii yaraa ee xumaa ee Ismaciil yare ayuu khaanadaha xafiiska ka helay mid uu ku ilaabay?

Doolaal: Muxuu ahaa Buuggaad sheegaysaa?

Dubbe: Dee waa kii yaraa ee ay ugu qornayd wixii dhacaba nin Habar Jeclo ah u soo xidh ama Habar Jeclaa samaysay dheh. Mise Ismaciil baa wasiirka Amniga laga dhigayaa ayuu maqlay oo wixii uu samayn jiray samee buu is leeyahay? Haddaba waxaad ku tidhaahdaa boggaa aad akhriday ka ku xiga waxa ku qoranna akhri oo qaado.

Doolaal: Oo maxaa ku qoran?

Dubbe: Waxa ku qoran dukaanada Dubai ee duruucda iyo googaradaha iyo dharka kale ee dumarka ee hadyadda ah laga soo iibiyo. Ka ku siixigana waxa ku qoran markay dumarku khudbadaynayaa ee mimbarka koranayaan sida dirica loogu soo qabto daba socda ee loogu soo ururiyo.

Doolaal: Waar wasiirradu hadday yidhaahdeen dadka ha kala qaybinina oo wixii laga heshiiyay ha soo qaadina ma ceeb bay sameeyeen?
Dubbe:Horta hadalkaasi waa hadal wanaagsan oo ninka yidhaahdaa waxba muu xumayn. Waxaanse ku weydiiyay Haddii uu iminka bahalka waraabha la yidhaa inala hadloo oo inna yidhaahdo waar xoolaha ilaashada oo shilinta ka ilaaliya oo bahalka ka ilaaliya oo meel daaqle geeya oo dayaca ka dhawra miyaynaan yaabneen uun? Miyaynaan itaa uu hadlayo ee inala talinayo afkiisa uun eegneen inaga oo ka fakiraynaa wixii uu xoolo inaga cunay? Iminka markay Cawil iyo Sicid Sulub yidhaadaan dadbaa la kala eryayaa ama laysku dirayaa miyaydaan yaabin uun?

Ta kale ciddaa wax kala qaybisay baanan garan. Faqashna waataynu ka hadallay oo sifaheeda wixii leh ayaa faqash ah. Xukuumadda ina Rayaale ayaa faqash ah. Guddi Nabadgelyo, dad iska xidh, musuqmaasuq, sharci jebin IWM ayaa faqash ah. Marna anagu beelaha maanaan sheegin. Waxaan ku weydiiyay adiga, Ina Rayaale wax wal oo kaleba soo sameeye saw iminka inuu kursiga wax ku dilo umuu soo diyaar garoobin?

Doolaal: Maxaad ku keentay hadalkaa?

Dubbe: Ninka waxaad ogtay soo sameeyay ee musuq leh ee distoor ku tumasho leh ee dad iska xidh leh ee Guurti isaga kordhin le ee aflagaaddo leh ee dhafoor taabasho leh ee beelo iska hor keen leh saw maantana mari mayo waan iska kordhisanayaa yaa wax iga qaadi kara? Ciddii diiday tidhaa muxuu ka yeelayaa? Saw xabbad baan la dhacayaa maaha arrinkiisu?

Doolaal: sidaa adigaa u fasishay ee muddadan yar waa loo baahan yahay oo waa intay doorashadu qabsoomayso.

Dubbe: waxa la yidhi. “ILaahay iyo cambaro madaw kala war la’” waar dadkii wuu kacdoomayaa xeradaa loogu dadaadanayaa muxuu samaynayaa?maxaa kibirka Ina Rayaale iyo dadku aanay iska war hayn. Waxaan hadal dhameeyay nin heestii Cabdi Qays bedelay. Wuxuu yidhi.

Dabylaa rogmanayee
Shicibkaa ruxmanyee
Roomadaa sitaa
Dumarkiyo raggaa
Dibnaa ruugayee
Raacdaynta wada
Reenkay kacshee
Ruuxa loo socdaa
Ma rahii kibraa
Ma ninkaan riddada
Rebshad uga digaa
Ma giriif rasmiya baa
Ma kacdoon rumoobaa
Ma markaan ruqsayn hoo
Rayaalow lahaa baa
Riiq iyo harraad
Raran iyo kulayl
Rako naartu taal
Roonaha Ilaah
Ha ku ruubo oo
Hana kugu rogee
Rafaad aada mudo

Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment