Saturday, August 29, 2009

Hal laba ku dhufo

DALJIRE


Hal laba ku dhufo

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Ma maqashay maahmaahda la yidhaa “hawraareey ninna si kuu yidhi, ninna si kuu qaaday?”

Doolaal: That is called misunderstanding. Is maan dhaaf baa la yidhaa.

Dubbe: Waa markeenii. Weligaabaad markaad maqasho gaalo weftiya ayaa timi ama soo socota aad Ingriisi sheekheedu dhintay oo daxalaysatay ugu tijaabin jirtay aniga.

Doolaal: Go ahead. Muraadkaaga sheego Ingriisida waa la bartaaye.

Dubbe: Horta wax barashadaasaan ku xusuustaye waxa la yidhi oday Ina Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa raggii iyagoo fardo fuushan oo qoryo sita iskuulada la qoray baa macalinkii xisaab u dhigay oo yidhi. “hal laba ku dhufo.(1x2) markaasuu ku jawaabay “dee ku dhuftay oo afar qaaday ee maxaad ka sheegey aad.” Hal laba dhengadadood gogga u geli buu mooday. Is maan dhaaf baa la yidhaa. You understand?

Doolaal: The camel boys are stupid and cruel. They beat the animals. Geeljiruhu waa xayawaan. Xoolihii bay ul la dhacayaan. Inay naf leeyihiin miyaanay ogeyn

Dubbe: Bal ka cid stupid ku sheegaya eega? Waar dhegeyso. Mid yaroo isna ciyaalo iskuul ah oo ololahii reer miyaga loo diray baa odayadii uu wax u dhigayay isagoo u jeeda qora, yidhi. “koofiyad dhig.” Waa iska bixiyeen oo dhulkay dhigeen. “cimaamad dhig.” Waa dhigeen iyana. “shaadh dhig.” “waar ma reer baynu oodaynaa intay yidhaadeen bay iyana bixiyeen. Markii dambe ayuu yidhi. “macawis dhig.” “aar kani macallin maahee inaga keena bay yidhaahdeen oo dareereen. Intaana waanu garan weyney.

Doolaal: what you mean? Maxaad uga socotaa iminka?

Dubbe: waxaan uga socdaa bal dalkan dhan ee cid cid af garata laga la’ yahay ee kolba Ina Rayaale dhan u tukinayo eeg. mar wal oo wax qaso anaguna waxaanu u qaboojinaa arrinta dalka iyo dadka wanaagooda ka taliya isna wuxuu u qaataa inuu naga adkaaday oo kibir baabu ka sii qaadaa. Iminkana Jamac Sweden kii digaagadda cunay ayaabu helay oo markhaati beenaale la garab taagan. Haddaba horaan wax walba u dhignay oo wax dambee oo aanu dhignaa naguma hadhin ee waa halkii Ina Cigaal eh (AHN) “qaawanaanta ayaynu isku arkaynaa.”

Doolaal: What chicken? Jaamac Sweden ma xoor baa waa maxay digaagaduu cunay?

Dubbe: Haddaanu xoor ahayn waa maxay baalashan digaagga ee afkiisa ka soo jeedaa? Horta Jamac Sweden iyo magaca Peace la yidhaa ee gaaladu wadato laysma tuso. Beri buu ka shaqayn jiray hay’ad la yidhaahdo Life and Peace oo gaalo leeday. Musuq buu dabada u qabtay. Xisaab celin buu soo dallacay. Gaalkii baa hal laba si kasta ugu dhuftay oo xisaabtii baa is qaban wayday, ama aan idhaahdee, afar qaadi weyday. Dib buu ugu soo celiyay. Mid ka daran buu haddana jaamac soo dallacay. Gaalkii baa waraaq Nairobi uga soo qoray sadar keli ah. Wuxuu yidhi. “Dear Jama; please eat the eggs but do not eat the chicken.” (beedka cun jaamacow oo digaagadda ha cunin) Haddaba tii buu Interpeace na ula yimi.
Doolaal:Which comes first, the chicken or the egg? Keebaa dunida ku soo horreeyay ma beedka mise digaagadda? Waar qoladiinan mucaaradka ahi doorasha soo gala haddaydin wax isla haysaan hadalka iska daayoo

Dubbe: Waar muxuu ku hadlayaa wuxuu? Halkeed inoola kacday? Horta eraygan mucaarad cid gaar ahi ma leh. Anagu xukuumadda ayaanu mucaarad ku nahay idinkuna golayaasha baarlamaanka ayaa mucaarad ku tihiin ee la soco. Doorashadana Ina Rayaale runta maruun u sheega oo waxaad tidhaahdaan Mugabe ma tihid, Ismacil Cumar Geele ma tihi, Meles Zenawe ma tihid ee wixii inoo wada dan ah yeel oo diiwangelinta yeel.

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment