Friday, August 14, 2009

Hiil Xaq...Dhaliil Guddoomiye

DALJIRE
(Hiil Xaq...Dhaliil Guddoomiye)

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.


Dubbe: Waxaan maqli jiray dadbaa dad ay laayeen haddana taxsidooda taga oo la ooya ehelkii ay dadka ka laayeen. Iminka ma waxa tidhaahdeen waanu ka xunnay gubashadii wershaddii gubatay. Oo weliba guddi baadha ayuu Ina Rayaale haddana u saaray. Hadda waa waa guddi haddana. Iyo guddi kale oo soo qiimaysa khaaraha gaadhay. Kkkk


Doolaal:
Waayo haddaanu ka xumaanno miyaanay hanti dalku leeyahay ahayn? Kiiskana in la baadho saw maaha?

Dubbe: Waar haddaad hantida dalka dan ka leedihiin malaayiinta doolar ee ku bixisaan basaasnimo iyo mafrish hebel maxaa laga lahaa iyo hudheelada lacag siiya yaanay ku shirin dadweynuhu ayaa boqol gaadhi oo dab demis ah ku soo iibin lahaydeene. Lacagta aydin casuumadaha iyo shir beeleedyada ku qabanaysaan qaranka ayaa u baahan in loogu adeego. Aqalka Ina Rayaale Qaahira ka dhistay imisa booyadood ayuu goyn lahaa? Hadday guddi wax taraysana boqollaal guddi oo hore oo uu arrimo u diray baan weli lahayne maye? Waar Ilaahiina ka yaaba oo dalka u adeega.

Doolaal: Guddiyadu hawlahoodii bay ku maqan yihiin. Dalkana dakhligiisu kuma wada filna adeegyada oo dhan. Kolba wixii daruuri ah ayaa la fulinayaa.

Dubbe: Waar intaa eegeysaan jeeb dad kale waxa ku jira ee ta dalkana idinku daldalnaysaan waxba qaban maysaan. Waxaan xusuustaa, horena waan kuugu sheegay, Ina Rayaale oo dekedda Berbera kormeer ku maraya ayaa shaqaalaheeda la shiray. Waxay weydiisteen hal gaadhi oo dhooli ah. (ambulance) wuxuu ugu jawaabay. “markaan Hargeysa ku noqdo ayaan UNHCR ta weydiisan doonaa inay dhooli idiin iibiyaan. Waar UNHCR ma iyadaa dalka leh? Dhooligu kamuu badnayn $10,000. Hadduu cid baryayana Total baa u dhoweyd oo dekeddana adeegsata xoolo xaaraanana ka gurata oo uu ku amri lahaa, laakiin taa isagaa dhawranayay.

Doolaal: Maxaa taa ku jaban saw hay’adaha caalamiga ah wax ma weydiisan karno?

Dubbe: Waar ma waxa wax loo dul qaato ah sheeka xumidiina aydin weliba warbaahinta ka leedihiin “dadkii ku soo ururay wershadda gubanaysa baanu meel aanu ka marno weynay oo dabka ka bakhtiino.” Miyaa ku kaaji lahaydeen illayn hal booyada ma lihidine? Markay shuf beeshay baa Lankruusar miidhan oo qaboojiye leh ku tagteen meeshii oo dadkii meel aydin ka martaan weydeen?

Doolaal: Waar muxuu ku hadlayaa. Dacaayadda rakhiiska ah waan kugu aqaan. Anagu hantida qaranka waanu u gurmanaynaa. Insha Allaah booyadana waanu soo iibin doona haddii durruftu noo saamaxdo. Iminkana dadweynaha ayaanu weydiisannay inay naga caawiyaan.

Dubbe: Haayoo iyana Jaabiri baa ku ballan qaadi inuu keeno oo markaasuu ka noqon oo Al Cayn ku ballan qaadi oo markaasi ka noqon oo Iiraan keeni oo ay ka noqon oo Jarmal keeni oo uu ka noqon oo Maleeyshiya ay ka garaabi oo hoostana ay ka yabi oo wefti shiina ahi iman oo uu ku ballan qaadi oo ay iska tegi. Alla maxaa digo iyo dambas naga iibiseen oo weliba soo idho caddiin? Waar idinka waan idin aqaane weliba intaan iska amusayo ayaa badane waxaan la yaabay dhawr guddoomiye oo dalka madax ka ah.

Doolaal: Waa maxay guddoomiyeyaashuna? Halkaad inoola baydhay? Haddaad doonto baydhoo anaga naga baydhoo. “Ilaahow colkayaga col ku furo.” Baa la yidhi.

Dubbe: Wuxuu ku heesay oo yidhi Cali Sugule. “Wasaaradaha waan dhalliilay. Ma wada dhalliiline qaar baan dhalliilay.” Iminka guddoomiyeyaasha badh baan dhalliilay. Guddomiyaha UCID waan dhalliilay. Guddoomiyaha Guurtidana waan Dhalliilay Kan Maxkamadda Sarena waan dhalliilay.


Doolaal:
Waa maxay dadkan aan is lahayn ee aan wada socon ee aad isku qaaday?


Dubbe:
Horta Guddoomiye Faysal ma jecli inaanu isku soo muruxsanno oo saaxiib baanu nahay. Runtii inaan ka warwareego ayaan jecelay oo waadiga arkay oo intaa aynu mafrishka dadka ku duqaynayno sooma qaado. Dee malaa waana mucaarad. Madaxtooyadaa iyo Rayaalahaa intuu iskala joogo dan kama lihi. Laakiin beryahan laba meelood oo aan ka xanaaqo ayuu farta ka dayn waayay. Waa cayda madaxdii SNM iyo dagaalladii sokeeye ee Isaaqa dhex maray. Waxa la yidhi laba dumar ah oo Soomaliyeed oo dal gaalo jooga ayaa isku booday. Booliskii baa u yimi. “Maxaa dhacay?” bay su’aaleen. Midbaa jawaabtay oo tidhi. “she entered my seas.(badahayga ayay soo gashay)” Guddoomiye haw celin gacanta halkaa. SNM adigu, Guddoomiye adigu, waxba ha odhan. Do not enter SNM seas. Waar bal Dhega. Waar bal lama aragtan kaalaya.

Hadda marka laga hadlayo halgana, ragga dalka ka talinaya ee aad la daaweysatona hoos u eeg Guddoomiye. Bal Rayaale eeg.. Bal Cawil eeg. Bal Ina Sulub eeg. Bal Ina Waran Cadde eeg. Bal C/lahi Cirro eeg. Bal Kenyaati eeg. Bal Qasim Sheekh eeg. Bal Xuseen Dheeraha Xeer Ilaaliyaha ah eeg. Bal Ina Xaaji Daahir eeg. Bal Qaybe, la taliyaha Madaxweynaha eeg. Bal Gananka Nuux eeg. Bal Jamac Gaas Mucaaye eeg. Bal Xasan Gdhweyne eeg. Bal Ina Bullaale eeg. Bal C/raxmaanka Bangiga dhexe eeg. Bal Ganan Suldan Cabdi Guray, Taliyaha Asluubta, eeg. Bal shayaadiinta yar yar ee wada iskaraab cunka, adhi cunka, baloodh cunka, shidaal cunka, idaacad cunka iyo balaayo cunka ku mamay ee haddana soo miliqsanaya eeg. Iyo qaar kaloo badan. Bal intaa aan sheegay mid qudhi dalka mawsoo halgamay anigoo aan ceeb kaleba sheekayn? Wallaahi iyo tii xilood inaan Guddoomiyihii loo taag helayn. Waar yaa Ilaahay yaqaan? Dagaaladiina adigaa ka mid ahaa dadkii nabadaynta iyo heshiiska u soo ban baxay ee dadka heswhiisiinayay markaa maanta inaad lafahaa soo qoddo oo adigoo isle cod ku hel ama cid ku xumee dagaalkii markuu socday aad ka xumaatay soo qoddaa iminka taariikhdaa wanaagsan ayay kaa baabiinaysaa. Guddoomiye maanta cid isku dirka Isaaq cod ku helaysaa ma jirto, wallaahi bay ka tahay, ee fadlan Halkaana farta haw celin. Beelaha kalena yaan laysku dirin. Dadka ha la mideeyo.

Doolaal: Dee horta waad la talisay oo ma xuma. Laakiin sidaad noo weerarto maxaad ugu weeri weyday? Miyaad u yar eexatay ninyow?

Dubbe: Iska dhaafoo. Guddomiyaha Maxkamadda Sarre horta waa mujaahid. Ninkuna mar hadduu derajadaa qaato oo uu danta umadda darteed xabbad shafka ugu dhigay anigu kuma dheereeyo. Laakiin haddii laga tegi waayo waxa muuqata inuu mujaahid fudud yahay. Waxa muuqata inuu wixii laga soo dagaalamay ee caddalad darradu ugu weynayd illaaway. Waxa muuqata inuu xadhigga muwaadiniinta iyo mujaahidiinta ee dulmiga ah jecel yahay. Waxa muuqata inuu gar eexo naqo oo Ina Rayaale dhinaca saaro.

Waxaan leeyahay haddaba. Mujaahid xilka ku saarani wuu ka weyn yahay siyaasadda yar ee maxalliga ah ee Ceel Afweyn taalla. Qaran dhan baad caddaaladiisa masuul ka tahay. Haaa. Hadday Cawil iyo rag kale wax kale kugu yidhaahdeen waa been. Qabyaaladi meesha ma taallo. Waynu ka gudubnay taa. Habar yoonis iyo Habar Jeclo wax xumaan ahi kama dhaxeeyaan. Saleebaanba HY baa kow ka ahayd dadkii doortay. Haynugu layn meesha ee qaranka badbaadi. Muwaadiniintan Jeelka loo dirayo ee maxkamadda jeelka loogu geynayo diid.

Xeerka Lam.14 wuxuu sheegayaa cidda urur doonaysa inay furato waa inay gobol walba ka haystaan ugu yaraan 500 oo taageere. Madaxda Qaran dhaqdhaqaaqay wadeen wuxuu ahaa taageero doon sharciya ee olole doorashu muu ahayn. Haddaanay gobolada tegin oo dadka la kulmin ma E-Mail bay u diri lahaayeen Guddoomiye? Haddii markii maxkamadi odhan lahayd arjigiina aan eegnee na tusa inaad haysataan taageerayaasha xeerku dhigayo. Ma na sii suga aan iminka doonee bay odhan lahaayeen? Guddoomiye xukuumaddan sidii waxarka yar ee hooyadii marna caano ka jaqa marna saarta u dhaqmaysa ee dalkii ragaadisay ee marna musuqaysa oo maal ka guranaysa marna indhaha ka ridaysa xaq darro hawgu hiilin.

Mujaahid Guddoomiye, ha ka eexan Ina Rayaalena ee u hiili markuu xaqa ku joogo. Haddaad wax kale garan weydo adeerkaa Oday, Chief Caqil, Mujaahid, Wasiir Siciid Maxamed Nuur wax weydii. “Baqaa Bari ka row.” Haddana. Nacalaba.

Doolaal: Waar muxuu ku hadlayaa? Waar horta afkaagu miyaanu waxba ka yaqyaqsoon? Halkaad ku aragtay Guddoomiyaha oo noo eexanaya?

Dubbe: Waar wallahi runtaa laysu sheegayaa. Oo miyaanu cabudhsanaanaynaa uun? Waxaad doonaysaan inaad habeenkii la soo faqdaan oo qabyaalad xun u soo sheegtaan iyo shuqul aanu idinla garanayno dabeedna warbaahinta ka tidhaahdaan qabyaalad baa rag wadaan. Haddaa Qarannimo doonaysaanna ahlan wa sahlan. Haddaa qabyaalad doonaysaanna miiska inoo soo dhiga. Yaa ka reer wanaagsantihiin horta? Anagu qaranimo ayaanu dooranaynaa iyo sinaan iyo caddaalad dhex marta beelaha Somaliland oo dhan iyo xisbinimada oo lagu dhaqmo. Sidaas oo keliya ayaa qaran lagu noqon karaa.

Doolaal: Idinkaa qabyaalad wada ee anaga waa nala doortay qarankaanu wakiil ka nahay.

Dubbe: Iska Hadle. Waar Guddoomiye Saleebaan baa ii hadhaye. Guddomiye Saleebaan isna waad ogtay oo waaniga intaa dadka ka hor taagan anna waan qaddariyaa. Odayga waanu kala xishoonaa idinkuna xantii uumbaa la yaacaysaan oo sidii reer Djiboutiga qofkii u geynaysaan sidii farriinta. Yeelkadeedee odaygii beryahan waxba ka garan maayo. Odaygii habrasho ayaa qayrkii ka reebtay. Iyaga iyo Allahoode waxay igu yidhaahdeen. “odaygii arrimo shakhsi ah ayaa kaga xidhan Ina Rayaale.” Waxbay ii sheegeen dee.

Doolaal: Maxay ku yidhaahdeen? Kollay beentiinii bay kuu miiseene.

Dubbe: Waar annagu been ma naqaane. Beri baa nin oday ah oo madax ahaa oo Baarlamaankii, Somaliya markii la ahaa, ku jiray shiriyay beeshiisii iyadoo doorasho jirto. Wixii uu soo qabtay oo dhan buu uga sheekeeyay odayadii beesha. Markuu dhammeeyey ayaa raggii wax ka diideen wuxuu sheegay haddana hore u hadli waayeen .Nin shirka fadhiyay ayaa hadlay oo yidhi. “Waar ama ninka u jawaaba ama lixdan shilin buu igu leeyahay ee iga bixiya anigaa u jawabiye.”

Iminka Guddoomiye Saleebaan waxaan leeyahay Ilaahaybaa kharashka qalliinka ee miskaha keeniye, umaba baahnide malaa da’dii baa ku beddeshaye, ninkan Rayaale dalka ha ku sii dayn.

Berigii dagaalkii 1977kii ayuu Xaaji Dallaayad (AHN) duceeyey oo yidhi. “Ilaahayow weligayo intaanu dawlad legednay kamaanaan soo toosin ee doorkan nala qabo.” Iminka bal mar uun yaa inna tusa Oday Saleebaan oo xaqdarrada legday oo ka soo toosay? Wallee waan la aag malaa. Maxaa Ilaahay na tusay? Isagaaba dhulka isu sii dhigaya. Libaaxii iyo wixii uu berigii ASAD isku sawiri jiray maxay ahaayeen?
Waxaan lahaa waatii berigii xaqdarro lagu xidhay oo xadhigga madaxda Qaran wuu cambaarayn doona. Noo halow. Guddoomiye Xaqa u hiili. Labadan xubnood ee laguu xambaariyayna maruun ka gilgilo oo iska tuur.

Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment