Tuesday, August 25, 2009

Maxaa Is Beddelay?

DALJIRE
(“Maxaa Is Beddelay?”

By A. Geeljire


Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.



Doolaal:
Waar maanta maxaad dhalaalaysaa? Maxaad heshay ninyow?

Dubbe: Ma anigu? Waar dhalaalka waan isaga dhashaye laakiin maanta waxa ii dheer. Mar haddaan 7:30ka beer geel iyo laba farood oo Kurus ah. ka cuno Boodaale ee Khayriyadda u dhowaa ama gabadha halkaa Cabbaaye looga leexdo ku haysa. Oo markay barqadii tahay meelahaa 10:00ka aan Daahir ka caanaha geela ku iibiya halkaa Bangiga ka soo horjeeda ama Doob oo dumbuluqa aan galaas ka tuuro. Dabadeed aan 11:30ka Xagalo hudheelkii Golis ee New Hargeisa u doonto oo aan idhaa “C/lahi yarow. Maant Dhawr baannu nahaye ha nagu soo yarayn oo keen hadda.” Uu yidhaa “Maxaan idiin soo raaciyaa ma waddanidii mise bariis?” Oo illayn wuu iska garanayaaye saddex Xagalo iyo laba Dhuumato geedahii iyo duquskii leh keeno. Oo aan anigoo yar dhididsan ka soo baxo oo idhaado. “waar kii gaadhhigan lahaa mee? Naga daba qaad dheh adeer yarkow.” Oon soo dhaqaaqo oo aan Masno oo halkaa Maaweel ku taal isku soo tuuro oo koobkii liinta ahaa ee aan magaaladaba oollin isku qaboojiyo biyiihiina ka qaato qaadkana isla geedeka hablaha fadhiya ee qaad wanaagga ku caan baxay mid ka qaato inaan dhalaalo miyaanan xaq u yeelan?

Doolaal: Anagaabu na cuni. Waa maxay waxan oo geel ahi; beer geel, caano geel iyo hilib geel. Dee qaad geel umbaa kuu hadhay iyo adigoo muqmad ku qayila.

Dubbe: Waar raashin nin weyni waa hilib geele iska daayo. Waxaan la yaabay dadkan iska xanaaqay markuu Siciid Sulub (Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta) Burco ka yidhi “Maxaa is beddelay? Ina Rayaale awalna waxbaa loo doortay oo raggii la tartarmay baa laga xushay iminka wixii loo doortay weli way jiraane.”

Doolaal: Waar waxaa aad sheegayso ma maqalba anigu. Maxaase looga xanaaqayaa waa runtaaye?

Dubbe: Horta waan garan karaa oo dadkii marka la yidhaa Ina Rayaale ayaa doorasho haddana doonaya ayay boodayaan. Laakiin waxaan leeyahay Wasiirka su’aashiisa uga jawaaba uun dee, qunyar oo dhalatay. Maxaa la xanaaqaysaan?

Doolaal: Oo maxaa ku jira ee lagaga jawaabayaa ee aad sheegaysaa?

Dubbe: Dee waxa loo sheegayaa waxa is beddelay ee uu isagu ugu horreeyo?

Doolaal: Sidee Yacni? Ii bal ballaadhi.

Dubbe “Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaa.” Baa la yidhiye. Horta ma xusuusantahay maalintii aynu maqallay Cawil (Wasiirka Maaliyadda) iyo Ina Sulub baa odayaal Habar Yoonisa ku shiriyay Hotel Ambassador oo yidhi “Habar Awal iyo Habar Jeclo ayaa xukuumaddii inaga ridaya ee aan xukuumadda difaacno oo nimankaa iska celinno.” Dabadeed labadooduba markii arrintii soo baxday aqbaleen inay mafrishii Shacabka ku yaallay ee u dhowaa guriga Madaxweyne Ku-xigeenka yimaaddaan oo arrintaa dadkii reer Somaliland ee ka xumaaday ka qanciyaan.

Doolaal: Haa waan xusuustaa. Laakiin waa kuwii dafiray ee yidhi maanaan odhan hadaladaa.

Dubbe: Waa runtaaye way dafireenne. Siciid Sulub mafrishkii ma ka yidhi “Anagu maanta Isaaq ciil kale uma qabno oo waannu ka aar goosannay mar haddii aannu Ina Rayaale dusha ka saarnay.” Oo ma raaciyay? “Inkasta oo anigu berigaa aan Maryo Alool ahaa.”

Doolaal: Soco.

Dubbe: Waar soco ha na odhane marag baanu kuu qabsannay eh ama noo fur ama waa beentaa na dhe. Waar wuxu waa maxay miyaanu nin weyn ahayn?

Doolaal: Way jirtay.

Dubbe:Ma wada naxnay oo ma is wada eegnay?

Dolaal: Adigu rag aan jeclaysani way jireene iska soco.

Dubbe: Weliba wuxuu yidhi laba goor baanu aar goosannay ee tii kale ayaan illaabay. Horta waxaan leeyahay waxa is beddelay isagaa u horreeya ee oo mar hadduu yidhi Isaaq mar labaad ka aargoosan maynno Dahir Rayaalena intaas uunbaanu u doorannay.Aan tiisaba u raacnee, dee waa is beddel ee waa inuu ku socdaa. Maxaa isaga iska beddelay? Illayn Isaaq “mar kale ka aargoosan maayo eh.” Muraadkii Ina Rayaale uu ka lahaana “wuu dhammaadaye.”

Doolaal: Waar wuu iska kaftamaayay. Arrin qaad baad noo sheegaysaa.


Dubbe:
Waa run oo Cali Gabilayba wuu iska kaftamaayay eh. Waxa kale oo is beddelay. Berigii saleebaan la dooranayay Siciid Sulub ma ahaa raggii u horreeyay ee arrintaba keenay ee taageeray Saleebaan? Wasiiraddii uu Xaaji Cabdi ka cawday ma ahaa.?

Doolaal: Way jirtay.


Dubbe:
Berigaana ma yidhi. “annagu libaax laba jeer raqod ka wada kicin mayno oo mar haddaanu berigii dhoweyd Silaanyo ridnay maanta Saleebaan u dhowaan mayno waanaanu taageyraynna labada beeloodna inay isku soo dhowaadaan baanu jecellay oo Burco midowdo.? Sidiina ma ku hawl galay oo rag sutida maw qabtay?

Doolaal: Way jrtay.

Dubbe: Qoodhaa iyo xeradaaba ku ray. Haddaba maanta Burco midowday ee muxuu ku diidayaa? Taa markaynu ka nimaadno iyo qabyaaladda yar ee laynugu salliday oo ay ‘Land ta weyn u soo noqonno waxa is beddelay aan kuu sheego eh waxaad Siciid tidhaahdaa. Siciidow Somaliland kumay heshiin in kolba qoladii madaxnimada weydaa ka baxdo. Ama koba qoladii haysataa tidhaado haddii nala rido waan baxaynnaa ee horta waxba ha noogu hanjabin reer Awdal baa tegi haddii Rayaale la dooran waayo. Berigii hore waxaydin odhan jirteen haddii Kulmiye qabsado dagaal baa dhici. Markii tii fashilantay baa iminka tidhaahdeen haddii Rayaale la rido Awdal baa tegi. Fadlan reer Awdal cayda ka daaya. Rayaale Awdal maaha, Awdal Rayaale maaha.


Waxaan intaa raaciayay:

1) Barwaaqada darteed
Iyo beri samaad
Haddaad baantayoo
Baarka fidhatayoo
Baal kaa qotomo
Haddaad buuxda maal
Iyo xoolo badan
Haddaad booli qaran
Afka buuxsatoo
Dhereg aad bes tahay
Wax is beddelay Siciid
Dalkii baab’ayoo
Waa busaaradoo
Bakhtiyoo dadkii
Baaxaa degyoo
Bayl daace oo
Beerkuu u yaal

2) Wax is beddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
nagu badhi furyoo
Ballankuu galiyo
Wacadkiise been
Bilaash buuh ahaa
Beel daajiyiyo
Geesi bilan ma noqon
Baraf iyo qabow
Caanaha baqiyo
Bakhtigaa ka kulul
Laga boob dalkii
Sool iyo banan
Boholaa xargagan
Bari iyo Sanaag
Cadaw baa bilcamay

3)Wax isbeddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Bilicday lahayd
Bulshadeena guud
Dhallintii badnayd
Quruxdoodii bii
Baylah buu ku dilay
Rajo beele oo
Balanbaalis iyo
Baal dacar ka fudud
Doonyo beegsadoo
U boqoole dhoof

4)Wax is beddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Markuu baawar (power) helay
Baadil buu xaqii
Beddelkiisa dhigay
Maatada ku boob
Baroortooda maqal
Ba’ay tii tidhaa
Jeel la beegsayoo
Soo qabay bilays

5) Wax is beddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Wayska rogay bustii
Billaduu toshay
Iyo baro shabeel
Boqor buu is biday
Billawuu sitaa
Barre iyo Siyaad
Beeshiisi noqoy
Buri oo Distoor
Gole Baarlamaan
Wayska baal maraa
Buruudkoodi dhimay

6) Wax is beddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Guurtideeni buur
Iyo biro adag ahayd
Ee qaranku beri
Ku badbaadi jiray
Baaqeedu nabad
Barkhad tuu ahaa
Budhcad cad buu ka dhigay
Bakhti gawracoo
Buuquu kacsahba
Barbar taagnaoo
Baashiisa mara

7) Wax is beddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Balwaddiisu xumo
Beeroo colaad
Beelaha dhex gee
Iyo boqol wasiir
Dabay beleliyaan
Kama badato oo
Waxa laga baqaa
Belo inay dhacdee
Bixiyow na bixi


8) Wax is beddelay Siciid
ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Marsadii Berbera
Bennedyoo xidhyoo
Ganacsigii ka baydh
Boosaaso qabay
Baabuurta Qalab
Bagaash Qaada ee
Miyi Beegsataa
Baandada Guubtiyo
Baaruudda nacab
Ku bislaade oo
Ku basbeele hawd
Loomana birmado


9)Wax is beddelay Siciid
Ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Musuq maasuq beer
Badahii dalkiyo
Buurahii daldalay
Bir-libaaxdii guray
Berriyada Carbeed
Ka binaysay guri
Adhigii bucshare
U boqooli jiray
Eebuuxi jiray
Kuwii beec- wa- shire
Bad ku geyn jire
Baabkii yiqiin
Burucaa la jaray
Budulkay cabeen
Xaaji Baradho iyo
Balaqbalaq la sii
Dhinac looga baydh

10) Wax is beddelay Siciid
ninkii beri na dagay
Ee bugux ka yimi
Saw illayn bayuur
Kama baqaba ceeb
Bir magaydo show
Beri shekadeed
Kuma bawsanoo
Bidhaanteed ma arag
Ninka baaqayee
Halgankii birtiyo
Boobaha wax dila
Loogu babac dhigee
Buuraha jarkiyo
Birjeex loo galee
Beerkiyo wadnuu
Boqolaal kunoon
Baqanayn ku go’ay
Inta baaqiyee
Ka badbaadday iil
Naafada bugteen
Cidi baananayn
Agoomaha basaas
Baahi cawlaneen
Biyo dhaansanayn
Halkuu booqan laa
Bugcaddii xornimo
Beertii ka hiray
Ee tubay bannaan

11) wax isbeddelay Siciid
Idin baranayoo
Bahalaa tihiin.
Idn baranayoo
Baas baa tihiin
Idin baranayoo
Belaayaa tihiin
Soo baraarugnee
Naga baxa hadaba

No comments:

Post a Comment