Monday, November 30, 2009

Shahaadad Shiqib

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:Waar miyaanad maanta salaaddii ciidda iman kugumaan arage?

Dubbe:Mayee waanigii imi inkasta oo aan yara habsaamay. Laakiin maxaa inaga raacay dee; sheekheenii wanaagsanaa ee Adan Siiro wuu maqnaaye.

Doolaal:Muu maqanayn ee waakii ina tukiyay ee khudbadda inoo jeediyay.

Dubbe:’ar meel kalaad malaa tagtaye sheekhii ma joogin ee biyahaa soo riix hadda.

Doolaal:Allaylehe adigaa meel kale tegey.

Dubbe:’aar beryahaaba waanu ku qarinaynay ee gurigaagaad ka ambataaye biyaha na sii dee.

Doolaal:’aar ma iminkaad sheekhii aanu shanta tallaabo u j irnayna nagula murmaysaa ee aanu indhahiisa wiilkooda arkaynay dhowaan daraadeed.

Dubbe:Wallah? Dee haddaa malaa sameecad meel kale laga soo duway baa ii dhoweyd. Mid baasoo i ag fadhiyayna waa igu raacay isna. Nin kale ayaan anigu khudbaddiisii dhegeystay hadaa.

Doolaal: “soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.? kumaad dhegeysatay waaba isagii baanu ku leenahay.

Dubbe:Ma ninkii siyaasadda ka hadlayay ee lahaa saddex nin oo indho la’ baa isku keen haysta iyo isbedel doonka iyo waxaa ka hadlayay baa sheekheeni mujaahidka ahaa wanaagsanaa ahaa? Dee waanu ahayn?

Doolaal:Weger. Iska wado laguu tag heli maayee. Yaad dhegeysatay haddaa?

Dubbe:Anigu waxaan dhegeystay Professor As-hari,ninkii sheegan jiray guddoomiyaha Isbedel doonka Subeyr Awal. Ilaahay ha ka aqbalee sheekhu Xajkii buu tegey baa la yidhi.

Doolaal:Wallaahi, waa tii boqolle lagaga tegi jiray eh sheekhii baa hadlayay.

Dubbe:Iga walla haddaanad iminka iigu dhaaran weligay layma soo mariyeen. Ma sheekhan khayrka Ilaahay siiyay ee dadka caawiya ee dadka u dhexda ahaa ee xataa kuwa dhinta xabaalaha u iibiya ee naxashka iyo xafaajiyada bilaashka u siiya ee Baxsaneba iska fadhiiso yidhi ayaa madaxda aflagaadeeyayay baad leeday. Sheekhu ma sideenuu mafrish jooga bal waxaad ku hadlayso day. Laakiin sawdiga dhaartay. Dee haddaa sheekhu waanu lacagaystay eh ma xagga siyaasadda ayaa loo soo hayaa? Iska daayoo manta waa maalintaynu shahaadda sannadka ee hadalxumida bixin jirnay.

Doolaal:Dee adigu is sii yaa kaa hadal xun adiga.

Dubbe:Waar xukuumaddan dadkuba shahaadaha siinayaan baa kuwanna u baahan ee dhegeyso. Horta sannadkii ina dhaafay shahaadadda waxaa ku gulaystay raggan:

1. Mudanane Daahir Rayaale Kaahin: “Ictiraaf looma baahna ee dhaqaalaha ayaa ka muhiimsan” buu yidhi markuu Kuwait waxoogaaga ka soo qaatay sheekha. Mar kale oo uu is lahaa Budhcadbadeeda ayaa lacag lagu heleyaana wuxuu ku yidhi nin gaal ah oo waraystay oo weydiiyay inuu shirka budhcadbadeedda ee Nairobi kaga hadli dooni qaddiyadda ictraafka Somaliland. “maanta ma aha maalin calan iyo safaarad iyo waxaa laga hadlo ee budhcad badeedda ha nalaga caawiyo.”

2. Mudane Siciid Sulub: “markaanu Axmed Siilaanyo rasaasaynay ayay nabaddii soo noqotay.” Ayuu BBC da ka yidhi maalintii 15May ee madaxda Kulmiye la tacshiiradeeyay. Markalena wuxuu yidhi. “SNM dadkii ay laysay baa loo haystaa.”

3. Cali Warancadde: “Daahir Rayaale distoorka ha loo furo mar saddexaad oo aan Djibouti ku dayano.”

4. Cawil: “Isaaq wuu is dilayaa haddii Daahir Rayaale la dooran waayo.”

5. Jamac Biin: “rag baa sidoodii kabaha afka ku qaadi.”

6. Qanayre Afrax, waxaan u jeedaa Maxamed Cabdi Daud: “Guddidayada Nabadgelyadu waa Distoori mar haddaan guddoomiye mid ka noqday.”

7. Xaaji Cabdi Waraabe: “Habar Jeclooy haddaad caddaalad rabtaan horta dhinta, Aakhiro ayay caddaaladi jirtaa.”

8. Idrisi Kiiloo: “Adhigeena duniduba ma rabto oo waa toban kiiloo.”

9. Ina Saleebaan Weyne: “SNM kubka iyo bawdada ayaa lagaga jabay.”

10. Oday,Garaad Xaabsade: “Meeshatan wax la kala doortaa haddeer ma jiraan.” Mar la weydiiyay xisbigee ayaad ku biiri doontaa.

11. Ina Dhoolayare(beeraha): “sidii gafanaha ayaanu uga soo go’nay hantidii umadda.” “Kumanaan jago ayaa la lunsaday oo Ina Rayaale bixiyay ee Ciidagalow maxaa jagadaydan yar ee Masalaha iigu qabsanaysaan?”

12. Cirro: “Kulmiye ayaa Guurtida qarxiyay.”

Waa inoo Qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

1 comment:

  1. Ma Sheekh Adan siiro ayaad leedahay wa Habar awal isbadal doon ah?

    Han ku fahmo, hada ma waxaad leedahay ninki habar awal ee naca kali talisnimada iyo jileeca xisbiga kulmiye ma shambada qabiikla ayad saaraysa?

    Walee daljiro wax ka hadal xun iyo ka cuqdad badan inaan arag!

    ReplyDelete