Monday, November 23, 2009

Yaa iiga Horreeyay 2

Yaa iiga Horreeyay 2

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:waa ayaamahii khayrka badnaa ee xajka ee bal inoo duceeya. Wasiirkii dhintay marxuum Qasim Sheekhna faataxada u mara. Aamiin.

Doolaal:Halkaa ku jooji haddaba. Iska qayil oo wax kale ha odhan.

Dubbe:Waa talo wanaagsane wax badan odhan maayee Somaliland baan waxooga yar weydiina. Tolow mise waan u sheegayaa? Mooji. Adigu kollay waxoogaa yar oo aan sidaa u sii ridnayn baan odhanayaa.

Doolaal:Ciidda dabadeed la sug dee. Mise waad fatahaysaa haddaad yar aamusto?

Dubbe:Ii kaadi. Horta Somalilandey maalin intaa qaadka iska yar deyseen casar maqaaxi ma soo fadhiisateen idinkoo dhawr ah. Magaaladii dad aydaan arki jirin iyo dumar qurux badan oo lugaynaya iyo carruur iyo caalam kale oo aydaan laba socon ma aragteen?

Doolaal:waxbaa arrintaa ka jira eh.

Dubbe:ii kaadi. Koob koob caano leh markaa ka tuurteen wax mays yar weydiiseen? Waxa dalka ka jira ma yar taataabateen? “biyo meel godan bay isugu tagaane” hadalkii Ina Rayaale ma idiinla galay? waxoogaa ma qaadaa dhigteen siduu dalka u baabiiyay sida aanu todoba sanadood oo uu Madaxweyne ahaa waxba u qaban? Ma yaabteen oo ma isweydiiseen waxa uu haddana doorasho ku doonayo?

Doolaal:Haye. Waa markeenee. Ma isku qaadday halkaagii?

dubbe:aan dhameeyo. Ii kaadi. ma tilmaateen sida aanu weligii run u sheegin haddana illayn waa madaxweyne oo ma ka xishooteen oo beenaale ma ku odhankari weydeen? Ma soo qaadeen sida uu hantidii umadda u xaday ee ugu tagri falay? Haddana illayn waa madaxweyne eh ma ka xishooteen inaydin tuug ku sheegtaan? Weliba ku darso oo mid idinka mid ahi ma idin xusuusiyay inuu Faysal Cali Waraabe yidhi weliba qoyskiisuna dhankaa waa kala mid. Ilayn maydaan qayilin oo waa miyir qabtaane,ruuxuna waa qof dumar ahe, xantana waa yara hayseene, sidii waxaan maqlayn mayska dhigteen? Hareeraha intaa eegteen, xxxmmmm ma kaga baxdeen?

doolaal:Bal afxumadooda eeg?

dubbe:Ii kaadi afkaaga jago lagu qabay eh. Weliba mid shacabka ahe. ... wax Allah wax kale oo doorasho ku doonayo markaad weydeen ma laydiin sheegay inuu yidhi. “Isaaq waxba isuma oggola markaa intaan isku diro karana waan isku diri inta kalena lacag baan ku iibsan.” Dabadeed ma yaabteen? Intii reer Awdal ma ka yar khajishay ninkaa sida loo wanaajiyay iyo waxa laga sheegayo. Idinna ma tidhaahdeen waar waxba ha ka xumaanina illayn dadkaa ula siman tihiine. Dabdeed Inankii shaaha maw yeedheen oo xisaabta ma weydiiseen? Aan kacno ma tidhaahdeen oo fadhiya ma laydin yidhi.
Cawil ma soo yar qaadeen. Markuu leeyahay cashuur baanu guraynaa nala eega. Tii hore halkuu geeyay ma is weydiiseen. 2% kii Dhulbahantaha loo guray ma soo qaadeen. Ma yaabteen indho adkaantiisa.sidii Sheekh Cali Ismaaciil (AHN) ee ma tidhaahdeen. Weeyaane,ka ku soo dirayna tuug weyn. Weeyaane adiguna tuug yar.

Doolaal:waar naga qabo taleefnka dhacaya ee na wareeriyay.

Dubbe:Malaa Ahmed Quick Brown Fox. Waar waa isagii oo sheekadii yaa iiga horreeyay intii ka hadhsanayd doonayee. Hallo! Hallo! Haa. Waar waxaan ku idhi beytariga iga dhacaya, qoladanna sheekaan u waday markaa iyaga waan u dhamayne aan adiga tii hore kuu dhameeyee sidaan kuu sheegay Ina Rayaale haddaad u tagto qofkii kaaga horreeyay hadalkiisa ama fixilkiisa ama wejigiisa ayaad ka garan.

· Haddaad u gasho isagoo khaanadda sare ee miiskiisa gacanta bidix illaa suxulka kula jira iyo dhawr bacood oo qurux badan oo dhulka yaalla, Jiciir, maayarka Hargeysa ayaa kaa horreeyay oo waxoogaa kharash ahaa oo is biirsaday intuu maqnaa keenay dhawr hadyadoodna debedda ka keenay. Ha ku raagin tiara ku taagane.

· Haddaad maqasho isagoo leh “ahmedow, u sheeg ninkaa kabaha uu gashan yahay mid baa tii dumarka ah. Tiisii kale qolka fadhiga dumarka ee dusha hortiisa ayaan ku soo dhaafay markaan soo degeyaya. Maxamed Muse Diiriye, maareeyaha TV “Qaranka” ayaa kaaga horreeyay.

· Isagoo leh haddaad maqasho “kan isaga yaa yidhi Dhulbahante wax nooga sheeg. Dhulbahante haddaanu doonayno inaanu wax ka ogaano qaar iyaga ah maanu waynay.” Waxa kaaga horreeyay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Ina Shire.

· Hadduu yidhaado “wadaadnimoy ba’?” waxaa kaaga horreeyay Sheekh Axmed Furre, Gudoomiye ku xigeenka Guurtida.

· Haddaad maqasho isagoo leh. “ma maclaamad quraan buu moodayaa xisbiga. Waa maxay carruurtan uu soo ururriyay. Waa inaan dumarka u sheegaa arrintaa caawa.” Cali Gunnimo ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “shahaadad doon badanaa sawnagii qaar horena siinay.” Suldaan Xiiray baa kaaga horreeyay.

· Haddaad aragto isagoo sawir miiska u saran eegaya oo qoslaya oo leh. “wallaahi inaan Maxamed Qanyare Afrax laga garan. Tolow sidiisiina maw iimaan la’ yahay?” Badhasaabka Hargeysa , maxamed Cabdi Daud ayaa kaaga horreeyay.

· Haddaad aragto isagoo cidhibta dusheedana balastar iskaga dhejinaya oo leh. “sawkuwii lahaa Kulmiye Guulwadayaal ma leh. Kani muxuu ahaa kabaha naga jaray” Cismaan Hindi baa kaaga horreeyay oo qonofka kaga joogsaday isagoo isla sawiraya.

· Hadduu yidhaahdo “bal tuuggan yaree ii arbaca-arbacaynaya ee beenitii aanu dadka u wada sheegaynay aniga iila yimi eeg.” waxa kaaga horreeyay Idris, Wasiirka xoolaha.

· Haddaad maqasho isagoo leh “waxba ma leh. Ilaahay dembayadoo dhan wuu dhaafaa. Maruunbuu Xajka tegi.” Waxa kaa horreeyay Maxamed Macali, Wasiiru dawlaha Gudaha.

· Haddaad maqasho isagoo leh “tolow naanaystii ay kan u bixiyeen maxay ahayd. Sac gartay ee wixii kale muxuu ahaa?” Cismaanka Dumark la shaqeeya ayaa kaa horreeyay.

· Hadduu yidhaado “aniguna Afhayeen baan u magacaabay isna Cunohayeen buu ku darsaday illayn wakan hablaha yaryar cunaha qabanayee.” Siciid Caddaani baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaado “tolow dhengaddii uu odhan jiray waan la dhacayaa halkuu kaga yimi.” Cali Guray baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “sidanaabu iigu shaqaynayaa fiicane maxay haddan mucaaradku ku jecel yihiin? Cajiib!” Mu’addinka ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaado “ma booskii Oodweynaa wuu soo socdaa uun oo ii dhiibtaas ayuumbuu hayaaye” jago ayaa madax martay oo uu ku halmaamay ee wuxuu u jeedaa “ma Buskii Oodweynaa.” Waxa kaaga horreeyay xildhibaan Obsiiye,(Gacan)Guuritida ah oo uu waxba deeqsiin waayay.

· Hadduu yihaahdo. “kani markuu gabyayo ama uu ii codaynayo ayuumbuu miyir qabaa” xildhibaan Dheeg baa kaaga horreeyay.

· Hadduu C/lahi Darawal kula caayo Suldaan Barre ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “waar ninka sheekadiisu xumaa. Waxaan dilkii C/rashiid Cali Sharma-arke ahayn miyaanu aqoon. Madaxweynayaasha miyaa madaxweyne la dilay looga sheekeeyaa” Ina Saqadhi(taliyeMooge) taliayah Booliska ayaa kaaga horreeyay

· “ha iska tabar darraadee waa nin wanaagsan” isagoo leh haddaad maqasho wasiirka diinta iyo Awqaafta ayaa kaaga horreeyay

· “ Baarqabada Kulmiye ayuumbuu ku dhex dhuumanayay ee fariidnimo kalama iman kani’ isagoo leh haddaad maqasho Cabdi Haybe, wasiirka Caafimaadka ayaa kaaga horreeyay.

· “Waa runtiisa Somaliland jiri mayso oo waa lagu kala dareeri haddii...” isagoo waxaa dhuraya haddaad u gasho Cali Gabiley ayaa kaaga horreeyay.

· Xaaskii Ina Cigaal iyo siday guriga uga bixi weyday berigii marxuumkii geeriyooday iyo waxaa haduu kula galo Xildhibaan Dable ayaa kaaga horreeyay.

· haddaad maqasho isagoo leh “hawkii la lahaa Cumar Carte baan dhirbaaxay C/raxmaan Tuurna makarafoon baan ka qaaday Saleebaan Gaal muu ka baqayaa” Cabdillahi Dheere, xoghayaha Guurtida ayaa kaaga horreeyay.

· “ma ka waxan oo carabi ah iyo arrimi ah soo qoray ee odhaahdii ahay “UDUB waa Daahir Rayaale, Daahir Rayaalena waa UDUB” bixiyay ayay xabaal duntay ku sheegayaan.” Rashiid Buur baa kaaga horreeyay.

Ah. Wakaa iga go’ay anigoon dhammayn. Waa inoo qoraalka kale.

A. Geeljire

No comments:

Post a Comment