Monday, November 30, 2009

Shahaadad Shiqib

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Doolaal:Waar miyaanad maanta salaaddii ciidda iman kugumaan arage?

Dubbe:Mayee waanigii imi inkasta oo aan yara habsaamay. Laakiin maxaa inaga raacay dee; sheekheenii wanaagsanaa ee Adan Siiro wuu maqnaaye.

Doolaal:Muu maqanayn ee waakii ina tukiyay ee khudbadda inoo jeediyay.

Dubbe:’ar meel kalaad malaa tagtaye sheekhii ma joogin ee biyahaa soo riix hadda.

Doolaal:Allaylehe adigaa meel kale tegey.

Dubbe:’aar beryahaaba waanu ku qarinaynay ee gurigaagaad ka ambataaye biyaha na sii dee.

Doolaal:’aar ma iminkaad sheekhii aanu shanta tallaabo u j irnayna nagula murmaysaa ee aanu indhahiisa wiilkooda arkaynay dhowaan daraadeed.

Dubbe:Wallah? Dee haddaa malaa sameecad meel kale laga soo duway baa ii dhoweyd. Mid baasoo i ag fadhiyayna waa igu raacay isna. Nin kale ayaan anigu khudbaddiisii dhegeystay hadaa.

Doolaal: “soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa.? kumaad dhegeysatay waaba isagii baanu ku leenahay.

Dubbe:Ma ninkii siyaasadda ka hadlayay ee lahaa saddex nin oo indho la’ baa isku keen haysta iyo isbedel doonka iyo waxaa ka hadlayay baa sheekheeni mujaahidka ahaa wanaagsanaa ahaa? Dee waanu ahayn?

Doolaal:Weger. Iska wado laguu tag heli maayee. Yaad dhegeysatay haddaa?

Dubbe:Anigu waxaan dhegeystay Professor As-hari,ninkii sheegan jiray guddoomiyaha Isbedel doonka Subeyr Awal. Ilaahay ha ka aqbalee sheekhu Xajkii buu tegey baa la yidhi.

Doolaal:Wallaahi, waa tii boqolle lagaga tegi jiray eh sheekhii baa hadlayay.

Dubbe:Iga walla haddaanad iminka iigu dhaaran weligay layma soo mariyeen. Ma sheekhan khayrka Ilaahay siiyay ee dadka caawiya ee dadka u dhexda ahaa ee xataa kuwa dhinta xabaalaha u iibiya ee naxashka iyo xafaajiyada bilaashka u siiya ee Baxsaneba iska fadhiiso yidhi ayaa madaxda aflagaadeeyayay baad leeday. Sheekhu ma sideenuu mafrish jooga bal waxaad ku hadlayso day. Laakiin sawdiga dhaartay. Dee haddaa sheekhu waanu lacagaystay eh ma xagga siyaasadda ayaa loo soo hayaa? Iska daayoo manta waa maalintaynu shahaadda sannadka ee hadalxumida bixin jirnay.

Doolaal:Dee adigu is sii yaa kaa hadal xun adiga.

Dubbe:Waar xukuumaddan dadkuba shahaadaha siinayaan baa kuwanna u baahan ee dhegeyso. Horta sannadkii ina dhaafay shahaadadda waxaa ku gulaystay raggan:

1. Mudanane Daahir Rayaale Kaahin: “Ictiraaf looma baahna ee dhaqaalaha ayaa ka muhiimsan” buu yidhi markuu Kuwait waxoogaaga ka soo qaatay sheekha. Mar kale oo uu is lahaa Budhcadbadeeda ayaa lacag lagu heleyaana wuxuu ku yidhi nin gaal ah oo waraystay oo weydiiyay inuu shirka budhcadbadeedda ee Nairobi kaga hadli dooni qaddiyadda ictraafka Somaliland. “maanta ma aha maalin calan iyo safaarad iyo waxaa laga hadlo ee budhcad badeedda ha nalaga caawiyo.”

2. Mudane Siciid Sulub: “markaanu Axmed Siilaanyo rasaasaynay ayay nabaddii soo noqotay.” Ayuu BBC da ka yidhi maalintii 15May ee madaxda Kulmiye la tacshiiradeeyay. Markalena wuxuu yidhi. “SNM dadkii ay laysay baa loo haystaa.”

3. Cali Warancadde: “Daahir Rayaale distoorka ha loo furo mar saddexaad oo aan Djibouti ku dayano.”

4. Cawil: “Isaaq wuu is dilayaa haddii Daahir Rayaale la dooran waayo.”

5. Jamac Biin: “rag baa sidoodii kabaha afka ku qaadi.”

6. Qanayre Afrax, waxaan u jeedaa Maxamed Cabdi Daud: “Guddidayada Nabadgelyadu waa Distoori mar haddaan guddoomiye mid ka noqday.”

7. Xaaji Cabdi Waraabe: “Habar Jeclooy haddaad caddaalad rabtaan horta dhinta, Aakhiro ayay caddaaladi jirtaa.”

8. Idrisi Kiiloo: “Adhigeena duniduba ma rabto oo waa toban kiiloo.”

9. Ina Saleebaan Weyne: “SNM kubka iyo bawdada ayaa lagaga jabay.”

10. Oday,Garaad Xaabsade: “Meeshatan wax la kala doortaa haddeer ma jiraan.” Mar la weydiiyay xisbigee ayaad ku biiri doontaa.

11. Ina Dhoolayare(beeraha): “sidii gafanaha ayaanu uga soo go’nay hantidii umadda.” “Kumanaan jago ayaa la lunsaday oo Ina Rayaale bixiyay ee Ciidagalow maxaa jagadaydan yar ee Masalaha iigu qabsanaysaan?”

12. Cirro: “Kulmiye ayaa Guurtida qarxiyay.”

Waa inoo Qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire

Monday, November 23, 2009

Yaa iiga Horreeyay 2

Yaa iiga Horreeyay 2

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:waa ayaamahii khayrka badnaa ee xajka ee bal inoo duceeya. Wasiirkii dhintay marxuum Qasim Sheekhna faataxada u mara. Aamiin.

Doolaal:Halkaa ku jooji haddaba. Iska qayil oo wax kale ha odhan.

Dubbe:Waa talo wanaagsane wax badan odhan maayee Somaliland baan waxooga yar weydiina. Tolow mise waan u sheegayaa? Mooji. Adigu kollay waxoogaa yar oo aan sidaa u sii ridnayn baan odhanayaa.

Doolaal:Ciidda dabadeed la sug dee. Mise waad fatahaysaa haddaad yar aamusto?

Dubbe:Ii kaadi. Horta Somalilandey maalin intaa qaadka iska yar deyseen casar maqaaxi ma soo fadhiisateen idinkoo dhawr ah. Magaaladii dad aydaan arki jirin iyo dumar qurux badan oo lugaynaya iyo carruur iyo caalam kale oo aydaan laba socon ma aragteen?

Doolaal:waxbaa arrintaa ka jira eh.

Dubbe:ii kaadi. Koob koob caano leh markaa ka tuurteen wax mays yar weydiiseen? Waxa dalka ka jira ma yar taataabateen? “biyo meel godan bay isugu tagaane” hadalkii Ina Rayaale ma idiinla galay? waxoogaa ma qaadaa dhigteen siduu dalka u baabiiyay sida aanu todoba sanadood oo uu Madaxweyne ahaa waxba u qaban? Ma yaabteen oo ma isweydiiseen waxa uu haddana doorasho ku doonayo?

Doolaal:Haye. Waa markeenee. Ma isku qaadday halkaagii?

dubbe:aan dhameeyo. Ii kaadi. ma tilmaateen sida aanu weligii run u sheegin haddana illayn waa madaxweyne oo ma ka xishooteen oo beenaale ma ku odhankari weydeen? Ma soo qaadeen sida uu hantidii umadda u xaday ee ugu tagri falay? Haddana illayn waa madaxweyne eh ma ka xishooteen inaydin tuug ku sheegtaan? Weliba ku darso oo mid idinka mid ahi ma idin xusuusiyay inuu Faysal Cali Waraabe yidhi weliba qoyskiisuna dhankaa waa kala mid. Ilayn maydaan qayilin oo waa miyir qabtaane,ruuxuna waa qof dumar ahe, xantana waa yara hayseene, sidii waxaan maqlayn mayska dhigteen? Hareeraha intaa eegteen, xxxmmmm ma kaga baxdeen?

doolaal:Bal afxumadooda eeg?

dubbe:Ii kaadi afkaaga jago lagu qabay eh. Weliba mid shacabka ahe. ... wax Allah wax kale oo doorasho ku doonayo markaad weydeen ma laydiin sheegay inuu yidhi. “Isaaq waxba isuma oggola markaa intaan isku diro karana waan isku diri inta kalena lacag baan ku iibsan.” Dabadeed ma yaabteen? Intii reer Awdal ma ka yar khajishay ninkaa sida loo wanaajiyay iyo waxa laga sheegayo. Idinna ma tidhaahdeen waar waxba ha ka xumaanina illayn dadkaa ula siman tihiine. Dabdeed Inankii shaaha maw yeedheen oo xisaabta ma weydiiseen? Aan kacno ma tidhaahdeen oo fadhiya ma laydin yidhi.
Cawil ma soo yar qaadeen. Markuu leeyahay cashuur baanu guraynaa nala eega. Tii hore halkuu geeyay ma is weydiiseen. 2% kii Dhulbahantaha loo guray ma soo qaadeen. Ma yaabteen indho adkaantiisa.sidii Sheekh Cali Ismaaciil (AHN) ee ma tidhaahdeen. Weeyaane,ka ku soo dirayna tuug weyn. Weeyaane adiguna tuug yar.

Doolaal:waar naga qabo taleefnka dhacaya ee na wareeriyay.

Dubbe:Malaa Ahmed Quick Brown Fox. Waar waa isagii oo sheekadii yaa iiga horreeyay intii ka hadhsanayd doonayee. Hallo! Hallo! Haa. Waar waxaan ku idhi beytariga iga dhacaya, qoladanna sheekaan u waday markaa iyaga waan u dhamayne aan adiga tii hore kuu dhameeyee sidaan kuu sheegay Ina Rayaale haddaad u tagto qofkii kaaga horreeyay hadalkiisa ama fixilkiisa ama wejigiisa ayaad ka garan.

· Haddaad u gasho isagoo khaanadda sare ee miiskiisa gacanta bidix illaa suxulka kula jira iyo dhawr bacood oo qurux badan oo dhulka yaalla, Jiciir, maayarka Hargeysa ayaa kaa horreeyay oo waxoogaa kharash ahaa oo is biirsaday intuu maqnaa keenay dhawr hadyadoodna debedda ka keenay. Ha ku raagin tiara ku taagane.

· Haddaad maqasho isagoo leh “ahmedow, u sheeg ninkaa kabaha uu gashan yahay mid baa tii dumarka ah. Tiisii kale qolka fadhiga dumarka ee dusha hortiisa ayaan ku soo dhaafay markaan soo degeyaya. Maxamed Muse Diiriye, maareeyaha TV “Qaranka” ayaa kaaga horreeyay.

· Isagoo leh haddaad maqasho “kan isaga yaa yidhi Dhulbahante wax nooga sheeg. Dhulbahante haddaanu doonayno inaanu wax ka ogaano qaar iyaga ah maanu waynay.” Waxa kaaga horreeyay Wasiiru Dawlaha Caafimaadka Ina Shire.

· Hadduu yidhaado “wadaadnimoy ba’?” waxaa kaaga horreeyay Sheekh Axmed Furre, Gudoomiye ku xigeenka Guurtida.

· Haddaad maqasho isagoo leh. “ma maclaamad quraan buu moodayaa xisbiga. Waa maxay carruurtan uu soo ururriyay. Waa inaan dumarka u sheegaa arrintaa caawa.” Cali Gunnimo ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “shahaadad doon badanaa sawnagii qaar horena siinay.” Suldaan Xiiray baa kaaga horreeyay.

· Haddaad aragto isagoo sawir miiska u saran eegaya oo qoslaya oo leh. “wallaahi inaan Maxamed Qanyare Afrax laga garan. Tolow sidiisiina maw iimaan la’ yahay?” Badhasaabka Hargeysa , maxamed Cabdi Daud ayaa kaaga horreeyay.

· Haddaad aragto isagoo cidhibta dusheedana balastar iskaga dhejinaya oo leh. “sawkuwii lahaa Kulmiye Guulwadayaal ma leh. Kani muxuu ahaa kabaha naga jaray” Cismaan Hindi baa kaaga horreeyay oo qonofka kaga joogsaday isagoo isla sawiraya.

· Hadduu yidhaahdo “bal tuuggan yaree ii arbaca-arbacaynaya ee beenitii aanu dadka u wada sheegaynay aniga iila yimi eeg.” waxa kaaga horreeyay Idris, Wasiirka xoolaha.

· Haddaad maqasho isagoo leh “waxba ma leh. Ilaahay dembayadoo dhan wuu dhaafaa. Maruunbuu Xajka tegi.” Waxa kaa horreeyay Maxamed Macali, Wasiiru dawlaha Gudaha.

· Haddaad maqasho isagoo leh “tolow naanaystii ay kan u bixiyeen maxay ahayd. Sac gartay ee wixii kale muxuu ahaa?” Cismaanka Dumark la shaqeeya ayaa kaa horreeyay.

· Hadduu yidhaado “aniguna Afhayeen baan u magacaabay isna Cunohayeen buu ku darsaday illayn wakan hablaha yaryar cunaha qabanayee.” Siciid Caddaani baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaado “tolow dhengaddii uu odhan jiray waan la dhacayaa halkuu kaga yimi.” Cali Guray baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “sidanaabu iigu shaqaynayaa fiicane maxay haddan mucaaradku ku jecel yihiin? Cajiib!” Mu’addinka ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaado “ma booskii Oodweynaa wuu soo socdaa uun oo ii dhiibtaas ayuumbuu hayaaye” jago ayaa madax martay oo uu ku halmaamay ee wuxuu u jeedaa “ma Buskii Oodweynaa.” Waxa kaaga horreeyay xildhibaan Obsiiye,(Gacan)Guuritida ah oo uu waxba deeqsiin waayay.

· Hadduu yihaahdo. “kani markuu gabyayo ama uu ii codaynayo ayuumbuu miyir qabaa” xildhibaan Dheeg baa kaaga horreeyay.

· Hadduu C/lahi Darawal kula caayo Suldaan Barre ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo “waar ninka sheekadiisu xumaa. Waxaan dilkii C/rashiid Cali Sharma-arke ahayn miyaanu aqoon. Madaxweynayaasha miyaa madaxweyne la dilay looga sheekeeyaa” Ina Saqadhi(taliyeMooge) taliayah Booliska ayaa kaaga horreeyay

· “ha iska tabar darraadee waa nin wanaagsan” isagoo leh haddaad maqasho wasiirka diinta iyo Awqaafta ayaa kaaga horreeyay

· “ Baarqabada Kulmiye ayuumbuu ku dhex dhuumanayay ee fariidnimo kalama iman kani’ isagoo leh haddaad maqasho Cabdi Haybe, wasiirka Caafimaadka ayaa kaaga horreeyay.

· “Waa runtiisa Somaliland jiri mayso oo waa lagu kala dareeri haddii...” isagoo waxaa dhuraya haddaad u gasho Cali Gabiley ayaa kaaga horreeyay.

· Xaaskii Ina Cigaal iyo siday guriga uga bixi weyday berigii marxuumkii geeriyooday iyo waxaa haduu kula galo Xildhibaan Dable ayaa kaaga horreeyay.

· haddaad maqasho isagoo leh “hawkii la lahaa Cumar Carte baan dhirbaaxay C/raxmaan Tuurna makarafoon baan ka qaaday Saleebaan Gaal muu ka baqayaa” Cabdillahi Dheere, xoghayaha Guurtida ayaa kaaga horreeyay.

· “ma ka waxan oo carabi ah iyo arrimi ah soo qoray ee odhaahdii ahay “UDUB waa Daahir Rayaale, Daahir Rayaalena waa UDUB” bixiyay ayay xabaal duntay ku sheegayaan.” Rashiid Buur baa kaaga horreeyay.

Ah. Wakaa iga go’ay anigoon dhammayn. Waa inoo qoraalka kale.

A. Geeljire

Monday, November 9, 2009

DALJIRE - Yaa iiga Horreeyay

DALJIRE

Yaa iiga Horreeyay

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:...Ukaadi,ukaadi. Waar bal intaynaan muranka gelin horta aan laba arrimood is dhaafino. Waa mide waa ayaamahii khayrka lahaa ee bisha xajka ee KU-xigeenkii sheikh Axmed Yusuf Yasiin In Ilaahay Caafimaad sareecanna siiyo oo nabad ku soo celiyo maxaa tidhaahdeen? Ha samaatoo ha la helo. Aamin. Haa dee illayn siyaasaddu inay bahalo inaga dhigto oo dadnimada inaga kaxayso maaha eh. Waa ta labadaade weligayba xafladahaan ka habsaamaaye jaamacadda Timacade ee Gabiley laga furayna hambalyo iyo bogaadin ayaynu u diraynaa haddaynu mafriska nahay ee haynaga guddoomaan. Waa ta saddexaade duco guud inoo wada duceeya in Ilaahay dad iyo dal iyo duunyaba inoo barakeeyo oo cidhib khayr leh inaga reebo. Maxaa tidhaadeen? Ha samaatoo ha la helo. Ku rid fooxa. Daaqadahana inaga yar fura. Nebiga ku salliya. Alaahuma salli wa sallim wa baarik caleeh.

Doolaal:Waaryee waa maalmaalintii uu suufiga noqon jiraye. Tolow muxuu isla wanaajinayaa manta.

Dubbe:Haddaba aan iska bilaabanee waxaan idin weydiiyay. Ninkan sheekha ah ee markii Komishan cusub la magacaababa Ina Rayaale Dirirdhabe ka keeno ee iminkana Ina Cambaro yar sido uuni muxuu ahaa? Me sheekhii berigii doorashadana wax akhriyi jiray baa?

Doolaal:Ma sheikh maxamed baad sheegaysaa?

Dubbe:Waar anigu wax kale garan maayee bal sheekhaa ha lays weydiiyo oo Komishanka wuxuu ka qabto ha lays weydiiyo oo Ina Cambaraya waxa ku maray ha lays weydiiyo oo wuxuu akhriyayo ha lays weydiiyo.

Doolaal:Waar waa caadi sheekho. Waa iska caadi weeyaan. Ha shakiyin.

Dubbe:Ta kale ee aan idin leeyahay is weydiiya Somalilandey waxa weeyey. Marka la leeyahay xukuumaddii baa nin soo qaban kari weyday siday wax u jiraan? Anigu waxaan qabaa inay xukuumadu qaldan tahay. Waayo markay sharcigii jeebka ku ridatay ee ay caddaalad darro joogta ah ku kacdo ee kolba lagu yidhaahdo CID da ayaa lagaa doonayaa adigoon waxba samayn, oo ay guddi nabad gelyo oo aan distoorka waafaqasnayni iska kaa xidho dee waxay noqonaysaa in dadku diido. Waxasi saw wixii laga dagaalamay maaha?

Doolaal:haddaan dadku sharciga u hogaansanaan dalku jiri mayo ee maaha in beeluhu rag difaacaan.

Dubbe:Waar ma Jamac Biin oo dhaxanta dhidida ayaa caddalad ah? Wuxuu yidhi. Ma maqlaysay. Waa ninka yidhi. “Nimanka boolisku doonayo marka hore dembi kumaanaan haysan ee markay xadhigii diideen baanu amar diido ku haysanaa.” Haddan dembi lagu haysan muxuu boolisku u soo qabanayay? Ma Taliye Mooge ayaanu weydiinaa isna ha yidhaahdo ma ogiye. Waar dalkan sidan ka daaya waxaa waddaan waanu ognahaye.

Doolaal:maxaanu wadnaa? Waar qabo taleefankan dhacaya. Ma kagiiba.

Dubbe:mee? Aniga kaygu sidaaba uma ciyo eh. Aar bal cumaamadda kor u qaad. Qaadka qaad. Beladu halkuu ka qaylinayaa.

Doolaal:Waakan waakan ee hoo. Go’ye iska daa. Waa lambar debedda ah.

Dubbe:Haa. Lambarkaan gartay. Waa nin dhallinyaro ah oo Ahmed Quick baa lay yidhaahdaa buu yidhi oo xalay buu ila soo hadlay oo su’aalo badan i weydiiyay. Inaan anigu wax walba ogay buu moodayaa.

Doolaal:Muxuu ku weydiiyay?

Dubbe:Wuxuu yidhi inaan imaadaan doonayaa dalka iiga warran. Adigu hadla wayska badnaaye waxaa ugu door roonaa, waxaan ku idhi qoladiina qurba jooggu markaad timaaddaan kollay Ina Rayaale waa u tagtaane aan dabeecadihisa wax kaaga sheego. “u tagi mayo” buu yidhi. Yeelkee iska dhegeyso baan idhi.

Waxaan idhi markaad u gasho ciddii kaaga horreysay baad ama hadlakiisa ama wejigiisa ama ficilkiisa ka garanaysaa. Waxaan idhi markaad u gasho

· Hadduu Habar Awal kula caayo ama ka cawdo oo yidhaahdo “xaafad halkan ah iyo
labadeeda joornaal baan khaati ka jogaa. Cawil baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo Berbera wixii dekedda galbeedkeed ka xiga Adan Ciise cidi kuma weheliso.Kuxigeenkii baa kaaga horreeyey

· Hadduu dumarka Kulmiye iyo xaasaska kulmiye wax ka sheego Cabdillahi Ducaale ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu kuugu dhaarto inaanu jirin nin Dhulbahante ah oo Somaliland aaminsane. Qaybe ayaa kaa horreeyay.

· Haddaad u gasho isagoo kaalkulatar(calculator) ku foorara oo gawdaa ku haya. General Nuux baa kaaga horreyay oo xisaabtii caaglaha ayaa is qaban la’.

· Markaad u gasho haddaad aragto isagoo shandad ku sii riixaya miiska hoostiisa. Cali Xoorxoor baa kaaga horreeyay.

· Hadduu markaad u gasho ku yidhaahdo xoghaynta. “axmedow hadda orodoo inta guri ee dhismuhu ku socdo shacabka soo qor.” Siciid Sulub baa kaaga horreyay oo xisaab qalday.

· Hadduu yidhaado Qof sharciga ka weyni ma jiro waa in la xidhaa iyo hanjabaad. Cali warancadde ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu ku yidhaa waa inoo berri meel baan waxoogaa ka sugayaa. C/raxman Farax sugaal baa kaaga horreeyay.

· Hadduu Habr Jeclo wax yidhaahdo oo ku dhilo Xaji Cabdi Waraabe ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu Maraykan kaaga sheekeeyo oo yidhaahdo Republican ka ayaa inoo wanaagsan oo ina ictiraafayay. Sacad sheikh baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo. Axmedow kiniinkii madax wareerkaa ii keen. Jug-soo-dhacay baa kaaga horreeyey oo deymankii xisbiga iyo lgacayowgii crruuraha iyo dadka aaska ka sii dareeray ee la soo duwey ee la yidhi xisbiga ayay ku soo biireen lagu kharash gareeyay.

· Haddaad aragto isagoo fayl buluukiya la taagan. Maxamed Baarjeex baa kaaga horreeyay oo jagadiisii shacabka arjigeedii 250 aad ee uu us oo qortay weeyaan.

· Hadduu Iraan kaaga sheekeeyo iyo sida adhigeena loogu iib geyn karo. Adan Baradho oo beri wefti Rugta Ganacsiga ah ku tegey Iran baa kaaga horreeyay.

· Haddaad u gasho isagoo leh. Bal yaa isagaa waxaa u dirtay? Ina xaaji Daahir baa kaaga horeeyay oo arrimo aan loo diran daf iska yidhi. Mana eryi karo oo Xaaji Daahir buu ka baqayaa.

· Markaad u gasho hadduu wejigiisa qushuuc ka muuqdo iyo farxadi oo isha bidix yareeyo isla markaa aad moodu inuu ku dhaafsiisan yahay. Badhasaabkii Boorame ayaa kaaga horreeyay oo hawshii uu Maxed Case iyo Habar Cafaan ka qabtay iyo siduu u kadeeday uga sheekeeyay.

· Haddu markaad u gasho yidhaahdo. Axmedow(xoghaynta) tigidhka London waa imisa. Axmed Xaashi , wasiir ku xigeenka qorshaynta ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu kaaga sheekeeyo sida loogu baahan yahay in xukuumaddu dhulka ay leedahy ugu baahan tahay inay lacag ku bedelato oo hawlo ku fuliso. Ina Aw Siciid baa kaaga horreeyay.

· Hadduu af Ingriisi kugula hadlo. Cali sanyare ayaa kaaga horreeyay.

· Hadduu ku yidhaahdo ictiraaf looma baahna ee dhaqaale ayaa ka horreeya. Xasan Gadhweyne oo sheekhii Kuwait war ka siday baa kaaga horreeyay.

· Haddaad u gasho isagoo taagan oo jeebka surwaalka oo soo baxay dib ugu celinaya. Buur madow baa kaaga horreeyay oo baadhay.

· Hadduu kuu sheego cidii mafriska idinla fadhiday shalay iyo waxay lahaayee. Ibraahim Yey baa kaaga horreeyay.

· Hadduu yidhaahdo Axmedow lambarkii Muxumed Aw Axmed ii dhiib. Oday Saleebaan baa kaaga horreeyay.

· Hadduu faylkii xisaabta gurmadka dedegga ah dalbado Axmed Daud, agaasimaha Guud ee Maaliyadda ayaa kaaga horreeyey oo u sheegay inaan lacagi ku jrin xisaabtaa.

· Hadduu ku yidhaahdo Kulmiye nin jecel iyo nin neceb ba waa qaran dumis. Xasan Mawlid baa kaaga horreeyay oo ku yidhi. Madaxweyne xisbiyada qaranku waa xisbayadeenii taageerayaashooduna waa umaddeenii oo dad walaalo ah ayaynu nahay.

· Haddaad wax Alla wuxuu ku hadlayo garan weydo oo aad af Xabashi mooddo oo inamo yaryar oo la xidhay oo rabshad waday oo xaafadaha Xawaadle iyo Koodbuur ah,iyo mu’aamarad isaga lagu waday oo la fashiliyay iyo wax la mid ah oo aan sakaaro ka biirsan oo been ah kaaga sheekeeyo. Cabdillahi Cirro ayaa kaaga horreeyay.

Markaan halkaa marayo ayuu yidhi. Waar illayn ninka baastada ayaa ka gubata, muxuu doorasho ku doonayaa haddaa? Maxaad u jeeddaa baan idhi. Wuxuu yidhi. Dhanka qurbaha qofkii wax ma tare ah ee aan waxba lagu hallayn Karin ayaanu nidhaahnaa baastada ayaa ka gubata waayo meesha raga ayaa wax kariya markaa baastaduna inyar bay ku bislaataa biyahana waa laga miiraa ee lama liqsiiyo. Waxaan ku idhi anagu wax ma karinee waxaanu nidhaahnaa “ceesaan ama waxar jabtay lagu aamini maayo qofkaa.”

Waa inoo qoraalka xiga haddii Eebbe idmo.

A. Geeljire